Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Grand meeting fo peace PICS

Recommended Posts

Kulan Ka Furmaya Maanta Hotel Lafweyn

 

Muqdisho(Calanka.com) 08-Luulyo-2007

 

Waxaa lagu wadaa maanta in uu ka furmo hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho shirweyne ey isugu imaanayaan beelaha ****** kaasoo ey uga wada hadlayaan khilaafka ka dhex aloolsanaa dhexdoo iyo sidii ey xal mideysan uga wada gaari lahaayeen.

 

Kulankan oo dhowjeer oo hor baaqday ayaa waxaa uu qobsoomidiisu yimid kadib markii garab ka mid ah odayaashii beelaha ****** ey ku kala qeybsameen in lala kulmo garabka kale ee beelaha ****** kuwaasoo ey mucaarad isku ahaayeen iskana soo horjeedaan siyaasad ahaan.

 

Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/laahi Sheekh Xasan oo iyagu kasoo jeeday garabkii Odayaasha Beelaha ****** ee ku kala qeybsamay ka qeybgalka shir ey isugu yimaadaan beelaha ****** ayaa gabi banaanka ka istaagay garabkii ey kasoo jeedeen kadib markii ey isfahmi waayeen isqabqabsina dhexmaray.

 

Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/laahi Sheekh Xasan ayaa shalay la qaatay kulan xasaasi ah gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere kaasoo kasoo dhameeyay xubnahan in ey ka qeybgalaan kulanka maanta ka furmaya Hotelka Lafweyn ee Muqdisho.

 

Kulankan maanta qabsoomaya ayaa waxaa uu dhabarjab ku yahay odayaashoo qaadacay ka qeybgalka shirkii wadatashiga beelaha ******, waxaana uu shirkan gogol xaar u ahaan doonaa shirweynaha Qaran ee soo socda oo ey ka harsan tahay 9 cisho.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

0dayaasha Dhaqanka ee Beelaha ****** oo Shirweyne Wada-tashi ah uga furmay Hotelka Laf-weyn ee magaalladda Muqdishu

 

 

Mugadisho, Axad, Julaay 08, 2007

 

Guddiga Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha ******, ayaa waxa uu maanta Shirweyne Wada-tashi ah uga furmay Hoolka shirarka ee Hotelka Laf-weyn ee magaalladda Muqdishu, xilli aysan 0dayaal-dhaqameedyo caan ka ah Beelahaasi soo xaadirin kulankaasi oo ah kii labaad isku-day lagu doonayo in la isku soo dhaweeyo Garabyadda 0dayaasha Dhaqanka ee ******.

 

Guddoomiyaha Guddigaasi, Xaaji Cabdi Iimaam Cumar, oo kulaankaasi guddoominayey, ayaa sheegay in kulankaasi looga xaajoonayo sidii loo mideyn lahaa Aragtiyaha taagan, isla markaana loogu diyaar-garoobayo Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia ee isbuuca soo socda ka furmi doona Xarunta Gaadiidka Boliska ee magaalladda Muqdishu.

 

Mar wax laga weydiiyey inaan shirka Laf-weyn u dhamaynin Beelaha Hawiyaha, waxa uu gaashaanka ku dhuftay arrintaasi, isagoo xusay inay Odayaasha Beelaha ****** u dhan yihiin kulankaasi, waa sida uu hadalka uu u yiri, wuxuuna intaasi ku daray inaan loo xayirnaan doonin Shaqsiyaadka qaadacay Shirweynahaasi.

 

Dhinaca kale, Kulanka Wada-tashiga Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha ****** uga furmay Hotelka Laf-weyn, ayaa waxaan ka muuqanin xubno jaal dhow la ahaa Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka ee Beelaha ******, Xaaji Cabdi Iimaam Cumar, oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Guddigaasi, Axmed Diiriye Cali iyo G/xigeenka Guddigaasi, Ugaas Cabdi-daahir iyo xubno kale.

 

Kulan-dhaqameedka ka furmay Hotelka Laf-weyn, oo socon doona muddo 3-maalmood ah, ayaa waxa uu u muuqdaa mid lagu afgembiyey Shirkii Wada-tashiga Dhaqanka ee laagu waday inuu Khamiistii hore ka furmo Hotelka Shaamo ee magaalladda Muqdishu, kaasi oo Turtunrrooyin Siyaasadeed darteed u dhicisoobay.

Xeeldheerayaasha, ayaa rumaysan inaan si fudud lagu xalin karin khilaafaadka soo kala dhex galay Garabyo-dhaqameedyadda Beelaha ****** ee haatan ku kala irdhoobay.

Somaliweyn Media Center (SMC)

Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan odayaal ****** ah uga socday Hotel Lafweyn oo la soo gabo-gabeeyay

 

 

Marko 09, July 07 ( Sh.M.Network)- Shir Balaaran oo ay yeesheen Beelaha ****** oo muddo labo maalmood ah uga soconayay Hotel Lafweyn ayaa galabta lagu soo gabogabeeyay, iyadoo ay isla gaareen in ay si buuxda uga qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta qaran ee Bartamaha bishaan lagu wado in lagu qabto caasimadda Somalia.

 

Shirka beelaha ****** oo ay ka qeybgaleen in ka badan 400 oo ruux oo isugu jira odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin, waxgarad, dhalinyaro iyo haween ayaa gabo-gabadiisa waxaa ka hadlay guddoomiyaha guddiga beelaha ****** Xaaji Cabdi Iimaan oo sheegay in ay ka qeybgalayaan shirka dib u heshiisiinta qaran.

 

Kulankaan ayaa gabogabadiisa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo uu aqriyay Max'ed Xasan Doob oo ka mid ah xoghayeyaasha kulankaasi.

 

Kulankaan oo uu ka qeybgalay guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaaliyeed Cali mahdi Max'ed ayuu ka sheegay in ay tahay in laga gudbo caqabadihii hortaagnaa beesha ayna tahay lama huraan in laga midoobo dhan kasta.

 

Cali Mahdi waxa uu yiri "Somalia waa mid qura oo hal heyb ah.

 

Isagoo ka hadlayay howl-gallada ka soconaya suuqa Bakaaraha maalintii 5aad ayuu sheegay in kulan maanta ay yeesheen madaxweynaha dowladda KMG ah, C/laahi Yuusuf, Guddoomiyaha gobolka Banadir Max'ed Dheere iyo ganacsatada magaalada Muqdisho ay isla gaareen in la furo meelihii la xirey ee suuqa Bakaaraha, ciidamada ka howl-galaya in lagu daro guddi ganacsato, isla markaana saldhig boolis laga furo suuqa dhexdiisa, iyadoo ganacsato kasta lagu dari doono 5 ka mid ah ciidamada booliska si ay u ilaaliyaan hantidiisa.

 

 

Click here to find this article English

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Cali Mahdi oo maanta soo gabagabeeyay shirkii beelaha ****** ee Hotel Lafweyn (Muxuu ka yiri halkaasi)

9. July 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa maanta hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulankii shalay ugu furmay beelaha ****** oo ay ka soo qeybgaleen ku dhawaad 200 ergo oo kala madalayey beelaha ******.

 

Kulankan oo maanta arrimaha looga hadlayey ay ugu weynaayeen labo arimood oo kala ah in marka hore beelaha ****** ay dhexdooda ka heshiiyaan iskana cafiyaan wixii colaad ah ee horay u soo kala dhex maray oo ay iska ilaabaan, sidoo kalena ay cafis weydiistaan beelaha kale ee walaalahooda oo ay iyagu wax u geysteen iyo qodobka kale oo ahaa u diyaar garoowga iyo ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee la filayo inuu ka furmo Muqdisho qodobadaasi oo ay isku raaceen dhamaan xubnihii ka soo qeybgalay shirkaasi.

 

Kulanka maanta oo ahaa mid aad u qiiro badan ayaa waxaa ka hadlay xubno kala madalayey beelaha ****** kuwaasoo ku dheeraaday in ay lagama maarmaan tahay 17 sano kadib in la iloobo wixii horay u dhacay kuwaasoo isugu jiray odayaal dhaqameedyo, culumaa’uddiin, aqoonyahano, siyaasiyiin magic ku leh beesha ****** iyo haweenka.

 

Gabagabadii kulankaasi oo la isku waafaqay qodobadaasi ayaa hadal qiiro leh uu halkaasi ka jeediyay Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta shirweynaha beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed oo ku dheeraaday in Soomaaliya ay maanta ku sugan tahay marxalad adag xalkana uu ku jiro in ay iyada gudaheeda ka heshiiyaan bacdamaa buu yiri dhowr jeer shirar loogu qabtay dalka dibadiisa.

 

“Soomaali marka laga hadlayo waa hal qoys mana ahan qoysas iska soo horjeedo, waa ******, kaas waa *******, qoladaas waa *** waxaasi waa caqabadaha keenay dhibaatada hada taagan, anigu waxaan ogaa hal Soomaali oo jirtay, ma ogi meel ay ku soo kala hartay” ayuu yiri Md. Cali Mahdi oo ka soo qeybgalayaasha shirka ay sacab iyo mashxarad loogu garaacay.

 

Md. Cali Mahdi ayaa ugu baaqay ka soo qeybgalayaasha kulankan hadii ay daacad ka tahay sida uu maanta indhihiisa ku arkayey in ay Soomaaliya gaareyso xal loogu gudbo dhibaatada taagan, “waayo udub dhexaadka mushkilada Soomaaliya waxaa la sheegayaa inay tahay beesha ******, hadii ay heshiis gaaraana ay sahlan tahay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan loona gaari lahaa midnimo Soomaaliyeed” ayuu yiri Cali Mahdi oo kula dardaarmay ergooyinkaasi iney fuliyaan qodobada ay maanta ku heshiiyeen isla markaana ay horsed u noqdaan ka soo qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Cali Mahdi and Maxamed Dhere were some of the main heads of the USC. How is it possible that a section of the former USC (based on their clan) have become your modern-day heroes and another section (based on their clan) are being vilified even today and have whole pathetic (sums up the general feeling) threads dedicated to some of their negative exploits by your doing?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer not my hero's these men what ever their history are doing a good job as the mayor of Mogadishu and as the coordinator of the NRC respectively.

 

Their past is not a prerequisite to their future actions.

 

Also adeer there is a group still who have not overcoem their desire for loot and blood. One group is now throwing bombs and making noises the other continues to day dream about occupaying lands. Those individuals who lead them are worse than Ali Mahdi and MDheere, who at least have changed thus far.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this