Sign in to follow this  
General Duke

Riyaale says NO...

Recommended Posts

Guddida Dhexdhexaadinta Oo Maanta Caddeeyay In Riyaale Diiday Saxeexa Go’aanada Heshiiska lagu Soo Afjarayay Khilaafka Siyaasiga Ah

May 6th, 2009

 

Hargaysa (Somaliland.org)- Guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka oogsaday ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hoteelka Imbiiriyal ee magaalada Hargaysa waxa ay ku sheegeen in munaasibaddii saxeexa qodobada iyo go’aamaddii ay guddida dhexdhexaadintu soo saareen uu diiday Daahir Riyaale Kaahin.

 

Afhayeenka guddida dhexdhexaadinta Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac Oday), oo shirkaasi jaraa;id hadal dheer ka jeediyay ayaa caddeeyay in ay joojiyeen munaasibaddii saxeexa heshiiska, kuna bedeleen in ay shir jaraa’id kula hadlaan saxaafadda, kadib markii uu Daahir Riyaale Diiday ka qayb galka munaasibadda saxeexa heshiiska. Balse waxa uu xusay Afhayeenku in Daahir Riyaale u sheegay guddida in uu qaatay go’aanada heshiiska.

 

Afhayeenka guddida dhexdhexaadintu waxa uu intaa ku daray in ay dhameeyeen go’aanada oo ah wajigii hore ee dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan, ciddii fulinwaydana ay ummada u bandhigi doonaan.

 

Guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed waxa ay amaaneen labada xisbi ee mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID oo ay sheegeen in ay Kalsoonidoodii siiyeen, aqbaleena go’aanadii ay soo saareen ee lagu soo afjarayay khilaafka iyo waliba saxeexii go’aamada.

 

Guddidu waxa ay shacabka reer Somaliland u soo jeediyeen in ay la socdaan dhaqan-galinta iyo fulinta go’aanadaasi, isla markaana ay isha ku hayaan cidda diida eek u dhaqmi wayday.

 

Dhinaca kale labada xisbi ee mucaaridka ah ayaa caawa u balansan in ay si wada jir ah warbaahinta ugu soo bandhigaan sida ay u arkaan diidmada Daahir Riyaal diiday saxeexa go’aanada heshiiskii lagu soo afjarayay khilaafka siyaasiga ah ee dalka ka oogsaday, iyada oo la filayo shir jaraa’id oo labada xisbi u balansan yihiin saacadaha soo socda in ay ku caddayn doonaan mawqif midaysan oo ay arrintaasi ka qaataan.

 

Wixii war ah ee ka soo kordha arrintan kala soco Somaliland.org.

 

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)

E-mail: afqarshe114@hotmail. com

www.somaliland.org, Hargaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mucaaradka Somaliland oo ku Gacan seyrey Talaabada Maamulka Riyaale

Thursday, May 7th, 2009 at 7:45 am

Cabdalle Muumin

 

HR Media News Desk

 

Xisbiyada Mucaaradka ee maamulka la baxay Somaliland ayaa markale dib uga boodey heshiis ay la galeen xukuumada Somaliland ee uu madaxda ka yahay Daahir Riyaale Kaahin.

 

Shir saxaafadeed ay si wadajir ah magaalada Hargeysa ugu qabteen xaley gudoomiyahaasha labada urur ee Kulmiye iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe ayey ku shaaciyeen labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID ay ka bexeen qoraal dhowaan uu soo saarey guddiga xallinta khilaafaadka maamulka Somaliland, kuwasi oo ay madaxda mucaaradku ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin inay diideen inay saxiixaan heshiiskaasi.

 

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, gudoomiyaha ururka Kulmiye oo ka hadlay shirka jaraaid ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay horey u ogolaadeen meelmarinta go’aanadii guddiga khilaafaadka, iyadoo ay si weyn u soo dhoweeyeen go’aanadaasi, hase yeeshee ay u muuqato in Daahir Riyaale uu diidan yahay fulinta go’aanada gudiga madaxa bananaan ee xagga khilaafaadka ugu xilsaaran.

 

Feysal Cali Waraabe oo isaguna gudoomiyaha ururka Ucid aya si toos ah ugu eedeeyey madaxweynahga Somaliland Daahir Riyaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin inaaney dooneyn in degaanada maamulka Somalialnd laga qabto doorasho taasi oo hadda cad, sida uu sheegay Feysal Cali Waraabe ka dib markii sida uu yiri Daahir Riyaale iyo ku xigeenkiisuba ay diideen inay saxiixaan waraaqihii gudiga khilaafaadka ee ay ku qornaayeen go’aanada guddiga, kuwaasi oo ay horey mucaaradku u saxiixeen.

 

Madaxda xisbiyada mucaaradka waxay sheegeen in qodobada lagu heshiiyey ee uu Daahir Riyaale diidey inuu saxiixi ay ka mid yihiin qodobo ku xusnaa go’aankii guddiga khilaafaadka ay labada dhinac ku heshiisiiyeen, waxaana ka mid ah qodobadaasi:

 

-In aan golaha guurtidu u kordhin karin Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa waqtiga xafiiska haddii aan arrinkaasi laga ansixin Golaha Sharci dejinta ee Baarlamaanka , iyo in doorashadu ku qabsoonto xilligii guddiga doorashooyinku u qabtay ee 27-ka September ololaha doorashaduna ka horreeyo bisha Ramadan.

 

-Guddigani waxay kaloo horey u go’aamiyeen in guddiga doorashooyinku sida ugu dhakhsaha badan u soo saaraan waqti hawleedka Doorashada, in serverku natiijada kama danbeysta ah ku soo saaro 27-ka July si waqti ku filan loogu helo hawlaha Doorashada.

 

-Iyo In Madaxweynah, labada xisbi ee mucaaradka, iyo guurtidu oo ah cidda soo wada xushay guddiga doorashooyinka ay go’aan ka gaaraan in la daayo, in la kordhiyo ama in la beddelo guddiga doorashooyinka, qodobadaas oo uu si cad u diidey madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale.

 

Labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID waxay mar kale ku celiyeen inaaney aqoonsaneyn jiritaanka madaxweyninimo ee Daahir Riyaale, oo ay sheegeen inuu waqtigiisii dhamaadey.

 

Hadalka madaxda xisbiyada mucaaradka ee maamulka Somaliland ayaa markale dhabar jab ku noqonaya dadaaladii ay ka dhex wadeen xubnaha gudiga dhex dhexaadinta mucaaradka iyo maamulka Somaliland. Iyadoo weliba uu goor hore ku ekaa waqtiga madaxweynenimo ee Daahir Riyaale taasi oo horey madaxda xisbiyada loogu qanciyey inay dib uga laabtaan si loo sameeyo isfaham iyo heshiis.

 

Waxayna arintan ku soo beegmeysaa xilli shaley guddiga dhexdhexaadinta khilaafaadka ee waanwaanta ka dhex wadey dowlada iyo mucaaradka uu ku dhawaaqay in wadahadaladii maamulka iyo mucaaradka ay ka dhex wadeen wajigii koowaad la soo afmeeray oo dhinacyadu isla qaateen fulinta go’aanada guddiga uu soo saarey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Riyaale oo laga dalbadey sixiix heshiis7 May 7, 2009 - 12:39:07 PM

 

Guddoomiyeyaasha labada xisbi-mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, Axmed Siilaanyo iyo Eng Faysal Cali-Waraabe ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aanadii Gudida dhexdhexaadinta illaa inta uu saxiixayo Madaxweyne Riyaale.

 

Labada guddoomiye-mucaarad oo xallay shir-jaraa’id oo wada jira ku qabtay huteelka Imperial ayaa sheegay in madaxweyne Riyaale diidey xaflada sixiixa heshiiskaas oo ay tilmaameen in ay tahay sida qudha ee ay ku qanci karaan iinuu madaxweynuhu daacad ka yahay heshiiskaas iyo in kale, iyagoo ku eedeeyey inuusan rabin in doorasho dalka ka qabsoonta. Isla markaana uu heshiisyo qarsoodiya oo lagu wiiqayo qaranimada Somaliland uu la galay Sheekh Shariif.

 

Ugu horeyn waxa shirkaa jaraa’id ka hadlay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadlkiisa ku bilaabay “Waxaan halkan ka cadaynaynaa marwalbana adiyaar u nahay in aanu go’aankii ay gaadheen guddida dhexdhexaadinta aanu u hogaansanahay, in aanu diyaar u nahay fullintiisa iyo ku-dhaqankiisa iyo hirgrlintiisa. Waxaanu caddaynaynaa maadaama hawsha saxeexa lagama maarmaan oo khusaynaysa shacbi-weynaha reer Somaliland oo dhan oo ummadu u wada dhegtaagaysay in ay lagama maarmaan tahay saxiixa heshiiskaasi in saddexda guddoomiye-xisbi isugu yimaadaan, si ummadu ugu kalsoonaato in uu heshiis qaran yahay.

 

Ilaa hada ma cada meesha ay isugu biyo shuban doonto siyaasadan marba soo laba kaclaynaysa, waxana welwel badani ka muuqdaa shacabka oo iyagu farta wadnaha ku haya eegaayana meesha xaalku ku dambayn doono.

 

Jamaal Siciid,Hargeysa

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this