Cowke Posted March 26, 2010 Dr.Suleymaan Axmed Ciise (Xaglatoosiye) oo xoriyadiisi dib u helay March 26, 2010| NEWS: Category | 6 comments Kadib markii lagu xirey magaalada Nairobi ee dalka Kenya hogaanka sare ee Gobolada SSC, Dr.Suleymaan Axmed Ciise iyo qaar kamid ah hogaanka SSC, ayaa maanta xoriyadoodi dib u helay sida uu noo xaqiijiyey mid kamid ah raga ka agdhaw hogaanka sare ee SSC. Labada hogaamiye oo ay la socdaan qaar kamid ah jaaliyada SSC ayaa doonaayey in ay gudaha u soo galaan Gobolada SSC, waxaana lagu qabtey Garoonka diyaaradaha ee Wilson Airport, xili ay doonayeen in ay ka duulaan halkaas. Xariga masuuliyiintan ayaa waxaa marin habaabin ku sameeyay qaar kamid ah warbaahinta, taas oo u muuqatay mid lagu talo galay, waxaana qaar kamid ah warbaahinta afsoomaaliga ku hadasha ay sheegeen in Dr. Xaglatoosiye uu ka mid yahay dhalinyarada ku biirey ururada xagjirka ah kuwaas oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya, halka qaarkood ay sheegeen in loo haytso hogaamiyaha gobolada SSC in uu ka danbeeyay qaraxyo ka dhacay magaalada Laascaanood. Sida laga soo xiganaayo qaar kamid ah dadkii la socdey Dr.Suleymaan ayaa sheegay in ciidankii dharcadda ahaa ee xirey markii ay ku waayeen wixii ay ku doonayeen in ay xabsiga ku geeyaan ayey sheegeen in ay uga shakisan yihiin in uu yahay nin dhawaan ka baxsadey xabsiga, ninkaas oo ay sheegeen in uu gacansaar la lahaa xarakada al-shabaab. Dr. Suleymaan ayaa markii la sii daayey saxaafadda u sheegay in dawladda Kenya aysan u sheegin sababta loo xirey, waxa ay sheegeen in aan ku jiro dadka la raadinaayo taasna caddeyn waa u waayeen, imana soo daayeen haddii aan ahay mid ka mid ah argagixisada ayuu yiri. Sidoo kale waxaa la sii daayey laba nin oo lala xirey kuwaas oo kala ahaa Axmed Cali Xassan oo haysta dhalashada dalka Kenya iyo Mxamed Xuseen Xaashi oo haysta dhalashada dalka Kenya Sidoo kale qofka aan xogta ka helnay ayaa sheegay in ay arintaani ahayd qorshe shirqool ah kaas oo ay garanayaan dadka soo maleegay, iyo meelaha laga soo falkiyey, waxaana uu sheegay in xitaa goobta lagu diyaariyey mid kamid ah warbaahinta ku hadasha Soomaaliga si loo duubo marka la xiraayo, waxaana ay sheegeen masuuliyiintan in ay dhawaan soo bandhigi doonaan ragii soo maleegay qorshihii diyaaradda looga reebay Hogaanka SSC. Dr.Suleymaan Axmed Ciisie Kaar iyo ku xigeenkiisa Col.Cali Sabaray ayaa lagu doortey shir loogu magacdaray Horseed kaas oo beesha *********** ay uga arinsanayeen aayahooda, oo ka dhacay dalka Kenya. Suleymaan Axmed Ciise ayaa muddo dheer deganaa dalka Maraykanka, waxa uu ahaa ganacsade isla markaana ka shaqeeya hawlaha samafalka, waxaana uu Isbitaal weyn ka dhisey magaalada Buuhoodle ee gobolka cayn, sanadkii 2009 ayuu u tartamay jagada Madaxweyne ku xigeenka Puntland, taas oo uu kaalinta labaad galay, kadib Madaxweyne Faroole ayaa ku soo daray Golihiisi wasiirada ee u horeeyay, Xaglatoosiye ayaa door-biday inaanu ka mid noqon Golaha wasiirada ee Madaxweyne Faroole, waxaana xilkaas mar danbe loo magacaabey nin kale. Axmed Muuse Nairobi Kenya Quote Share this post Link to post Share on other sites