Sign in to follow this  
Jacaylbaro

New Military Officers for Somaliland

Recommended Posts

Hargeysa (HWN)- Shan iyo toban sarkaal oo ah dufcaddii labaad ka soo qallin-jabisa tababarka hoggaaminta ciidammada dhulka, ayaa xaflad soo dhoweyn ah shalay loogu sameeyey huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

 

Xafladdan oo soo dhoweynta ah ee lagu soo dhoweynayey dufcaddii labaad ee ka qallin-jabisay ciidammada hoggaaminta dhulka, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Md. Saleebaan Warsame Guuleed, masuuliyiin ka socda dawladda Itoobiya, Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani iyo saraakiil ka socday ciidanka qaranka.

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani oo ugu horreyn ka hadlay xafladdaas, ayaa sheegay inay yihiin saraakiishii ciidanka qaranka qaybtii labaad ee u soo qallin-jabisa, waxaannu ku ammaanay 15-kan sarkaal inay noqdeen dufcaddii ugu wanaagsanayd dhinaca aqoonta iyo akhlaaqda, kuna guuleystay billada dahabka ah.

 

“Dufcaddani waa dufcadii labaad ee u soo baxda ciidanka qaranka Somaliland, marka la eego hoggaaminta afantariga oo ay soo marayeen muddo saddex sanno ah, iyaga oo ku soo dhammaystay Itoobiya, kooxba koox ayey ka wanaagsanayd, kooxdani waxay ahayd kii ugu wanaagsanaa, markaad eegto natiijada imtixaannaadkoodii oo ay ku guuleysteen billada dahabka ah.

 

Xafladdan maanta aannu u qabanay in aannu ku maamuusno guusha ay u soo hooyeen dalkooda, taliyaha ciidanka qaranka Itoobiyana aad buu u ammaanay, tababar kooban way qaadan doonaan degdegna way u hawlgali doonaan,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani.

 

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga Md. Saleebaan Warsame Guuleed oo isagu si weyn u ammaanay 15-kaa sarkaal dedaalka ay muujiyeen saddexda sanno ee ay tababarka qaadanayeen, isaga oo sheegay in wixii ay soo barteen ku dabaqaan shaqadooda, isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi; “Farxad weyn ayey ii tahay inaan ka soo qaybgalo saraakiishii labaad ee ka soo qallin-jabiso, ka sokow xilka weyn ee aan u hayo ciidanka qaranku waxay markhaati ka tahay in dhinicii kale ee aqoon korodhsiga iyo tababarka iyaguna dhinacooda horumar weyn sameeyeen, taasina tahay guulweyn oo u soo hoyatay Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Dufcaddani waa dufcadii labaad ee u soo baxda ciidanka qaranka Somaliland, marka la eego hoggaaminta afantariga oo ay soo marayeen muddo saddex sanno ah, iyaga oo ku soo dhammaystay Itoobiya, kooxba koox ayey ka wanaagsanayd, kooxdani waxay ahayd kii ugu wanaagsanaa, markaad eegto natiijada imtixaannaadkoodii oo ay ku guuleysteen billada dahabka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this