General Duke Posted May 6, 2008 Shacabka Muqdisho oo ka mudaharaadaya Sicir Bararka (Sawiro) May 6th, 2008 Muqdisho(HR Media):- Waxaa maalintii labaad ka socda Muqdisho mudaharaadyo looga soo horjeedo Sicir Bararka iyo waliba ganacsatada diida lacagta Shilling Somaaliga duugoobay. Mudaharaadyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayey ku dhinteen ugu yaraan 5 ruux kadib markii ay ciidamada DFKMG awood u adeegsadeen dadka mudaharaadayey in ay kala yaaciyaan, halkaasi oo ay dhaawacyo iyo dhamasho kasoo gaartay dadka shacabka rasaastii ay tuurayeen ciidamadaasi. Mudaharaadyadan ayaa salka ku haya maciishada sare u kacday oo taabatay dhamaan bulshada gaar ahaan dadka Saboolka ah oo ka cabanaya sicir bararka iyo lacagaha duuga ah oo ay heystaan oo laga diiday in laga qaato goobaha ganacsiga qaarkood. Shacabka Mudaharaadayey ayaa xamaasadeysnaa kuwaasi oo bilaabay in ay dhagaxaan tuuraan isla markaana taayaro ku gubaan jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 6, 2008 Dibad baxyo ka dhan ah diidmada shilinka Soomaaliga oo maalintii labaad Muqdisho ka soconaya. Magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya waxaa maalintii labaad ka soconaya dibad baxyo baahsan oo daku ay lugaha baabuurta ku gubayaan wadooyinka xaafadaha magaalada oo dhan. Si la mida sidii shalay ayaa banaan baxyadu waxaa ay kasoo bilaabmeen degmada Madiina oo dibad bixii ugu balaarnaa uu ka dhacay,waxaana kadib ay ku soo fideen xaafadaha Buulo xuubey,zoobe ilaa iyo Kilo mitir,waxaana kadib ay banaanbaxayaashu ku darsoomeen kuwii kasoo baxay xaafadahga degmooyinka Hodon,Waabri,xamar jajab iyo Xamar weyne oo kadibna is qabsaday ilaa iyo maanabooliyo. Sidoo kale deeganada Bakaraha,Dayniile ilaa iyo Suuqa Xoolaha ayaa banaanabxyadu ay ka dheceen,iyadoo kadibna ay is qabsadeen ilaa iyo wadooyinka warshadaha iyo 30-ka. Dadka ayaa dhagxaan ku tuurayay gaadiidka socda iyadoo sidoo kalana ay qasab ku xirayeen goobaha ganacsi ee furan. Maalintii labaad maanta magaalada Muqdisho guud ahaanteedba kama jiraan wax dhaq dhaqaaq ganacsi iyo iyo isu socod gaadiid ah,waxaana wadooyinka oo dhan lagu gubayaa lugaha baabuurta. Banaabaxyadu hada magaalada oo dhan ayay ka soconayaan wixii warar ah oo ku soo kordhana dib ayaad kala socon doontaan hadii Eebe Idmo. Xafiiska war qabadka sahbakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Contact:carmooyin@hotmail.com,carmooyin@gmail.com or webmaster@carmooyin.com Quote Share this post Link to post Share on other sites