Sign in to follow this  
General Duke

Faisal Warrabe Clan Courts Djibouti want to destroy Somaliland...

Recommended Posts

Source =ceelbuurnet.com

 

Guddoomiyaha xisbi mucaarid ah oo ka dhisan Somaliland oo sheegay inay heleen warar sir ah oo cadeynaya in dowladda Jabuuti iyo maxkamadaha islaamiga iska kaashanayaan burburinta dalkooda

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa maanta soo

bandhigay qoraalo sir ah oo uu sheegay inay u soo gudbiyeen illo xog-ogaal ah oo ka

tirsan maamulkaasi kuwaasoo tilmaamaya in dowladda Jabuuti iyo golaha maxkamadaha

islaamka Soomaaliyeed ay iska kaashanayaan sidii loo burburin lahaa midnimada iyo

jiritaanka maamulka gooni u goosad doonka ee Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

 

Sidoo kale, Feysal Cali Waraabe ayaa xusay inay qorshahan maanta ka doodeen golaha

guuritda ee maamulkaasi Somaliland, wuxuuna sheegay in qorshahan bur burinta ah ay

ka kala soconayaan dhinacyo kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ah.

 

“Muddo badan ayaan qorshahan dabo gal ku heynay, waxaana ugu dambeyntii ogaanay inuu jiro qorshe lagu doonayo in lagu burburiyo jiritaanka iyo shacabka Somaliland, oo ay

iska kaashanayaan maxkamadaha Muqdisho iyo dowladda Jabuuti, waxaana u sheegeynaa

dhinacyadaasi in Somaliland IILLAAHEY abuurtay ayna iska diaaci doonaan cidii walba

oo dibin daabyo la damacda” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo sidoo kale ku eedeeyay

dowladda federaalka inay iyaguna dhinac kale ka wadaan dhibaateynta shacabka

Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

 

Dhinaca kale, Feysal Cali Waraabe oo la weydiiyay sababaha ay inta badan u

cambaareeyaan mas’uuliyiinta golaha maxkamadaha islaamka ayaa sheegay in

maxkamadaha ay xilli ay ka filayeen inay aqoonsi siiyaan madax banaanidooda ay ku

gabyeen isla markaana ay hawada u soo mariyeen hadalo aan munaasib aheyn sida uu

hadalka u dhigay, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in maamulka Somaliland, uu iska

difaaci doono cid kasta oo ka hor jeeda gooni isu taagooda.

 

Garaad Salaad Xirsi

garaadcadde@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this