Jacaylbaro Posted January 14, 2009 Sirdoonka Qaranka oo Madaarka Hargeysa ka Qabtay Laba Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii Argagixiso ee 29 October 2008 Hargeysa (Jam)- Ciidanka Sirdoonka Qaranka Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay shalay laba nin oo ka dhoofayey Madaarka Hargeysa, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay arrimo la xidhiidha in ay ku lug lahaayeen weerarradii argagixiso ee 29 October 2008 ka dhacay caasimadda Hargeysa. Ma jiro wax war ah oo xukuumaddu ka soo saartay qabashada raggan, balse sida ay Jamhuuriya xalay cawayskii u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah, waxa labada nin ee Sirdoonka Qaranku ka qabteen Madaarka Hargeysa ku sii jeedeen dhinaca magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in raggaas oo aan la caddayn dhalasho halkay ka soo jeedaan, balse sitay baasaaboorro Soomaali ah, waxa madaarka uga sii horreeyey oo ku sugayey saraakiil ka tirsan hay’adda Sirdoonka Qaranka, kuwaasoo gacanta lagu dhigay markii ay galeen xafiiska Laanta Socdaalka ee garoonka diyaaradaha, kadibna mid walba la saaray gaadhi xaajiyad ah oo sirdoonku leeyihiin, una qaaday dhinaca gudaha magaalada Hargeysa, haseyeeshee ilaa hadda si rasmi ah looma oga halka la geeyey nimankaas. Labada nin ee laga qabtay Madaarka Hargeysa oo ah dhallinyaro, ayaa wararku sheegeen in ay dhowaan dalka yimaaddeen, isla markaana ciidammada ammaankoodu si weyn ula socdeen dhaqdhaqaaqyadooda, iyadoo la sheegay in ujeeddada qabashadoodu ka dambaysay tuhun la xidhiidha in lug ku lahaayeen qaraxyadii khasaaraha weyn dhaliyey ee 29kii October 2008 kooxaha argagixisadu la beegsadeen goobo muhiim ah oo ku yaal caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 14, 2009 Somaliland intelligence arrested three men at Egal International Airport in Hargeisa over terror suspect. Reports say that the three men were travelling to Mogadishu using international passports. Some local newspapers say the Somaliland security forces have been following their movements since they arrived the country and the police forces were ready at the airport to arrest them before they depart to Mogadishu. There is no official statement from the government about the issue. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaq Posted January 14, 2009 apparently, all Somalis going to Mogadishu are terrorists Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ibtisam Posted January 14, 2009 JB Did I tell you my cousin who went to visit his wife got arrested walking around in Hargisa. Something about no one knowing him and him looking suspicious. I laughed my head off, and worse thing is his Somali is broke so he could not tell them anything. He was detained and freed after a while when the family rescued him. I don’t think he is ever coming back to Hargisa, you guys are arresting everyone who does not fit in, looks and act different with a foreign passport. Take it easy, not everyone is a terror suspect. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 14, 2009 And i know some of your cousins are in Muqdisho fighting for Alshabaab ,,, markaa they can sometimes be confusing you know ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted January 14, 2009 How big are the damn jails, anigu yaabayee? Meeshaad aragtaba qof baa laxiray bey lataagan yihiin! Ibti, did your cousin look like a wadaad *gardheere*? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ibtisam Posted January 14, 2009 ^^^Yeah he is. JB waaxa waalan! Quote Share this post Link to post Share on other sites
roobleh Posted January 14, 2009 But he was released after questioned, right? That means the system is working as it should! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 15, 2009 KK, they are too big and more are under construction weliba ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted January 15, 2009 JB, Mid laba dbaq ahna waa la dhisayaa ee u sheeg. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 15, 2009 Yes of course ,, I think waaba saddex dabaq Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted January 15, 2009 Is it finished yet? Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted January 15, 2009 ^That is good. Inoo sii dhisa rag badan oo JB kamid yahay ku guri doonee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted January 15, 2009 ^^Why JB? What did he do? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 15, 2009 Poker, It is almost finished. I think they will have an opening ceremony or something. We will put more of the Redsea's relatives who are coming back from Baidoa ,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites