Jacaylbaro Posted January 30, 2008 hadhwanaag 2008-01-30 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Sarkaal ka tirsan Hay’ada Miino-saarka ee Hallo Trust Xafiiskeeda magaalada Hargeysa, ayaa saaka la dhaawacay, ka dib markii Baastoolad uu ku tuugtay nin hore uga tirsanaan-jiray shaqaalaha Hay’adaas, oo dhawaan laga eryey shaqada. Sarkaalkaas Ajanebiga ah oo magaciisa la yidhaahdo Mr. Arman, isla markaana u dhashay dalka Armenia, ayaa waxa ay xabadu kaga dhacday caloosha, iysaga oo markiiba dhawaaciisa loola cararay lana Cusbitaalka Guud ee magaalada hargeysa, halkaas oo lagu dawaynayo. Ninka dhawaaca u gaystay Sarkaalkaas, oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Maxamed Yuusf (Cabdi Madboobe), ayaa isla markiiba waxaa isna Bowdada ka toogtay Booliskii ilaalinayey xarunta Hay’ada Hollo Trust, markii uu isku dayey in uu baxsado, isaga meel lala dhigay Sarkaalkii uu dhaawaca u gaystay. Waxaana labadoodiiba-ba la wada dhigay qaybta gar-gaarka degdega ah ee Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa. Waxaana Cabdi Maxamed Yuusf (Cabdi Madboobe) uu ka tirsanaa shaqaalada Hay’ada Hollo Trust muddo gaadhaysa Sideed Sannadood, isaga oo ka mid ahaa shaqaale dhawaan Hay’adu ay iska dhintay. Mr. Cabdi Madboobe oo Warbraahintu wax ka waydiisay sababtii ku kaliftay in uu toogo ninkaa Sarkaalka ah, ayaa waxa uu tilmaamay in uu duudsiyey xaqii uu ku lahaa Hay’ada, isaga oo xusay in uu shaqaalaha Hay’ada ka tisanaa muddo sided sannadood ah. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cir), oo falkan ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada nabad-gelyadu ay baadhayaan arrintan, isla markaana Ciidamada amaanku ay gacanta ku hayaan Baaskooladii iyo ninkii falka gaystay-ba. Amuurtan ayaa waxa ay naxdin iyo amakaag ku beertay dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargaysa, oo inta badan aan u baran falalka noocan oo kale, waxaana tallaabadani noqonaysa tii saddexaad ee shaqaale Ajaaniba werar loogu gaysto Jamhuuriyada Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 30, 2008 I'm glad the criminal is caught ,,,,, he is injured too but such criminals should be brought to the justice. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 31, 2008 Hargeysa(Qaran)- Madaxii Haayada HELLO Trust ee miino saarka , ee fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa, oo maanta uu dhaawacyo ay ka soo gaadheen xabado uu nin ku riday oo kaga dhacay caloosha iyo saablayda, ayaa sida la sheegay galabta loo qaaday dalka jabuuti. Taliyaha Ciidanka Boolika Gen Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa sheegay iinuu xabsiga uu ku jiro ninkii toogtay sarkaalka oo magaciisu yahay Cabdi Maxamed Yusuf, shaqaqada haa'yadaasi uu ka tagay markii uu ka dhamaaday heshiis dhawr sano ah oo uu hore ula galay isla markaana maanta la siiyay lacagtii xaqa ahayd. "Ninkaasi wuu xidhan yahay, waxase aanu baadhaynaa sababta uu isagoo xaqiisii qaatay hadana falka toogashada ah ugu kacay"ayuu yidhi Taliyaha ciidanka boolisku. "Waxa kale oo aan amaanayaa ciidanka ilaalada haa'yadaasi oo ku guulaystay qabashada ninka falkaa ku kacay"ayuu intaas ku daray Gen Saqadhi. Madaxa haa'yada Miino-saarka HELLO Trust, oo u dhashay dalka armaaniya waxa dareen cadho leh dhaawiciisa ka muujiyay shacbi weynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 31, 2008 SDWO (Hargeisa 30/01/08) Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay Eedeysane Cabdi maxamed yuusuf (cabdi madoobe) ka dib markii uu maanta abaaro 11:00 duhurnimo uu fal isku day dil ah kula kacay MR Arman Haar-yuuyar oo u dhashay waddanka Armeeniya islamarkaana ahaa sarkaal sare oo ka tirsan hay,aadda miino saarka ee HELLO TRUST. Fal danbiyeedkan oo ka dhacay xarunta Hay,adda miino saarka ee hello trust ee caasimada Hargeysa ayaa waxa uu eeddaysanahani isku dayay inuu baxsado hase yeeshee waxa taas ka hortagay ciidanka Booliska ilaalinta Amaanka ee xarunta Hay,adda iyagoo ka dhaawacay lugta. Eeddaysane cabdi maxamed yuusuf ayaa ku hubaysnaa Baastooladii uu ku dhaawacay sarkaalkan Taliyaha ciidanka Booliska ee JSL general Maxamed saqadhi dubad ayaa isagoo ka waramaya sababta ay dhacdadani ku timid waxa uu sheegey in denbiilahani uu usheqayn jiray hay,adda hase yeeshee ay mudadii heshiiskiisu dhaamaatay isagoo isla maantana la siiyay wixii xuquuq uu lahaa ee uu hay¦adda ku lahaa taliyuhu waxa uu intaasi ku daray inay dabo gal ku samaynayaan dhacdadan. Waxa Amaan mudan siddii deg dega lahayd ee ay ciiddanka Boolisku gacanta ugu dhigeen denbiilahan. Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 1, 2008 Hargeisa(Waaheen).Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa kasoo faahfaahin dheeraada kaga bixiyey dhaawacii loo geystay ninkii ajnabiga ahaa ee ka tirsanaa haada miinada hallo trust xafiiskeda hargeisa . Wasiirku mar uu ka hadalayay cafimaadka mr armin oo isagu u dhashay dalkaasi armaniya inuu ladan yahay oo uu cafimaad qabo. Isla markaasina lagu dawaynayo dhawaciisa magalada djabouti. Wasiirka arimaha guddaha Somaliland Mudane C/laahi Ismacil Cali Ciro waxa uu sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta ku hayaan ninka falkani geystay kaasi oo uu sheegay inuu ku dooday in xaqiisii la duudsiiyey , Wasiirku waxa uu amaan u soo jeediyay Ciidanka ilaalada Hay’adaha oo uu sheegay inay yihiin qaar si fiican u tababaran waxa kale oo uu sheegay inay habkii nidaamka sharciga ahayd u toogteen danbiilaha falkani fuliyey. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu u soo jeediyey ummada inaanay gacantood sharci ku fushan ee ay u maraan wadooyinka sharciga ah wixii ay tabanayaana ay ka sheegtaan waxa kale oo uu sheegay Wasiirku inay taxadir ka geli doonan hawlaha amaanka ee khuseeya dadka ajaanibka ah waxaanu tilmaamau Mudane Ciro inaanay arrintani wax saamayna ku yeelan doonin shaqaalaha u shaqeeya Hay’adaha ajaanibka ah ee dalka ku sugan, isagoo Wasiirkuna xusay inay raali gelin ka siin doonan Hay’ada caalamiga ah ee Hallo-Trust falkani. Hayada Hallo-Trust waa Hay’ada kaliya ee hada ka shaqaysa dabargoynta miinooyinka dalka ku aasan taasi oo lagu xasuusto kumanaan Miinooyin ah oo ay ka saartay goobaha wadooyinka tobonkii sano ee la soo dhaafay. Source:waaheen.com Quote Share this post Link to post Share on other sites