General Duke Posted December 15, 2007 Dhageyso M/Dheere oo ka hadlaya dagaalada Muqdisho -Dhageyso audio Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 15, 2007 Mogadishu is coming back to order. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 15, 2007 Ciidamo howlgalo ka wada Muqdisho 15 Dec 15, 2007 - 12:32:15 AM Muqdisho oo labadii maalmood ee la soo dhaafey ay ka dhacayeen dagaalo faraha looga gubtay kuwaas oou dhaxeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa u muuqata saakey mid sidii hore ka xasilon. Goobaha ay ka dhaceen iska horimadyada sida Ex-Kontorol Balcad, Carafaat, Heliwaa, Qabuuraha Barakat ayaa saakay ahaa meelo degan oo ay soo buux dhafiyeen ciidamo Soomaali ah oo tababar dhowaan u soo dhamaadey iyo ciidamada Ethiopia oo wata dabaabadka dagaalka kuwaasoo baaritaano ka sameynaya xaafadaha Gubta, Dayniile, Dugsi Shanaad iyo Oodweyne halkaasoo ay sheegeen in ay aheyd goobo ay gacanta ku hayeen kooxaha ka horjeeda dowladda. Dhinaca kale waxaa saakay iska horimaad yar uu ka dhacay Isgoyska Howl-wadaag oo ay ku sugnaayeen ciidamada Booliska oo doonayey in ay gudaha u galaan Suuqa Bakaaraha balse lagala hor tegay qaraxyo iyo iska caabin loo adeegsaday bastoolado, iyadoo iska hor imaadkaasina uu ku dhintay hal qof iyo dhaawaca mid kale oo rayid ah, iyada oo xaaladdu caadi ku soo noqotay mudo yar kadib. Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska oo lagu magacabo Cabdullaahi Ibraahim Cumar "Shac Shac" ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka guuleysteen waxa uu ku tilmaamay kooxaha Al-Shabaab iyo kuwa nabad diidka ah, isagoo xusay in lagala wareegay gaadiidka dagaalka iyo hub uu sheegay in ay wateen kooxahaasi. Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxaha diidan dowladda iyo faragelinta Ethiopia kuwaasoo iyagu go'aansaday sida muuqata iney wadaan kacdoonka ka dhanka ah ciidamada isbaheystay ee Soomaalida iyo Ethiopia. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan maanta wafti ka socda IGAD kuwaas oo booqasho ku tagey gobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Uganda. Garowe Online,Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites