Sign in to follow this  
Xoogsade

Ciidamada Itoobiya oo lagu jabiyey dhamaanba weeraradii ay maanta soo qaadeen.

Recommended Posts

Xoogsade   

Ciidamada Itoobiya oo lagu jabiyey dhamaanba weeraradii ay maanta soo qaadeen.

 

Muqdisho 23 Abriil 07 (Beerdhiga ) Weeraro kulkulul oo ay saaka ciidamada Itoobiya kasoo qaadeen aaga Hotel Towfiiq, Hotel Ramadan iyo Jamhuuriya ayaa si ba'an loogu jabiyey.

 

Ilo ku dhow muqaawamada ayaa Beerdhiga u xaqiijiyey in ay ciidamada Itoobiya saaka 5:45 aroornimo weerar ku soo qaadeen xoogaga muqaawamada ee ku jira aaga Hotel Towfiiq dagaalkaas oo qaatay waqti ka badan 6 saacadood ayey xoogaga muqaawamadu ku guuleysteen in ay dib u jabiyaan ciidamada Itoobiya iyaga oo ka dilay intii la arkayey ugu yaraan 3 askari, ka dib xoogaga halkaasi ku jira waxay isu baahiyeen dhinaca isgoyska Fagax oo ay gaareen Tabaseeriyada Shakti ilaa iyo guri maareeyaha dekeda Muqdisho Cabdi Jiinow oo ay la wareegeen gacan ku heytiisa.

 

Weerarka ay ciidamada Itoobiya kusoo qaadeen aaga Jamhuuriya iyo Hotel Ramadan ayaa bilowday salaadii subax ka dib wuxuuna soo qaboobay xilli ku aadan salaadii duhur, Ilo xog ogaal ayaa Beerdhiga u sheegay in xoogaga muqaawamadu xajisteen fariisimadoodii aynay ciidamada Itoobiya ee weerarka ahaa ku jabiyeen isku dayadoodii oo dhan waxayna ilahaasi sheegeen in ay ciidamada Itoobiya si fiican halkaasi ugu gumaadmeen, xoogaga muqaawamadana halkaasi ka shahiiday laba nin.

 

Weeraradan waxaa wehliyey duqeyn aad u xoogan badan oo ay ciidamada Itoobiya u qeybinayeen xaafado badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho welina si dhab ah looma oga khasaaraha ay geysteen madaafiicdaas, waxaase had iyo jeer ku nafwaaya ama ku dhaawacma dad badan oo qaarkood la waayo isbitaal la geeyo qaarkoodna ilaa iyo hadda meydadkoodii ay wadooyinka dhinac yaalaan.

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this