Sign in to follow this  
General Duke

Cairo: Arab League relationship with TFG improves, rebuke,refuse to meet Courts

Recommended Posts

ok000.jpgSomaliaaa.jpg

 

J/carabta oo iska fogaysay dhaleeceyntii Sheekh Sharif u soo jeediyay

Last Updated::2007-08-09 12:43:17

 

J/carabta ayaa iska fogaysay dhaleeceyntii uu gudoomiyihii maxkamadaha Islaamig ah Sheekh Sharif Sheekh Axmed uu dhawaan u dusha uga tuuray J/carabta

,isaga oo ku eedeeyay J/carabta in ay iska dhega tirtay qabsashada ciidamada Etoobiya dalka Somaliya isla markana ay u xaglinayso dhinaca DFKMS ee madaxda ka yahay madaxweyne Cabdulahi Yusuf Axmed

 

Masuul u hadlay J/carabta ayaa waxaa uu sheegay in dhaleeceynta Sheekh Sharif ay tahay mid aan sax ahayn ,waxana uu intaa ku daray in sheekh Sharif uu si ula kaca ah isaga indhatiray waxa uu ku tilmaamay dadaalada wanaagsan ee waxku oolku ah ee ay J/carabtu u gashay sidii dib u heshiisin qaran loo dhex dhigi lahaa kooxaha kala gedisan ee Somalida .

 

Waxana uu masuulkani uu sheegay inuu u arko in dusha laga saaro J/carabta masuuliyada sii joogida ciidamada Ethiopia dalka Somaliya ay tahay arrin aan la aqbali karin

 

Waxana uu tilmaamay in J/carabtu ay ka mid ahayd ururadii carbeed iyo kuwii dawliga ahaa ugu horeeyay ee ku baaqay in ciidmada Ethiopia ay si dhaqso ah uga baxaan dalka Somaliya iyada markas la kaashanaysa DFKMS iyo ciidmada nabad ilaalinta ee ka socda AU.

 

Waxana uu masuulkan u hadlay J/carabta uu xaqiijiyay in gelitaanka ciidamada Ethiopia dalka Somaliiya ayku dhacday dalab rasmi ah oo kaga yimi dhinaca DFKMS.

 

Waxaa uu masuulkani sheegay in dadaalkii J/carabtu ee ku aadanaa dhex dhexaadinta DFKMS iyo maxaakimta Islaamig ah uusan weli istaagin,waxana uu xusay in J/carabtu ay gogoshiisa fidisay isla markana ay maal gelisay kulamadi ku dhex maray sanadkii hore DFKMS iyo maxaakimta Islaamig ah magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan inkasto aysan waxba kasoo bixin

 

Wakaalad

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa keenay in ay DFKMS ay bedesho mawqifkeedi ku aadanaa J/carabta ?(Xog rasmi ah)

Last Updated::2007-08-09 12:51:07

 

Wargeyska Asharqal awsat ee ka soo baxa magaalada London ayaa waxaa uu cadadkiisi maanta shaaca kaga qaaday in DFKMS ay bedeshay mawqifkeedi ku aadanaa J/carabta

kadib markii ay J/carabtu ay dhowaan diiday in ay wada hadal la gasho wafdigii maxkamadaha Islaamiga ahaa ee booqashada ku tegay magaalada Qahira ,wafdigas oo uu hogaaminayay Ibrahim Xasan Cadow oo dhinaca arrimaha dibeda u qaabilsanaa maxkamadahii islaamig ahaa ee looga itaal roonaday talada dalka Somaliya .

 

Wargeyska Asharqal awsat oo ka soo xiganaya ilo wareedyo carab iyo Somali ah ayaa waxaa uu sheegay in J/carabta ayka cadur daaratay in ay la kulanto wafdigii maxaakimta islaamig ah balse ay wafdiga ka gudoontay dhambaal ay maxaakimta Islaamig ah kaga hadlayaan arrimaha ka taagan dalka Somaliya gaar ahaana go,aanka ay maxkamaduhu ku gaareen in aysan ka qayb galin shirka dib u heshiinta qaran ee ka socda magaalada Muqdisho

 

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaahira: J/Carabta oo wacad ku martay Taageerida dowlada Soomaaliya beenisay War ka soo baxay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

9. august 2007

Qaahira(AllPuntland)- Jaamacada Carabta ayaa war ka soo saartay kaga hadashay taageerida ay siineyso dowlada faderaalka Soomaaliya iyo warkii ka soo baxay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ahaa maxkamadihii awoodooda la wiiqay 2006-dii.

 

Warkan ayaa lugu sheegay in ay Jaamacada Carabtu taageerayso dadaalada ay wado dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ee ku aadan dhinacyada nabada iyo dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

 

Jaamacada Carabta ayaa waxa ay kaloo sheegtay in ay taageersan yihiin dadaalada Midowga Africa ku doonayo in uu ciidamo fara badan ku keeno dalka Soomaaliya ,warkan waxaa kaloo looga hadlay arinta ku aadan Joogitaanka ciidamada dowlada Itoobiya ayadoo lugu sheegay in ay tahay codsi ay jeedisay dowlada Soomaaliya.

 

"Arintan ciidamada dowlada Itoobiya waxaa keenay Soomaaliya ayna ku yimaadeen Codsiga Madaxda dowlada la aqoonsan yahay ee Soomaaliya ,waxa ayna noo sheegeen Saraakiisha Itoobiya in ay Soomaaliya ka baxayaan markii la helo ciidamo badala" Ayaa lugu yiri Qoraalkan ka soo baxay Jaamacada Carabta.

 

Qoraalkan waxaa lugu beeniyay hadalkii ka soo yeeray Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Madax u ahaa Maxkamadihii laga awood roonaaday ayaa lugu sheegay mid xaqiiqada ka fog ,isla markaana Jaamacada Carabtu ay dhexdhexaad ka tahay arimaha Soomaaliya ka socda oo aysan dhinacna taageersaneyn.

 

"Jaamacada Carabtu waxa ay taageeraysaa Dowlada caalamku aqoonsan yahay ,taasna mahan mid laysku canbaareeyo waana arin laga xumaado hadalkii ka soo baxay Sheekh Shariif Sheekh Axmed" ayaa warkan lugu soo afmeeray.

 

Warka Jaamacada Carabta ayaa wuxuu ku soo beegmay xili dhawaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed canbaareyn ujeediyay Jaamacada Carabta oo lugu xalinayay Sannadihii ugu danbeeyey in ay taageerayso Maxkamadihii intii aan laga saarin dalka Soomaaliya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this