Xaaji Xunjuf Posted July 29, 2010 Gudoomiye Xigeenka Baarlamanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo soo gaadhay magaalada laascaanood Posted to the web on Jul 29 S Gudoomiyaha Xigeenka Baarlamanka Somaliland ahna masuul katirsan xisbiga Talada haya Ee Kulmiye ayaa maanta soo gaadhay magaalada laascaanood waftiga Gudoomiyaha ayaa si weyn u soo dhaweeyay maamulka gobolka waxayna u soo galbiyeen dhinaca hotel xamdi halkaas oo gudoomiyuhu warbixin kooban siiyay warbaahinta la xidhiidha safarkiisa Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in socdaalkiisu yahay mid uu ugu kuurgalayo habka maamul ee gobolka waxayna intaasi ku daray in xiligan oo la magacaabay badibada xukuumada cusub uu sii gogol xaadhi doono qaabka maamulka loo u si buuxda uga hirgali lahaa gobolka Gudoomiyaha oo mar wax laga waydiiyay in safarkiisa ay ku jirto inuu shir la yeeshaan kooxaha mucaaridka ee ku sugan qaybo ka mid gobolada Sool Sanaag iyo Buuhoodle ayaa uu ku jawaabay inay shir la qaadan karaan oo kaliya madax dhaqameedka goboladan si ay ugu wada hadlaan arimahooda haday suura gasho si kasta oo ay ahaataba booqashada gudoomiyaha labaad Ee baarlamanka somaliland ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee xiligan kala guurka uu ku soo gaadho magaalada laascaanood iyadoo la filayo inuu shirar la yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka sii joogay Quote Share this post Link to post Share on other sites