Cowke Posted June 5, 2010 Shir U Dhaxeeya Dad Ka Kala yimi Degaanada Puntland,Somaliland Iyo Koonfurta Soomaaliya Oo Ka Furmay Garoowe (Sawiro) June 5, 2010 Shir hal maalin ah soconaaya ayaa maanta ka furmay Xarunta Library-ga ee magaalada Garoowe kaas oo ay kasoo qaybgaleen dad ka kala yimid Somaliland,Koonfurta Soomaaliya iyo dad kasocday degaanada Puntland kuwaas oo la shaqaynaayay mashruuc ay wadaan Hay’addaha UNESCO iyo JCC oo ku sabsan Nabada iyo xalinta khilaafaadka. Shirkaan ayaa waxaa looga hadlaaya wixii kasoo baxay Mashruuca Nabada iyo Xalinta Khilaafadka iyo Wixii Qabsoomi Waayay Sababaha ay u qabsoomi waayeen,waxaana furay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdiqani Salaad Guray oo sheegay in muhiim yahay shirkaan loona baahnaa qodobada looga hadlaayo. Wasiir Kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in mashruucaan ay wada fulinayaan UNESCO iyo Dawladda Japan ayaa ahaa mid loogu talagalay in dadka laga dhiso dhinac Nabada lagana hortago Khilaafaadka. Ugu dambayntii ayaa Wasiir kuxigeenka waxaa uu sheegay inuu ka codsanaayo in aysan dhinac marin qoraalka ajandaha ee shirka. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites