Som@li Posted January 7, 2005 Abwaanka abshir Bacadle iyo gabaygiisii Taariikh Iyo Gun-nimo halka ka dhagayso: Taariikh Iyo Gun-nimo - Abshir Bacadle Quote Share this post Link to post Share on other sites
SomeAlien Posted January 9, 2005 ummm, can someone do me the favor or finding me an english written article about this girl? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kowneyn Posted January 9, 2005 JAWAAB KU SOCOTA ABSHIR BACADLE Tixdan gaaban oo magaceeda la yidhaahdo “Gobannimo†soona baxday 8dii January 2005 waxa ay u jawaabaysaa Axmed Faarax Nuur(Abshir Bacadle) gabaygiisa uu ka tiriyay inanta yar ee Hargeysa lagu xidhay. “Gobanimo†1. Gaafmeeray maalmahan sidii; Goosad lay yidhi 2. Nin uun baa gartaydana ogoo; Dedaya uun goore!!! 3. Abshirow guyaalladan ma tirin; Gabay xidhiidhkiiye ’ 4. Geeraar ma soo curin intaan; Gudiyay qaafkiiye ’ 5. Godka lagu negeeyiyo ka tegay; Gobolladiisiiye’ 6. Galladdiisa niman baa badshaan; Sii guraay idhiye ’ 7. Waxse maanta igu soo gingimay; Maanso gelisteeda’ 8. Gujadaada weeyee bal aan; Galalka baadhbaadho! 9. Garta inanta lagu foororshiyo; Kiiskan go’iwaayay’ 10. Sheekada galbeed iyo Nugaal; Geeskastaba dhaaftay’ 11. Gasac iyo xumaha lays marshiyo; Hadalka geesaasan 12. Gurrac iyo inuu khalad ku jiro; Kuu garawsaniye’ 13. Hayeeshee Guhaaddiyo halkaad; Gelisay baaruudda’ 14. Magaadliyo godkaad taabataan; Gocanayaa mooyi 15. Tolka aad go’aan wada sudhaan; Gocanayaa mooyi! 16. Godobtaad ***** taarataan; Gocanayaa mooyi! 17. Lixdankaad ku goobyaashay baan; Goconayaa mooyi! 9. Garyaqaanno loo soo xuloo; Geydhka wada taagan 10. Guddiyada xuquuqdoon marqudha; Goynin hadalhaynta 11. Gadhcas iyo aqoonyahan shiriyo; Ururro guuxaaya 12. Miyaanaan gob lama caasiyee; Gabadha taageerin? 13. Miyaanaan go’aammiyo ka qorin; Xeerar wada geydhan? 14. Miyaanaan xilkii nala gudboon; Garannin dawgiisa? 9. Gar ilaah taqaan baa Islaam; Gole ka naadshaaye’ 10. Garaad diin leh baan kuu maqliyo; Caalin gaammuraye’ 11. Misna taadu good iyo ka daran; Guba ku nooleeye’ 12. Iyadoo geyiga aan fadhiyo; Culimo guurayso’ 13. Oo ay diintu gaashaan u tahay; Gebi astaantayda’ 14. Gacalkaaga anigoo ah iyo; Garabka xooggiisa’ 15. Maxaad gaalo ii daba-dhigtiyo; Xabashi gaankeeda? 16. Gabaygii wadaadkii miyaan; Lagaba guuraynba? 17. Gefka aniga lay bado miyaan; Qalin geyaa joogin? 33. Gobollada isdiidiyo anoon; Gelin ammuur sheexan 34. Dhulkaad tayda geysiyo anoon; Gacantogaalaynin 35. Badahaas guntoodiyo anoon; Gaadhin dhagartaada 36. Taariikhda guunka ah anoon; Dib ugu guuraynin 37. Gelin hore wixii dhacay bal aan; Guudmar ugu laabto! 38. Guudkayga nabarraa ku yaal; Boogo gaammuraye’ 39. Feedhaha goshayduu damqaa; Weli gunaadkiiye’ 40. Gurbood iyo dhallaan lama hambayn; Gawricii dhacaye’ 41. Gabadh ugub ah, oday gaabiyoo; Socodka goynaaya’ 42. Gadhcasiyo dhallaan kama ay tegin; Gaasaskii helaye’ 43. Gooddiga Wajaaliyo, Burciyo; Go’o nawaaxeeda’ 44. Guudka Ceerigaabiyo, Berbera; Godanka Shiikh yaallo’ 45. Gabaahiir Hargeysaa la baday; Maalin gelinkeede’ 46. Gaal baaba loo soo dalbaday; Gelelefkaygiiye’ 47. Guullaha Raxmaankaa baxshiyo; Geeljirii kacaye’ 48. Inaan gaag ka hadhin baa tashiga; Loo guddoonsadaye’ 49. Intaas oo guhaad igu dhacdiyo; Aafo igu geydhan’ 50. Inaan godob ku seexdiyo ma rabo; Aano iyo giire’ 51. Goosashada adaan Faaraxow; Gawska ku adkaynin’ 52. Gar ninkii akhriyay waa inuu; Xaqa ku gooyaaye’ 53. Gobollaa israaciyo mar bay; Garo irmaanaatay 54. Waxba beri gu’ baa lays ogaa; Gaawe haw culanne’ 55. Godkaas waxa fadhida xaajo aan; Laga geyoonayne’ 56. Laba gudub ahaatoo tolnimo; Guudka ka wadaagta’ 57. Geelaaga oo kuu tarmiyo; Kayga garabjooga’ 58. Gacal, gacal hantiyay ay farxadi; Gunudday laabtiisa’ 59. Gobannimo bartaasay jirtaa; Garashadeed qaado’ 60. Geeraarka maantana waxaan; Talo ku soo gooyay 61. Gacalow ha marin surimadaad; Gabayga qaadsiiyay 62. Anna gocasho taan qabo xumaan; Ha igu gaadhsiinnin’ Nabaadiino Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK 08 January 2005. http://www.horyaal.co.uk/modules.php?name=News&file=article&sid=665 CABDILLAAHI GABAYGIISANI JAWAAB MAAHE WAXAY ILA TAHAY WA CAQLI CELIS. WAAYO AFLAGAADADA CAD DHIRBAAXA LOOGU JAWAABI JIRAY SIDII SALAAN CARABBAY, DHIRBAAXO JAAN ETC Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gediid Posted January 9, 2005 A classic example of a buraanbur and how Abshir Bacadle can go down in history as one of icons in the buraanbur world...... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted January 10, 2005 This poem is obviously a response to Bacadle’s charge leveled at the Beesha Vice-president hails from. This is a poem despite Gediid’s belittling comment. Bacadle’s point: Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay Oo inan yaroo guri gashay ay kaga gariirsiisay Oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin Ma weydnaan gabdhaha sharaf u hayn garasho yeelkeede Addressing the point head on: Magaadliyo godkaad taabataan; Gocanayaa mooyi Tolka aad go’aan wada sudhaan; Gocanayaa mooyi! . . Garyaqaanno loo soo xuloo; Geydhka wada taagan Guddiyada xuquuqdoon marqudha; Goynin hadalhaynta Gadhcas iyo aqoonyahan shiriyo; Ururro guuxaaya Miyaanaan gob lama caasiyee; Gabadha taageerin? Technically Bacadle is in a box unless he goes back and clarifies his point being as one that is aimed at the administration but not the beel. Note how Abdillahi is not denying the injustice done to the lil kid but he's taking issue with the contention that this was a tribally motivated case rather than an isolated criminal case and all the folks who stood by the Samsam's side are from the very same beel Bacadle accused of being indifferent to the blight of Samsam. That's my reading of these 2 poems. Quote Share this post Link to post Share on other sites