Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf speaks to the people of lower Shabbele..

Recommended Posts

Deegaan Iyo Dhul Dad Kale Leeyihiin In La Gumeysto Waa Xaaraan”-Cabdullaahi Yuusuf Oo Ka Hadley Afgooye.

 

Cabdullaahi Yuusuf Oo Ka Hadley Afgooye.12/30/06

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Laba maalmood ka dib markii ay ciidamada Dowlladda Kumeelgaarka iyo kuwa Itoobiyaanku si buuxda ula wareegeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa booqasho deg-deg ah magaalada Afgooye u yimid Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna halkaas kula kulmey siyaasiyiinta iyo Odeyaasha dhaqanka ee degmada Afgooye iyo Gobolka Banaadir, wuxuuna kala hadley in ciidamada Xoogga Dalka gacan lagu siiyo adkeynta nabadgelyada, gaar ahaan wuxuu si gaar ah ula hadley reer Shabeellada Hoose oo uu sheegey in dulmigii muddada dheer saarnaa laga dulqaadey islamarkaasna ay Dowladooda isgarab taagaan.

 

Odeyaasha Dhaqanka ee Gobolka ayaa Madaxweynaha u mahadceliyey, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in si deg-deg ah ay Dowlladdu u dhisto maamul iyagu ay leeyihiin oo ka duwan kii xoogga ku haystey. Sidoo kale waxay odeyaashu ka digeen in aysan Dowlladdu ku dhicin dabinta ay maleegayaan kuwo ka tirsanaan jirey xisbiga SNA oo mas’uul ka ahaa qabsashada Gobolkan gaar ahaan waxay digniin ka bixiyeen kuwa deegaanka u dhashey ee xisbigaas dulmiga ku dhisan ku jirey, haddana doonaya inay iyagoo magac deegaanka wata ay maamulka Gobolkooda qabsadaan, taas oo uu Madaxweynuhu meesha ka saarey wuxuuna sheegey in awood dambe oo deegaan iyo dhul dad kale leeyahay lagu qabsan karin.

 

Dhinaca kale waxaa banaanbax rabshado wata ay ka dhaceen inta u dhaxeeysa isgoyska Black Sea iyo Suuqa xoolaha kuwaas oo ku dhawaaqayey in aysan dooneynin Hoggaamiye Kooxeed iyo Dowlladda Itoobiya waxayna dalbanayeen inay dalka ka baxaan. Waxay bannaanbaxyaashaas gubayeen taayarro iyo dhagxaan ay ku tuurayeen Ciidamada Itoobiya oo ku sugan Xerada Maslax. Mas’uuliyiinta u hadashey Dowlladda ayaa mudaaharaadkaas ku eedeyey haraadigii Golaha Maxaakiimta, haddii aysan ka waantoobinna ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

 

Qabsashada Dowllada ay qabsatey Muqdisho ayaa ku soo beegantey Ciida Carafo ee Ciidul Adxaa, waxaana magalada Muqdisho ciiddaani ahayd mid aan si wanaagsan looga ciidin marka xaqiiqda laga hadllo waayo dadka intiisa badan gaar ahaan kuwa xooggooda maali jirey ama dulmiga ku noolaaan jirey ayay u ahayd maalin madow. Sidoo kale dadka ay diintu dhab ka tahay islamarkaasna dulmigii horey jiri jireyna ka xummaa ayaa afkii juuqda gabey.

 

Hoggaamiye Kooxeedyada magaalada Muqdisho oo qaarkood ku soo noqdey magaalada ayaa wararka ay bixinayaan wuxuu ka duwanaa kuwii ay horey u jeedin jireen ee looga bartey, waaxayna eedeyn u jeedinayeen Golaha Maxaakiimta oo ay ku sheegeen inay dalkan ajnabi iyo Al-Qaacida gacanta u geliyeen, waxayna shacabka ku boorinayeen inay Dowlladda la shaqeeyaan islamarkaasna ay hubka iyo malleeshiyooyinka iska xaadiriyaan goobaha loo carrifey.

 

Imaanshaha Madaxweynaha ayaa waxaa laga yaabaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho iyadoo xaley uu Cali Maxamed Geeddi uu ku hooydey magaalada Muqdisho isagoo ay goroonka ku dejisey diyaarad Helikobtar ah. Waxaa socota qaabkii magaalada ammaankeeda loo sugi lahaa hubkana shacabka looga dhigi lahaa.

 

Xilliga kala guurka waxaa dadka ka faa’ideystey malleeshiyaadkii isbaarada dhigan jirey oo xitaa jidadka qaarkood iyo suuqyada ka billaabey urursiga lacagaha baadda ah, waxaan idhaheyga ka qaadey malleeshiyaad ka tirsanaan jirey kuwa Maxkamadaha oo Leejo ka qaata suuqa loo yiqaanno Suuqa Caanaha. Waxaa dad badan laga ceyrsadey guryahooda oo markii hore laga haysan jirey oo ay Maxkamaduhu kau wareejiyeen.

 

Mas’uuliyiinta iyo ciidamada Golaha Maxaakiimta ee iskugu tagey Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegey inay si adag isku difaacayaan iyadoo ay ku soo wajahan hihiin ciidmadii jebiyey lexaadkooda. Wararka aan halkaas ka heleyno ayaa sheegayaa in shacabka magaalada Kismaanyo ay ka dalbadeen in aysan magaaladooda ku dagaalamin ee ay iskaga baxaan mar haddii aay difaacan waayeen magaalada Muqdisho, waxaana saaka Saxaafadda la hadlley Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegey inay si adag isku Difaacayaan.

 

Mas’uuliyiin kale oo ka hadashey magaalada Kismaanyo ayaa sheegey in Maxkamadaha uu dhabar jebiyey Yuusuf Indhacadde oo shirqool u dhigey islamarkaasna dalka iskaga baxey waxaana la sheegey inuu joogo dalka Jarmalka, iyadoo dadweynaha hadal hanytooduna u badan tahay sida uu Indhacadde Maxaakiimta u Gatey.

 

Isku soo duub haddii aysan Dowlladda iyo ciidamada magaalada qabsadey la imaanin qorsho hufan oo ammaanka lagu sugayo waxaa halis ku jiraa ammaanka shacabka magaalada Muqdisho iyadoo dilka iyo dhaca 48 saacadood ee aan soo dhaafney uu yahay mid sidiisa hore u soo laabtey.

 

Dadweynaha ka soo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose ayaa ku mashquulsan inay ogaadaan halka uu ku sugan yahay Yuusuf Indhacadde. Haddii ay caddaato in uu ku sugan yahay dalka Jarmalka sida dadku sheegayaan ayaa qaarkood waxay wacad ku mareen inay ku dacweyn doonaan Maxkamadda Hague, waxayna Aqoonyahannada iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose ka dalbadeen inay ninkaas dacwad ku soo oogaan si looga abaalmariyo dimbiyada uu ka galey dadka Shabeellada Hoose.

 

Shabakadda Warqabadka DMC Muqdisho

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this