Sign in to follow this  
Dhubad.

Growing Anger AS Mohamed Dhere Accused of Being Behind the Yesterdays' Bomb Blast

Recommended Posts

Dhubad.   

Odayaasha Beelaha ****** oo maamulkii hore ee gobolka Banaadir ku eedeeyay in uu ka danbeeyo weerarkii shalay lagu qaraxiyay haweenkii howlaha nadaafadeed ka waday Muqdisho.

 

 

Odayaasha Beelaha ****** ayaa qaraxii shalay ay haweenka badani ku dhinteen ku eedeeyay in uu ka danbeeyay duqii hore ee magaalada Muqdisho ee xilka laga qaaday.

 

 

 

Cabdullaahi Xasan Abuukar (Cabdullaahi Dheere) oo ah afhayeenka Dhanka Siyaasada golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** oo maanta u waramaya Shabakada Warbaahinta Shabelle ayaa ku eedeeyay gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ee uu xilka ka qaaday Ra’isul wasaare Nuur Cadde in uu ka danbeeyay qaraxii haweenka badani ay ku geeriyoodeen ee ka dhacay wadada Makka Al Mukarama.

 

 

 

Waxaa uu Cabdullaahi Dheere uu sheegay in hawenkasi ay gudbiyeen Cabasho ku aadan maamulkii hore in uusan wax dhaqaalo ah siin jirin isla markana dilkooda looga faa’iideeystya qilaafkii soo kala dhex galay Maamulka gobolka iyo xil ka qaadistii lagu sameeyay Max’ed Dheere sida uu sheegay.

 

“ Dadkani waxaa ay dhibaatada ku dhacday mar ay soo gudbiyeen cabasho ka dhan ah maamulkii hore ee gobolka Banaadir ee la badalay” ayuu yiri Cabdullaahi Dheere.

 

 

 

Afhayeenka Dhanka Siyaasada golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** ayaa ugu baaqay hay’adihii howlaha nadaafadeed ay u hayeen haweenkaasi in naftooda aysan Qatar u galin iyagoo aan la siin xuquuq ku filan iyo damaanad qaad buuxda.

 

 

Iyadoo shalay ay aheeyd markii qarax shalay ka dhacay qeeybo ka mid ah wadada Makka Al Mukarama ay ku geeriyoodeen haween gaaraya in ka badan 10 isla markaana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 50 haween ah ayaa hadana dhinacyada isku haya Siyaasada Dalka uu midba midka kale uu ku eedeeyay in uu ka danbeeyo.

 

 

Shebelle Media Network - Source of Somalia News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Maxamed Dheere oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey qaraxii lagu riiqmay ee shalay ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama

 

Afhayeenka dhinaca siyaasada ee golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha ****** C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa ku ku eedeeyey guddoomiyaha uu muranku ka taagan yahay ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) inuu ka dambeeyey qaraxii shalay lagu laayey haweenkii nadaafada gobolka Banaadir ee ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

C/llaahi Dheere ayaa intaa ku daray arintaasi ay ka dambeysay ka gadaal markii haweenkaasi ay ku dacweeyeen Maxamed Dheere inuusan wax dhaqaale ah siin jirin oo isla markaana uu lunsan jiray lala bar raashinka ay shaqadooda ku bedelan jireen ee ay bixiso heyadda cuntada Aduunka ee WFP, wuxuuna xusay in Maxamed Dheere oo taa ka xumaaday uu ka dib ku dhaqaaqay falkan, isagoo ka faa’iideysanaya xaalada adag ee magaalada Muqdisho, kana aargoosanaya falkii ay haweenkaasi ku dacweeyeen oo qeyb ka ah sababihii xilalka looga xayuubiyey sida uu sheegay.

 

“Dad badan oo ay ku jiraan haweenkan markii xilka laga qaaday Maxamed Dheere waxay ku dhaqaaqeen banaanbaxyo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho kuwaasoo ay ku soo dhoweynayeen talaabada xilka looga qaaday isaga, Waxaan ugu baaqeynaa heyadaha samafalka ee dadkan masaakiinta ah cuntada ku shaqaaleeyey iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iney gargaar la gaaraan lagana fiirsado shaqooyinka aan munaasibka aheyn ee ay xiligan loo dirayo iyadoo aan wax naf leh oo noloshooda kaafinaya la siineynin” ayuu yiri afhayeenka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

News has now reached us that it was warlord Moh.Dhere that was behind the bombings.

 

Unbelievable.

 

He is doing this to buy time to kill more somali women and children.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Remember he is the same man that refered to the Xamar refugees in Afgoye town to be terrorist. Also remember his type. I am not suprised by this at all. These people are as ruthless as you can't imagine. He did this to perhaps to continue to hold his post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

you have all turned to bunch of conspiracy theorist. SOL's political section should be renamed CTC.

WARARKA

Dad loo qabqabtay Qaraxii shalay

4 Aug 4, 2008 - 8:12:42 AM

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay u qabqabteen qaraxii shalay [Aug 3, 2008] 26-qof oo lagu tuhmayo inay lug ku leeyihiin dilka haween fara badan, iyagoo xusay inay baaritaano ku hayaan.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb [Max'ed Dheere] ayaa ka sheegay kulan ay maanta yeesheen xubnaha maamulka Gobolka in qaraxa ay ka dambeeyeen Ururka Al-shabaab, dadka ay u qabqabteena ay ururkaas ka tirsan yihiin waa sida uu hadalka dhigaye.

 

"Waxaan marsiinaynaa sharciga, haddii ay ku cadaato, waxay mudan doonaan dil, hadiise ay ku cadaan waydo waan sii daynaynaa" ayuu yiri Max'ed Dheere oo dhawaan uu casilay Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Cadde.

 

Sidoo kale kulankii maanta ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in 216-Milyan oo Sh. So. ah loogu deeqay qoysaska haweenkii shalay ay waxyeeladu ka gaartay qaraxii dhacay, lacagtaas oo la sheegay inay iska ururiyaan xubnihii maamulka ee shirka ka qaybgalay.

 

Max'ed Dheere oo saxaafada la hadlay kulankoodii kadib ayaa ka warbixinayay lacagta ay u ururiyeen qoysaska haweenkii shalay ay waxyeeladu gaartay oo qaarkood ay dhaawac ahaan ugu jira Isbitaalka Madiina.

 

"Lacagta aan ururinay waxay gaaraysaa 216-Milyan iyo 400-kun oo So. Sh. ah, waxaana ugu talogalnay Qoysaska haweenka masaakiinta ah ee lagu dhibaateeyay miinada" ayuu yiri Maxamed Dheere.

 

Sidoo kale gudoomiyaha Gobolka Banaadir wuxuu sheegay in 100-Milyan oo lacagtaan ka mid ah ay bixiyay dowlada hoose isaguna uu bixiyay 30-Milayn, qaybaha kale ee maamulkana ay bixiyeen inta hartay.

 

Lacagtaan ay iska ururiyeen maamulka Gobolka Banaadir ee loogu deeqayo qoysaska haweenkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay Jidka Maka Al-mukarama ayaa kusoo beegmaysa iyadoo qoysaskaas ay ka codsadeen shacabka Soomaaliyeed kaalmooyin deg-deg ah.

 

Dhaqaqa bina'adnimo ee Maxamad Dheere ayaa yimid xili casilaadiisa ka dhex aburtey DFKMG ah khilaaf xoogan kasoo sababey in xukuumada Nur Cadde.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

BYW Dhubad, the so called "Odayaasha Beelaha..." blame everyone from the TFG, ethiopia, Banadir administration, Sland and puntland for the problems of Moqdishu when they should be at the forefront of trying to bring stability to their regions. If you ask me, the are themselfs terrorist and if i was a supposed dictator, i'dd round them up and have them executed or jailed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

If you ask me, the are themselfs terrorist and if i was a supposed dictator, i'dd round them up and have them executed or jailed.

That is exactly what the warlords AKA TFG are doing already, killing and arresting innocent Odayaasha Dhaqanka so don't worry you wishes have been granted for now!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Hey Frank,

 

When you are blaming Alshabaab for this do you have full knowledge they have done it?

 

There is evidence that Mo dheere is behind this. He did refer to the Xamar refugees in Afgoye to be terrorists remember?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this