Cowke Posted June 22, 2010 Jaaliyada Mudulood ee UK oo maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonta Maamul Goboleedka Waax iyo Waadi In Somali on June 22, 2010 at 4:00 pm Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen dhamaan xubnaha Jaaliyada Mudulood ee wadanka UK ayaa waxa looga dhawaaqay Gudi soo diyaariya qaab dhismeedka Dowlad Gobaleedka loogu magac daray (Waax) iyo (Waadi) , waxaana gudigaasna Gudoomiye looga Dhigay Gudoomiyaha Jaaliyada Mudulood ee UK Marwo Jawaahir Baarqab Gudigan loo xilsaaray iney ka soo shaqeeyaan dhismaha maamulkan ayaa bilaabay xiriiro ay la sameynayaan dhamaan jaaliyadaha Mudulood dibada ee dalalka caalmaka gaar ahaan dalalka Yurub iyo W/Ameerika. Marwo Jawaahir oo war kooban saxaafada siisay ayaa sheegtay in ilaa hada ay dhiseen gudiga ay madaxda ka tahay gudi hoosaadyada dhaqaalaha iyo gudiga farsamada iyo gudiga abaabulka . Sidoo kale gudiga dastuurka ayaa ayaguna soo bandhigay Daraaftiga eey soo diyaarsheen iyo MAPKA iyo xuduudaha eey yeelan Doonto (Waax) iyo (Waadi) sidoo kale waxa gudiga laga codsaday, in muda 30,cisho ah oo kabilaabaneeysa, Maalinta, la magacaabay ineey ku soo geba gebeeyaan howsha loo xil saaray. Beesha Mudulood oo ah beesha ugu dhulka balaaran beelaha daga K/Soomaliya ayaa sida la isla yaqaano waxeey gaar u dagtaa gobolada Banaadir iyo labada shabeele , waxaana dhinaca kale ay beela kale la dagtaa gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaliya. Magacyada Gudiga qaban qaabada maamul goboleedka ( Waax&waadi) 1-Gudoomiye ku xigeen 1aad DR Xuseen Sh Cali Tuure 2-Gudoomiye ku xigeenka 2aad Kamaal Xassan Culusow 3-Madaxa Maaliyad Saciido Axmad Weyne 4-Cabdullaahi Cumar Cadow Fol dheere 5-Hassan Abdi Risaaq Police 6-Hassan Qaasim Hassan 7-Cabdullahi Xassan Mahamad (Wiish) 8-Axmad Geedow Xassan 9-Cabdul Qaadir Maxamad Xuseen 10-Faarax Maxamad Cosoble ( Farax Shop) 11-Qeeys Hurdaaye 12-Saciid Sheekh Xassan (Saciido Dheer) 13- Saciido Cilimi Xassan 14-Caasho Cumar Sheekh. Si kastaba maamulkan ayaa waxaa wadatashigiisa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo aqoonyahano ka soo jeeda beesha Mudulood kuwaas oo talada dhismaha maamulkan ka soo dhiibaya meelaha ay caalamka ka joogaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 22, 2010 Londan: Beesha Mudullood oo maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonto maamul goboleedka Waax iyo Waadi. 22. Juni 2010 Londan(AllPuntland)- Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen dhamaan xubnaha Jaaliyada Mudullood ee wadanka UK ayaa waxa looga dhawaaqay Gudi soo diyaariya qaab dhismeedka Dowlad Gobaleedka loogu magac daray (Waax) iyo (Waadi) , waxaana gudigaasna Gudoomiye looga Dhigay Gudoomiyaha Jaaliyada Mudulood ee UK Marwo Jawaahir Baarqab . Gudigan loo xilsaaray iney ka soo shaqeeyaan dhismaha maamulkan ayaa bilaabay xiriiro ay la sameynayaan dhamaan jaaliyadaha Mudulood dibada ee dalalka caalmaka gaar ahaan dalalka Yurub iyo W/Ameerika. Marwo Jawaahir oo war kooban saxaafada siisay ayaa sheegtay in ilaa hada ay dhiseen gudiga ay madaxda ka tahay gudi hoosaadyada dhaqaalaha iyo gudiga farsamada iyo gudiga abaabulka . Sidoo kale gudiga dastuurka ayaa ayaguna soo bandhigay Daraaftiga eey soo diyaarsheen iyo MAPKA iyo xuduudaha eey yeelan Doonto (Waax) iyo (Waadi) sidoo kale waxa gudiga laga codsaday, in muda 30,cisho ah oo kabilaabaneeysa, Maalinta, la magacaabay ineey ku soo geba gebeeyaan howsha loo xil saaray. Beesha Mudulood oo ah beesha ugu dhulka balaaran beelaha daga K/Soomaliya ayaa sida la isla yaqaano waxeey gaar u dagtaa gobolada Banaadir iyo labada shabeele , waxaana dhinaca kale ay beela kale la dagtaa gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaliya. Magacyada Gudiga qaban qaabada maamul goboleedka ( Waax&waadi) 1-Gudoomiye ku xigeen 1aad DR Xuseen Sh Cali Tuure 2-Gudoomiye ku xigeenka 2aad Kamaal Xassan Culusow 3-Madaxa Maaliyad Saciido Axmad Weyne 4-Cabdullaahi Cumar Cadow Fol dheere 5-Hassan Abdi Risaaq Police 6-Hassan Qaasim Hassan 7-Cabdullahi Xassan Mahamad (Wiish) 8-Axmad Geedow Xassan 9-Cabdul Qaadir Maxamad Xuseen 10-Faarax Maxamad Cosoble ( Farax Shop) 11-Qeeys Hurdaaye 12-Saciid Sheekh Xassan (Saciido Dheer) 13- Saciido Cilimi Xassan 14-Caasho Cumar Sheekh. Si kastaba maamulkan ayaa waxaa wadatashigiisa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo aqoonyahano ka soo jeeda beesha Mudulood kuwaas oo talada dhismaha maamulkan ka soo dhiibaya meelaha ay caalamka ka joogaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites