Saalax Posted July 5, 2010 Siyaasiyaga Axmed Cabdi Maxamud Xaabsade ayaa markii ugu horaysay Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka qabsoontey 26-kii June 2010-ka markii ugu horaysay ugu baaqay in uu dalka ku maamulo shareecada Islaamka, isagoo ku tilmaamay hadaan dalka lagu dhaqin shareecada Islaamka in aanay Somaliland sina u toosaynin isagoo intaa ku daray in dalku u baahan yahay dawlad kooban oo tayo leh, kana digay dawlad tiro badan oo tii madaxwayne Rayaale oo kale ah in la soo dhiso. Md Xaabsade waxa kale oo uu hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin oo ku amaanay go’aankii uu ku aqbalay natiijadii ku meelgaadhka ahayd ee cododka doorashada madaxtooyada ay ka soo saareen Komishanka doorashooyinka, isagoo Madaxwayne Axmed Siilaanyo kula taliyey in uu dalka taariikh wax ku ool ah uga tago una balan qaaday in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo wax kasta oo uu uga baahdana uu la qaban doono. Siyaasiyaga Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay galab wargeyska Haatuf xogwaraysi khaas ah kula yeeshay khadka telefoonka isagoo ku sugan caasimada dalka ee Hargeysa, isagoo dhinaca kalena kaga hadlay arimo ku saabsan qaabkii ay doorashada madaxtooyada uga qabsoontey gobolka Sool iyo deegaanada hoos yimaada. Md Xaabsade isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Horta waxaan ilaahay ugu mahad naqayaa suurta galinta doorashadii madaxtooyada ee ku dhacday jawiga nabad galyada ah ee ina garansiiyey aqbalaadii natiijada doorashada madaxtooyada ka soo baxday, horta Axmed Siilaanyo natiijadii doorashada madaxtooyada ee kuu adkaaday waan ku hambalyeynayaa, madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin waxaan sidoo kale ku bogaadinayaa sidii quruxda badnayd ee uu u aqbalay natiijadaasi ee uu xilka iskaga dhiibay una gartey inaanu dalku gacantiisa ku burburin, Madaxwaynaha cusub Axmed Siilaanyo waxaan leeyahay dalka qabyo badan ayaa taala oo dhaqaale, dhaqan iyo shuruucba dhinac kasta oo la eegana waxa ka muuqda daldaloolooyin badan Ahmiyadii aad ka lahayd inaad dalka mar uun Madaxwayne ka noqoto hadii Ilaahay maanta ku siiyey waxaan kugula talinayaa inaad taariikh cad dalka kaga tagto maxaa yeelay dalku wuu kuu baahan yahay oo waad u soo halgantey, xil wasiirna waad ka soo qabatey, waayo aragnimo iyo khibrad balaadhana waad u leedahay maanta waxa lagaaga baahan yahay in aad marto dariiqii uu dalku ku horemari lahaa ee uu ku toosi lahaa, inaad shareecada Islaamka maanta dalka ku xukunto waa mid lagama maarmaan ah shareecada Islaamkuna waa mid Ilaahay inoo soo dajiyey oo uu inagu waajib yeelay in aynu ku dhaqano, dalkuna toosi maayo hadaan diinta Islaamka iyo ku dhaqankeedaba aan la ilaalin oo ubadka soo koraya aan lagu barbarin dalkeenu toosi maayo, dalkeena burbur balaadhan ayaa ka dhacay adiguna xogogaal baad u tahay sidaa darteed waxaan kugula talinayaa oo lagaaga baahan yahay inaad mudada cimrigaaga ka hadhay aad taariikh dhaxal gal ah kaga tagto” S: Hadii Madaxwayne Siilaanyo kuu soo jeediyo inaad la shaqayso maamulkiisa diyaar ma u tahay? J: Wixii uu iiga baahdaba waan kala hawl galayaa waanan la shaqaynayaa, waxna waan la dhisi doonaa diyaarbaan u ahay inaan wax la qabto oo aan la shaqeeyo. S:Waxaad u soo jeedisay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo dalka ku xukumo shareecada Islaamka, barnaamijkii xisbiga Kulmiye ee olola doorashada uu ku galayna kuma jirin qodobka ku dhaqanka shareecada Islaamka inay dalka ku xukumi doonaan, arinkaasi maxaad ka leedahay? J: Hadaanay barnaamijka Kulmiye ku jirin anigu waxaan leeyahay waa lagama maarmaan in dalka shareecada Islaamka lagu xukumo, dalkuna si kale u toosi maayo shareecada Islaamka oo lagu xukumo mooyee. S: Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii June 2010-ka dadwaynaha ku dhaqan gobolka Sool iyo deegaanada hoos yimaada toona codayntii si wanaagsan ugamay qayb galin dad tiro yar mooyaane, arimahaasi maxaa sabab ayaad u malaynaysaa? J: Dadku waxyaalo badan ayey tabanayeen, waxna way u weheliyeen maamulkuna si rasmiya ugama dhaqan galin, dadkii wax dooran lahaana umay suuro galin, dagaalo ka dhacay Hawdkuna way jireen daruufo jira awgood ayaanay u suuro galin in dadwaynuhu ay codkooda si aqlabiyad ah ay u dhiibtaan. S:Gole wasiiro oo noocee ah ayaad odhan lahayd Madaxwayne Axmed Siilaanyo ha soo dhiso iyadoo xukuumadii Madaxwaynihii hore Md Daahir Rayaale Kaahina ay ka koobnayd Gole wasiiro oo lixdameeyo ah oo iskugu jira wasiiro wasiiro dawlayaal iyo wasiir ku xigeeno? J: Waxa loo baahan yahay in uu dawlad yar oo tayo leh oo kooban oo aan sidii hore u balaadhnayn uu soo dhiso, maxaa yeelay dal yar ayeynu nahay oo dawlad tiro badan ma qaadi karno, miisaaniyadeenuna ma qaadi karto, sidaa darteed waxaan u soo jeedin lahaa in uu madaxwaynuhu soo dhiso xukuumad kooban oo tayo leh. Haatuf. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 5, 2010 seems like xaabsade was a great ucid supporter Quote Share this post Link to post Share on other sites
who-me Posted July 5, 2010 "Xaabsade oo ku baaqay in wadanka diinta lagu xukumo"... First time i had this kind of wild laughter .. muhahahaha ahaha Quote Share this post Link to post Share on other sites