Recovering-Romantics Posted May 28, 2009 Doolow:Ciidamo ay wataan xildhibaanada Barre Hiirale iyo Max'ud Sayid Aadan oo weerar ku ah G/Gedo oo ay heystaan xoogaga Al-Shabab Doolow(AllPuntland)- Wararka ka imaanaya degmada Doolow ayaa sheegaya in Ciidamo ay wataan Xildhibaanada kala ah Barre Hiirale iyo max'ud Sayid Aadan lagu ururinayo halkaas si ay dib ugu qabsadaan gobolka Gedo oo ay hada maamulaan xoogaga Al-Shabab. Ciidamadan ayay wararku sheegayaan in ay tababar ka heleen saraakil Ethopian ah , waxaana tiro ahaan lagu qiyaasay ku dhawaad 1400-Askari. Xildhibaan Max'ud Sayid oo ka hadlayey diyaar garowga ay ku jiraan ayaa sheegay in ay doonayaan in maamul loo dhanyahay in ay ka dhisaan gobolka Gedo inkastoo maamulkaas qaabka wax la isugu darsanayo aanu sheegin. Xildhibaanka oo wax laga weydiiyey hadii ay dagaal gobolka ku tagayaan maadama ay heystaan gobolka xoogaga Al-Shabab ayaa sheegay in hadii laga fagsan waayo ay dagaalamayaan laakin marka hore ay wadahadal wax ku raadin doonan. Max'ud Sayid ayaa ku eedeyey jaaliyada dibada ee ka soo jeeda gobolka Gedo in ay ka gaabiyaan xalinta mashaakilka gobolka ka jira. G/Gedo waxaa maamul xoogaga ka tirsan Al-Shabaab , waxaana aan la aqoon suurtagalnimada in ay la xaajoodaan xildhibaanada Max'ud Sayid iyo Barre Hiiraale. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland http://www.allpuntla nd.com/article/anmvi ewer.asp?a=5289&z=2 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 28, 2009 Ruug Caddaagii Soo rogaal celi miyaa ??,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 28, 2009 can all the warlords give up ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted May 28, 2009 He will never give up easily. Tan baa u muuqato. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted May 29, 2009 ^^^ PS: Gabbal, Adigu sidii faraanfarka soo bax markii Hiraale magaciisa la sheego Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 29, 2009 loooooool@gabbal ,,,, U sheeg odayga that is soo yesterday .......... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted May 29, 2009 JB- Ruugcadaagii raamsadaa heley! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 29, 2009 alaylehe raamsadaa helay ......... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted May 30, 2009 Originally posted by nuune: ^^^ PS: Gabbal, Adigu sidii faraanfarka soo bax markii Hiraale magaciisa la sheego Ragoow dacaayada halayga kala yareeyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites