Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Islamic Administration of Dhoobley shuts down WFP, distributes food supplies

Recommended Posts

Xafiiska Hay’adda WFP ay ku laheyd degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose oo maanta la xiray iyo raashinkii ku xareysa degmadaasi oo la qeybiyay

 

Maamulka Islaamiga degmada Dhoobley ee hoostaga Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab ayaa maanta iradaha isugu laabay Xafiiskii hay’adda WFP ay ku laheyd degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose.

Maamulka Islaamiga ayaa raashinkii ku jiray Baqarada ee hay’addu ay laheyd waxaa ay u qedybiyeen dadkii deegaanka ee saboolka ahaa Sida uu Shabelle u sheegay Sheekh Max’ed Carab oo ah ku xigeenka Waaliga wilaayada Islaamiga ee degmad Dhooblay isagoo sheegay in talabadaani ay qeyb ka tahay go’aanka Xaraakada Mujaahidiinta AL Shabaab ay uga soo saareen hay’adda WFP.

Hadal horay uga soo baxay xafiiska la socodka Hay’adaha Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa hay’adda WFP loogu baaqay in bilowga sanadkan cusub ay u qeybiso raashinka Baqaaradeeda ku xaraysan dadka u baahan islamarkaana raashinka ay ka iibsato Beeralayda Soomaaliyeed.

Shalay ayaa War ka soo baxay Hay’adda WFP waxaa ay ku sheegtay in ay ku hakisay howlihii gargaarka bini’aadanimo ee ay ka waday Soomaaliya,waxaana maalmo ka hor ay aheeyd Markii Raashin WFP ugu jiray Baqaaro ku yaala Magaalada Marka ay dad Barakacayaal ah u qeybiyeen Masuuliyiinta Wilaayada Islaamiga ee gobolka Sh/hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this