SOO MAAL Posted October 14, 2005 The 13 members of the Somali Youth League (SYL) , May 15, 1943(Aabayaashii Gobanimadeena) 12-KA OKTOOBAR MAALINTII CALANKA SOOMAALIYEED WALLE AAM CALAN JIRA OO CAAN AH BAAD AHAAN OO LAGU CAWAANASYEE AMA CALAL MARYO AH LA CAYNA BAAD AHAAN OO CIIRSI WAYNAYEEY . Maanta oo ah 12kii Oktoobar waa maalin taariikhi ah oo qiimo wayn ku leh sooyaalka Soomaaliyeed ,waa maalintii ugu horreysay oo dadka Soomaaliyeed aay indhaha saaraan sida uu u egyahay calankoodu . Habaynimadii 11kii Oktoobar 1954tii dadweeynaha ku nool magaalaad Muqdishow ma seexan qofkastaana wuxuu doonayey in aan looga hormarin aragtida calanka soomaaliyeed oo la surayey saqda dhexe ..waxaana saacaddu markii aay ahayd 00.00 saqda dhexe calankii Soomaaliya uu bilaabay in uu ka dhex babado calamadii talyaaniga iyo jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa.Dhacdadaasi waxaay ahayd guul wayn iyo mirihii ugu horreeyey ee halgankii uu soo galay xisbigii SYL oo horseedka u ahaa qarannimada iyo midnimaad Ummadda Soomaaliyeed. Xisbiga SYL oo ugu horreyn markii la asaasay 15kii May 1943dii la oran jiray SYC"Somali Youth Club" kaddibna u xuubsiibtay xisbi siyaasi ah oo ku shaacay darfaha Soomaaliya oo dhan loona baxshay SYL (Somali Youth League) Xisbigaasi wuxuu awood u yeeshay in uu dumo midnimada soomaaliyeed gaarsiiyana heer ku dhawaaqidda ama sheegashada qabiilku aay ceeb laga faano aay noqoto waxaana xisbigaas halhays u ahaa : Soomaaliyeey Toosa .Toosoo isku Tiirsada oo hadba kiina Taagdaran Taageera waligiin. Hadba waxaan la ooynaayo Ilmadu iiga Qubanayso Ikhtiyaar nin loo Diido la adaansadaan ahayeey Tulud geela oo dhacan baad Tarab tarab u dhimaataane ma dhulkiini oo tagay baan ruuxna Dhagax u tuurayn Asaasayaashii SYL waxaa geeriyooday Allah ha u naxariistee 11 kamid ah waxaana maanta ka nool labo Qur ah oo kala ah : 1.Daahir Xaaji Cismaan "Dhegaweeyne" oo Qaxooti ku ah dalka kanada 2.Cali Xassan Cali "Verdura " oo ku nool degmada Qoryooleey Maanta oo kale waxaan marnaba la illoobi karin oo aay waajib tahay in la xuso halyeeygii isagu hal abuuray calanka Soomaaliyeed halyeeygaas oo ah Allah naxariistii ha ka waraabiyee Maxamad Cawaale Liibaan (1919-2001).Marxuum maxamad Cawaale Liibaan wuxuu isaga oo qaxooti ah ku Geeriyooday dalka Kanada . NUS QARNI KADDIB Qaranka iyo Xornimadii la helay waa la quursadaye Wax ku qooqay Niman aan Ogayn Qaabka loo helaye Qudhooda iyo Maalkaba Raggii Qiiradow Bixiyey Waa kaa Gidaarada ku quban Qalin Jabkoodiiye Qabiil iyo dil baa noo kordhiyo Qoys anaa Badane Qorax noolba boqolaal dhintaa Qayladood Timide Qudh Kaliyoo xil lagu aaminoo Qiimo laan jirine Haddii Allaa Qaadiree Qiil inoo bixinin OO aanu Qaliifyo u sakhirin Qaata Amarkeena Ninwalboow Xabaashada Qodo Nololi waa Quuse (Waxaa tiriyey Alla ha u Naxaristee Xaaji Aadan Afqalloc) Halgaamyaashii Gobannimada dalka Soomaaliya horseedka u ahaa waxaa hammigoodu ahaa in Soomaaliya 50 sano kaddib ku biirto dawladaha horay u maray oo sawaariikh cirka u ganto ,hasayeeshe damacaas waxaa burburiyey indhowgarato cayr ka ah dareen qarannimo mid islaanimo iyo mid waddaninimoba ,garmaqatayaal ka diimoon silica dadkooda iyo dalkooda haysta . Ilaahay waxaan ka baryeeynaa in uu naga dulqaadoo musiibada nagu galgalaaty naguna beero tawfiiq iyo miyir aan kusoo ceshanno Qarannimadeenii iyo Wadajirkeenii . waxaana leenahay Qolaba Calankeedu waa cayn Annaga Keenu waa Cirkoo kale Aan Caadna lahayn ee Cashaqa Somaliweyn Information Center/Gothenburg /Sweden Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted October 14, 2005 Cabdillaahi "Qarshe": Qolaba Calankeedu Waa Caynee Inagaa Keenu Waa Cirka oo Kala e Aan Caadna Lahayn Een Caashaqayee Xidigyahay Cadi waad noo Ciidamisee Carradaa kaligaa adow curadee Cabdillaahi Suldan "Tima Cadde" in Beerta Xoriyada (the Eve of June 26, 1960) Kana Siib kana Saar Gabayga calanka 1 Anigoo sebi uun ahoo 2 Sita leeb iyo qaansoo 3 Siigaduun isku aasoo 4 Sabo reer ka fogaanoon 5 Laygu aaminin soofkiyo 6 Saaca maanta aan joogno 7 Gabaygu waygu sugnaayee 8 Haddii aan Sarsarriigo 9 Ama aan surmaseejo 10 Amaba aan sixi waayo 11 Ama aan ka salguuro 12 Amaba laygu saluugo 13 Soomaalida i maqlaysaay 14 I su'aala hadhow 15 Ilaahaan waxba seegine 16 Subaciisa Quraankiyo 17 Sabbaxooyin ku sheegayow 18 Saciira iyo naciima 19 Rabbiigii kala seerayow 20 Markay suurtu dhawaaqdo e 21 La soo saaro makhluuqa e 22 Shaqiga iyo saciidka 23 Maalintaad kala soocdo 24 Dembigaannu samaynay 25 Rabbigayow naga saamax 26 Subciyay oo ka dukeeyaye 27 Ka siddeetan sebaaney 28 Calankaannu sugaynaye 29 Sahankiisa ahaynow 30 Seermaweydo hillaacdayow 31 Sagal maanta darroorayoo 32 Siigadii naga maydhayow 33 Saq dhexaannu ahayne 34 Kii soo saaray cadceeddow 35 Samada kii u ekaaye 36 xiddigaa mid la siiyayow 37 Saaxirkii kala guurraye 38 Sarreeyow ma-nusqaamow 39 An siduu yahay eegno e 40 Kaana siib Kanna saar 41 Saahidiinta lslaamka e 42 Subcisaa Jimcayaashiyo 43 Sibyaanta iyo haweenku 44 Calankay Saadinayeenow 45 Cidina kaanay na Siine 46 Saatir noogu yaboohayow 47 Saaxirkii kala guurraye 48 Sarreeyow ma-nusqaamow 49 Aan siduu yahay eegno e 50 Kaana siib kanna saar 51 Sallaankii istiqaalkow 52 Sedadu kay ku xidhnaydow 53 Sayruukhii Afrikaadow 54 Saaxirkii kala guurraye 55 Sarreeyow ma-nusqaamow 56 An siduu yahay eegno e 57 Kaana siib kanna saar 58 San-ku-neefle dhammaantii 59 Khalqiga kii u sinnaayeen 60 Mid saaxiib la ahayne 61 Sangalkii iska diidayow 62 Saaxirkii kala guurraye 63 Sarreeyow ma-nusqaamow 64 Aan siduu yahay eegno e 65 Kaana siib kanna saar 66 Soomaloo iscunaysa oo 67 Saqda qaylo dhawaaqdiyo 68 Sulub laysu cabbaystiyo 69 Hadba soof la xabbaadhiyo 70 Saraayaa dami weydey 71 Kii laydhiisu na saaqdayow 72 Kii sadqeeyey qabaa'ile 73 Isu saaray gacmaa ee 74 Saf walaala ka yeelayow 75 Saaxirkii kala guurraye 76 Sarreeyow ma-nusqaamow 77 An siduu yahay eegno e 78 Kaana siib kanna saar 79 In sidayda tihiin iyo 80 In kalaanan saxaynine 81 Soomaloo calan taagta 82 Saakay noogu horraysa oo 83 Saddex wiig iyo maalmo 84 Haddaan Soor cuni waayo 85 Safrad laygama yaaboo 86 Sarina mayso naftayda e 87 Saaxirkii kala guurraye 88 Sarreeyow ma-nusqaamow 89 An siduu yahay eegno e 90 Kaana siib kanna saar 91 Nimankii na Siraayaye 92 Waaxwaax noo kala saaftaye 93 Solanaayey cadkeenna e 94 Innagoo dhexda suunku 95 Sabarkeenna qarqooray 96 Kii sedkeenna Cunaayaye 97 Sarartiisa ka muuqdaye 98 Surwaalkii ka yaraadaye 99 Daaro loo sibidheeyiyo 00 Sariiraa lagu seexdiyo 101 Kabadh suuf laga buuxshiyo 102 Mid baabuurka safeeyiyo 103 Aayad saarta carruuurtiyo 104 Sagaal boy iyo kuug iyo 105 Weliba seeksa lahaa 106 Kii saabaanka u laabayow 107 Saaxirkii kala gaurraye 108 Sarreeyow ma-nusqaamow 109 An siduu yahay eegno e 110 Kaana siib kanna saar 111 Sawjarkaa hubka qaataye 112 Intuu soodhka ku taagey 113 U diyaara salaantiyo 114 Saraakiisha amraysaay 115 Sifihii isticmaarka 116 Ka siyaadiya maanta oo 117 Sibilkiinnan ag joogow 118 Sibirtiisa istaaga oo 119 Nin walbaan sigib beeloo 120 Sarow taaga gacmaa oo 121 Sacabkaysku garaaca oo 122 Nin walbow saddex goor 123 Subxaanow waa mahaddaa dheh Subxaanow waa mahadaa Subxaanow waa mahadaa Subxaanow waa mahadaa! Gabayga calanka: Kana Siib kana Saar Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted October 14, 2005 Somalia Somalia adopted light blue flag in honour of the UNO that has the control until the independence. The star has 5 points one for each branch of Somalis: Issas of Djibuti), Somali of Ethiopia, Issak of Somaliland, Somalis of old Italian Somalia and North Kenya Somalis. Jaume Ollé 27 Jul 1999 The five points of the Somali flag represents simple the previous colonial area where mostly Somali speaking people live and lived. Mohamed Aden, 13 Sep 1999 National Flag. CSW/CSW 2:3 Light blue flag with white five-pointed star. I tried to find out whether there is some legal background of this flag available on the Net, but without success. It seems that the new constitution draft is made but I located not the text on-line. It may be adopted soon, so someone should be alert in this direction I tried to locate previous legislation, but in vane again. The preivous 1979 constitution is de facto not valid, and apparently no one quotes it on the Net. The flag is older then that, from 1954. Do we have idea on any legislation from then until now? I was hoping it may at least provide hint on how big the star should be "de jure". BTW, looking the Somalian government site, it seems they use the same CoA without change as shown in e.g. [smi82], and that is the original 1956 design. The site also show the well known white-star-in-blue flag nicely. History of the flag In 1949, the assembly of the United Nations decided that Somalia would be under the former Italian colonial power as a trusteeship territory for ten years. There were three other governments who were member of united nations commission that was sent to Somalia and were sent as advisory council of the trusteeship administration of Somalia. They were Egypt, the Philippines and Columbia. In April, 1950 the Italian trusteeship administration took over power of Somalia,and the British military administration left Somali During the early months of 1954, the legislative council had been formed by the Italian trusteeship administration and advisory council of the United Mations. The members of the legislative council were composed Somalis, Italians. Arabs and Indians. They had to prepare all laws and legislation concerning the country the ten years of trusteeship territory of the United Nations. The members were not elected,but each political party, foreign community or any other recognized organizations had to select members who were representative the above mentioned organizations. Mr. Mohammed Awale Liban had been selected by the Somali labor trade union. Then members suggested the the Somalia national flag must be adapted by the legislative council in order that the somalia people get to know their National Flag before independence. So the program of the legislative council agenda reached to be discussed the Somali National Flag. Mr. Liban had proposed that only the somali members should discuss the issue of their own Flag. According to the legislative councils constitution each new proposal had to be voted on by the Legislative council members. Mr liban succeeded his suggestion.while members of legislative councils which now only Somalis. They choose the chairman for Mr. Sheik Omar. Then the temporary new chairman said that the agenda will debate the next day. Therefore Mr. liban went home and started to design the Flag. Of course he had chosen a blue color and the middle was a white star.however, each point of the white star would represent the five Somalia regions, which were divided by the colonial powers. The next morning the session started around 10:30. However, when the chairman had opened the session Mr. Liban had requested to the chairman to give him a chance to speak, the chairman allowed him. He stood up in front of legislative council members and stretched out on his chest the blue Flag with a white star in the middle. therefore as he kept on stretching on his chest, then one of the Somali members applauded and cheered while clapping for five minutes. The Somalia temporary chairman had made short speech in which he mentioned the greatness and ability of Mr. Liban whose talent had produced such a beautiful Flag less then 24 hours. Mr. Mohammed Awale Liban said the blue color stands the United Nations who help us to reach our dream of independence; white means peace and prosperity; the star is the five regions of Somali. Faisal H. Jama, 8 Mar 2000 Somali Flag Description: The flag of Somalia consists of a blue base with a white, five-pointed star in the middle of the flag. Somali Flag Meaning: The blue base originates from the flag of the United Nations and it represents the blue sky over Somalia and the UN, who helped the country realize its dream of independence. The white star represents African freedom. The star's individual points represent the five historical regions inhabited by the Somali people: Italian Somaliland (Somalia), British Somaliland (Somalia), French Somaliland (Djibouti), the ****** region of Ethiopia and north Kenya. Somali Flag History: The Somali flag was adopted on October 12, 1954 and it was inspired by the flag of the United Nations who had previously named the country as a trustee of Italy for 10 years. In 1960 Somalia gained independence and united with the former British Somaliland. The present day Somalia consists of the former Italian Somaliland and British Somaliland nations. Interesting Somali Flag Facts: Mr. Mohammed Awale Liban designed the Somali flag and presented it to the government in less than 24 hours. Quote Share this post Link to post Share on other sites