Sign in to follow this  
Cowke

Sharif Sakin Resign From The Ministry Of Finance

Recommended Posts

Cowke   

Shariif Xassan Shiikh Adan oo Iska Casiley Wasiirka Maaliyadda

 

May 24, 2010

 

Wasiirkii Maaliyadda ahaana Raysal Wasaare ku xigeenka Dawladda Federaalka Shariif Xassan Shiikh Adam ayaa maanta ku dhawaaqey in uu wasiirka Maaliyadda iska casiley, Shariif Xassan ayaa warqadiisi iscasilaada u gudbiyey Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid, waana ka aqbalay.

 

Shariif Xassan ayaa iska casiley Wasiirka Maaliyadda laakiin waxaa uu la haray raysalwasaare kuxigeenka.

 

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Shariif Xassan uu doonaayo in uu u tartamo booskii uu baneeyey Adan Madoobe ee Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka.

 

Shiikh Adan Madoobe oo todobaadkii la soo dhaafey iska casiley kursiga Afhayeenka kadib markii ay cadaadis saareen xildhibaanada baarlamaanka, waxa uu ku eedeeyey Shariif Xassan in uu yahay ninka gadaal ka waday khilaafkii Baarlamaanka, kaas oo sababay in oo ka dego kursiga Afhayeenka Baarlamaanka, wuxuu sheegay in Shariif Xassan ku bixiyey dhaqaale faro badan, waxaana uu ku tilmaamey sababtu in ay tahay aargoosi!.

 

Raysalwasaare ku xigeenka Shariif Xassan ayaa ahaa Afhayeenkii u horeeyey ee Baarlamaanka Federaalka, waxaa xilka laga qaadey sanadkii 2007, kadib markii uu ku biirey kooxaha mucaaradka, Saadaasha laga bixinaayo in uu dib u noqdo afhayeenka Baarlamaanka ayaa ah mid weyn

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

miskiin according to prof dalxa, noone can touch his deputy parliament speaker position. So Speaker position apparently is going to be taken by sharif sakiin from what i can ascertain

 

Pro. Dalxa “ Majirto cid isku soo sharixi karta gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka”

 

Muqdisho: (Sh.M.Network) gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee barlamanka KMG Soomaaliya Pro Max’ed Cumar Dalxa ayaa sheegay in uu wali yahay gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Barlamanka KMG Soomaaliya.

 

Kadib shir jaraa’id oo maanta Magaalada Muqdisho uu ku qabtay Max’ed Cumar Dalxa oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id in uusan iska casilin jagadiisii gudoomiye ku xigeenimo islamarkaana aysan jirin wax xil ka qaadis ah oo ay ku sameeyeen mudanayaasha Barlamanka.

 

Waxa uu sheegay Pro. Dalxa in uusan jirin wax sharci ah oo ogolaanaya in uu qof kale isku soo taago Jagada gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka, isagoo intaasi ku daray in uu wali hayo xilka gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha gudiga Dastuurka iyo arimaha federaalka Barlamanka KMG Soomaaliya C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay inaysan dastuurka ku jirin in xil qofkii hayay uu noolyahay uu isku soo taago qof kale

 

Hadalkaani ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan xildhibaan Mowliid Macaane oo isku soo dharaxay gudoomiye ku xigeenka Barlamanka KMG ee Soomaaliya.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this