Emperor Posted January 6, 2005 Abshir Bacadle oo Jawaab ka bixiyey hadalkii Feysal Cali Waraabe iyo Xabsigii Zam-Zam (Gabay) Bacadle, Poet and religious in Mogadishu Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay Abshir Nuur Faarax Waa abwaan Soomaaliyeed oo laga yaqaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa mar walbana gabay ku cabira xaaladda markaas taagan, wuxuuna gabaygaan ku cabbirayaa ama ku dhaliilay hadalladii ka soo yeeray Feysal Cali Waraabe oo ku aaddan gabadhii Zam-Zam Axmed Ducaale oo ah gabar aan hubeysnayn isla markaana gashay guri nin madax ah, dambina looga dhigay gelidda gurigaasi, wuxuuna aad uga xumaaday markii gabadhaasi gurigiisa laga jiitay uuna awoodi kari waayay inuu yiraahdo gabadha hala sii daayo. taasoo keentay in gabadhaasi la xiro isla markaana Maxkamad la soo taago Wuxuu sheegay Abshir Bacadle sababta loo xirey gabadhaas ay tahay in Reer Waqooyigu ay doonayaan inay sameeyaan wax fool xumo ah oo ay ku nacaan reer koofureedka. Abshir Nuur Faarax waxa kale oo arrinta gabadha ku baraarujiyay Weriye Fahad Yaasiin oo todobaad ka hor qoray maqaal uu hal-ku-dhig uga dhigay (Gabyaagii Wahaabiyada maxaa hadal looga waayay). Abshir Nuur Faarax (Bacadle) wuxuu ku dhashay Degmada Mustaxiil ee Zone-ka shanaad ee Soomaalidu dagto ee Itoobiya sannadkii 1946-kii, wuxuuna weligiis ku dhex jiray ganacsiga, wuxuuna gabayga uu ka tiriyay Zam-Zam ku billaabay sedan: -------------------------------------------- Ma aha Feysaloow goosashadu reero kala guuray Oo arigi kala guranayoo geeli kala soocday Oo xoolihii kala geddiyoo gobolba meel aaday Oo awrku maqashii ku guray xariggana u giijay Mar uun buu nikaaxani guntamay gaasir ma ahayne Gundhiggiyo heshiiskii la galay miyaadan soo gaarin Gu’gaagaa yar ee Feysaloow gacaloow aashaada Inaad gacan labaad doorataa kuuma soo geline Afartaa intaan kaga gudboo waan gunaanadaye Maxkamaddiini gabar lagu habsaday gadatay dhiiggeeda Go’aankeedii nacasnimo ma waan gobi ka shuureynin Ma golayaashii iyo guurtigibaa garasho naafoobay Ma gablamay Cigaal ficil xun waa laga gadoodaaye Guddiga habar-magaadlahoo wanjalay gabaraan qaan-gaarin Oo si ay god ugu sii ridaan weli la goobaaya Wax taariikhda galayaa jiroo lagu gumoobaaye Ku gaar-yeela ficilkaa ninkii gabadha eedeeyay Gaangeeti jaqaleysigii waydin gaasiraye Geenyada yaroo soo martiday guriga sheybkiinna Amay gabadhu ka hinaastay waa gob iyo xeerkeede Oo odaygu garan waayay waxa gubaya xaaskiisa Haddii gogosha lagu hiifayoo lagu gantaaleeyay Gar maahayn inuu gabadha xiroo cadow u geeyaaye Go’aankiisa nacasnimo mawaan gobi ka shuureynin Nebi Yuusuf wixii gaaraybaa meesha soo galaye Zam-Zamna kiis ma gelin ee Maseyr guuxayaa xiraye Guntii hadalku waa kaa haddaad garan kareysiine Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay Oo inan yaroo guri gashay ay kaga gariirsiisay Oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin Ma weydnaan gabdhaha sharaf u hayn garasho yeelkeede Gun iyo baar ma gaangeetigaa gubaya ruuxiinna Gobos-nowdii xabashida miyaa tan idin gaarsiisay Gablan talo adduuneey maxaa galaya Taariikhda Gacal ma lahan nabad-sugiddu waa shuuci gaamuraye God buu idinku riday odaygii aad garabsanayseene Geenyada darmaantaa rag waa gacalo eegaaye Waxaan gacani qaban baa jiroo Gobi ka sheexdaaye Mar waa gabar, mar waa idiin gayaan, mana ay qaan-gaarin Marna guri Nin weyn bay gashoo waad u gudubteene Hubna gacanta kumey sidane waad gubi lahaydeene Gun miyaad tihiin ficil xun waa laga gadoodaaye Saqiir magan il-galacle ah miyey idin ka geyn weyday Maxaa gabar qariibahoo martiya loo argaagixiyay Lixdankii nikaaxi aan galnood gacanta soo taagtay Anna aan guddoon kugu aqbaloon kaawada u giijay Guntana aan badweynta u dhignaa goo is leedahaye Ma gil-gili kadhiin boqon sanoo gocosho riintiine Halkaan feylashiinni u gudbiyay amase gaarsiiyay Feysaloow ma gaadhiin Tikrena garanba maayaane Inaad naga go’diin iyo bal daa gaalo raacnimo e’ Gundhiggiyo heshiiskii adigu amaadan soo gaarin Gulufkiyo hinaaskiini waa soo gabaabsadaye Go’aankii Tikrihu Feysaloow waa gabaa hirige Gidaar adag rabaa u dhigay si aan la iiga kaa goyne Intey caradu kaa go’i un baad gooni joog tahaye Inaan gacan labaad kaaga haro iima soo geline ---------------------------------------------- Mr F. Waraabe Ucid party leader. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com Xusuus: Abwaanka waxaa laga rajaynayaa gabaygan oo cod ah... Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2005 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 6, 2005 Can you just feel the highlight, how the poet nails with no fear and hesitation. Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay - Bacadle Best lines for me: ---------------------------------------------- Waxaan gacani qaban baa jiroo Gobi ka sheexdaaye Mar waa gabar, mar waa idiin gayaan, mana ay qaan-gaarin Marna guri Nin weyn bay gashoo waad u gudubteene Hubna gacanta kumey sidane waad gubi lahaydeene Gun miyaad tihiin ficil xun waa laga gadoodaaye Saqiir magan il-galacle ah miyey idin ka geyn weyday Maxaa gabar qariibahoo martiya loo argaagixiya ------------------------------------------------- ------------------------------------------------- Gun iyo baar ma gaangeetigaa gubaya ruuxiinna Gobos-nowdii xabashida miyaa tan idin gaarsiisay Gablan talo adduuneey maxaa galaya Taariikhda -------------------------------------------------- Briliant job he did, deep sad awakening poem. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saxardiid Posted January 6, 2005 Oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin If they scared about an armed girl isn't that explains why their army never reaches Laaso caano. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted January 6, 2005 ^^^ If they scared about an armed girl isn't that explains why their army never reaches Laaso caano ^^^ doqonyahay degalada lagu diririrayaaba waa degaladaadiiye since you speaking about beel beel sxb yaad u malaysay inay iska leeyihiin yagoori, adhicadey, laascanood xudun etc etc etc..its all the same to me. iska aamus sxb hays ceebayne. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted January 6, 2005 ^^Nin tiisi iloobey, oo tu kale ku mashquulsan "Geedkii midho leh ayaa dhagaxa lagu tuur tuura" "One throws stones at fruit bearing trees" Duq gaboobey wax u roon [waxsan hadii aanu ka hadlahayn] afkii inu dabooshaaye Marse hadduu duleeddada ka ciyo waa darxumo weyne Quote Share this post Link to post Share on other sites
India Posted January 6, 2005 God forbid that the war you lot of puntland are aching takes place BUT I have feeling the way these folks are going, we are about to see history repeat itself. Now SOL since you have started this Physco Babble hope you can take the heat and thus read on: Sidii oday malluugaha bartiyo moorada iyo faalka Bal aan mariyo maansada anay igu ******taane Maskan iyo Cagaar duriyadow mooyo tumanaysa Oo midhaha dooggiyo ka badan maadha iyo ciidda Masaakiin la dhaco waydinkii moodey reerahae Marraaq lagu gubto iyo bay noqdeen muriyo waabaye Muusiyo Qudeer uga aroor maalki reer Hagare Imikay ku meermeerayaan Miilo iyo Laase Madda kama helaan inamadii magaca waynaaye MadaxGaallo iyo Toommo iyo Magan Xawaalkiisa Maatadu haraad Samataroow waa ku madhataaye Moqorraysta waataad arliga madhax u diiddeene Kana macaasha waataad in badan maya lahaydeene Malatari cadhoodaa lafbuu malaw ka siiyaaye Maroodiguba soo jeesigaan maaro loo heline Malyoon lagu dhinto bay dhigeen marinkii ceelkiiye Ragse hadu magliga soo rogtoo kala maqnaan waayo Muslin iyo kufriba waa inay maalin diriraane maatada rasaas lala dhacaa malaha maamuuse Makhrib reero degey tuugag baa mira habeenkiiye Marjaf lama ammaanee baqii magane yuu raacay Misir iyo Madheedh iyo Galgalo maye ragi joogay Mataanaha gobka le Kahinaw waa lagama marmaane Maryo Dhiig le baa lagu furtay iyo mayd la qawracaye Iminkaan masqaro loo dilayn meel nin jiifsadaye Mudo aan yarayn baan LA muranto taagnayde Ay qoloba qolo maaganayd inay maquunshaane. Now if the above is not a forcast, I dont what is. A Plus Dusty. Quote Share this post Link to post Share on other sites
India Posted January 6, 2005 Malatari cadhoodaa lafbuu malaw ka siiyaaye. True (Budhweiser Style) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 6, 2005 God forbid that the war you lot of puntland are aching takes place BUT I have feeling the way these folks are going, we are about to see history repeat itself Puntland maxaa meesha keenay? YaaaB!!!! :confused: :confused: :confused: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garyaqaan2 Posted January 6, 2005 Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay Oo inan yaroo guri gashay ay kaga gariirsiisay Oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin Ma weydnaan gabdhaha sharaf u hayn garasho yeelkeede >>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>> i couldn't say it better. <<<<<<<<<<<<<<< the best line for me. oo inan yaroo guri gashay ay kaga gariirsiisay oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin :eek: lets leave like that, a babygril who came to your house us gust i don't now why you harm it where she never harm you. :confused: oh i forget, she is from puntland. she was going to kill the vice presdent. easy she will scream and he will die no wait she didn't have weapan how will she do it. she paid the tax driver to hide the weapons for her this was how the court in hargeys people saying to each other. finaly 16 years gril who was there at court said that doesn't make sence, where are the CIA. they didn't do their job. :eek: lol this is the past case that i have ever seen it Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted January 6, 2005 ^^^^^ reer afka nool your calaacal and baroor is getting tad bit boring these days put up or shut up... Tanac-tanacdu waa inan-gumeed tamaradiisiiye Tol haddii u lee yahay waxbay tari lahaayeene Marna haddanu dhawr tooganayn tookha haw miyine? Tiiraanyadiisa ha qabo ee ha u tiraabina'e Hana toosin waa gama'sanyay tuugga Habarwaaye Yawle Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saxardiid Posted January 7, 2005 Originally posted by Qudhac: [QB] ^^^ since you speaking about beel beel sxb yaad u malaysay inay iska leeyihiin yagoori, adhicadey, laascanood xudun etc etc etc..its all the same to me. iska aamus sxb hays ceebayne. If you don't know the difference between the people you taking about, I suggest you read the history of that part of the former Somalia but this time give more attention to what it says about these points. 1. Early arrival of Colonial powers what people of Sool and Sanaag did. Never sold to them or recognised their authority over them including their borders. 2. What did they do when they felt their way of life was threatened? Surely they didn't go asking protection but they challenged them over 20 years until even ARF aircrafts were used. 3. What did they do in 1960? They unequivocally demonstrated their will not settle anything less than total and permanent reunification with their brother in the south. 4. What did they do in 1980s, 1990s and up to now? They refused secession in any cost. Never indorsed the slands constitution and didn't take part any elections. When Reyoole broke understanding between Egal (Allah yarxam) and people in Sool and visited LA they gave him a lesson he would never forget. 5. Ask slands army and they will tell you the difference between them and those from LA. So sxb with this little help from me you will now the difference. But about Beel Beel I leave that to your imagination. Quote Share this post Link to post Share on other sites
India Posted January 7, 2005 Qudhac I have recently began to enjoy Somali Poetery and admitedly I dont understand it word to word. But with little help from my freinds/family I am able to decipher the meaning behind the metaphors and I am left impressed by every term.word.line. We have rich language and our forfathers were lamented with talent. Yawale, is certainly a man of his era. My mother sings his praises all the time. Dusy. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nationalist Posted January 7, 2005 Yawle was a loser. Plus how did Pland get involved? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 7, 2005 Honestly, Why are you guyz so obsessed with Pland Vs Sland and change every topic as bashing between the two. This is simply a case of 16 yr old young innocent girl accused of committing murder. She was tortured, rapped and prisoned. Every Somali person has talked about her case from North, South, West and East regardless of their tribal and regional difference. Is an absurd and evil act commited by men which will and should pay the price. It has nothing to do with politics, and I can't see any involvement of Putland in this case. OOh the girl is, if that is how naive you think ....OK Now this poem was composed by a Somali man from Mogadishu, Sheikh and famous for his religious poems. OH and if you want to his... Hint(his reer somehow a traditional foe to reer Puntland).. OK let me put it this way, He's from the same reer and subclan as Abdi Qasim (Former TNG president). Can you for once and all stop the bulshit of twisting topics from what their aimed for.. It a poem bringing into attention a case of a girl talked by every1 including: Amnesty International Raqiya Omar Somaliland Lawyers the BBC I heard Sland boqor(tradional leader)Burmadow took actions for the release of the girl, not sure about this. But what the man can do, When he himself got jailed not long ago. and Now Somali Poet from Magadishu, composing a whole long peom dedicating to her ordeal. Are all this people and organisations Puntlanders?????????? Stop the crap and just comment on what you think of the poem and the poor girl's trauma. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 7, 2005 Amnesty International Raqiya Omar Somaliland Lawyers the BBC I heard Sland boqor(tradional leader)Burmadow took actions for the release of the girl, not sure about this. But what the man can do, When he himself got jailed not long ago. and Now Somali Poet from Magadishu, composing a whole long peom dedicating to her ordeal. Are all this people and organisations Puntlanders?????????? You talking to deaf folks in here bro Quote Share this post Link to post Share on other sites