Jacaylbaro Posted February 16, 2008 Hargeysa(Qaran)- Madaxweynaha Somaliland, Md Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay dalka Itoobiya .waxana lagu wada inuu uga sii gudbo dalal kale oo ku yaala Khaliijka Madaxweynaha Somaliland oo duhurkii intii aanu ka ambo bixin dalka warbaahinta ugu waramayay Qasriga madaxtooyada, ayaa fal Argagixiso ku tilmaamay afduubkii 12-kii bishan gobolka Sanaag lagu afduubay madaxii Haa’yada jarmalka ah ee ka shaqaysa dhinaca Beeraha ee Germany Agro Action [GAA], Mr Daniel Bronkel, oo ciidamada amnigu ay soo furteen maalin ka dib, markii budhcad shan nin ahi ku qafaasheen meel 150 km dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Ceerigaabo. Madaxweyne Rayaale oo aanay saxaafadu wax su’aalo ah weydiin ayaa waxa uu yidhi “Horta caado ayay noqotay in marka aan baxayo in aan sii waramo, wixii dambe war-saxaafadeedka uu Afhayeenku keeni uun bay noqon doontaa, waayo caado uma aha adduunka madaxda mar kastaba in la waraysto”. Md Daahir Rayaale Kaahin, oo ka hadlayay falkii dhawaan ka dhacay gobolka Sanaag ee lagu afduubay sarkaalkii jarmalka ahaa, waxa uu yidhi “Waxaan maanta rabaa in aan ka waramo arrinta Argagixisada ah ee ka dhacday dalkeena ee lagu soo guulaystay, horta Hambalyo ayaan u dirayaa ciidamada Qaranka iyo dadweynihii gobolkaas ku noolaa sida geesinimada leh ee ay uga hawl galeen arrintaas iyada ah, waxana muuqata wararka ugu horeeyay ee hordhaca ah ee aynu hayno in duulaankaas Ubuc meel la yidhaahdo oo maamulka Boosaaso ka tirsan laga soo abaabulay, laakiin argagixisadii waxay noqotay kuwo aan abtirsiin lahayn oo ku abtirsada Argagixiso, meel kastana way joogaan qaar inaga [somaliland] ahina way ku jiraan”. “Waxaan u gudbinayaa dadweynaha in laga feejignaado, indhhana la furo, waxaan xasuustaa markii aan Ingiriiska tagaayay 2004-tii markii aan marayay Addis ababa ayaa qubuurihii ingiriiska la jajabiyay, maalintii aan Baarlamaanka Ingiriiska tagayna GTZ qoladii maalintii la wareeray ayay ahayd, shalayna waxa inoo yimid madax kale oo caalamka ah, taasi waxay sheegaysaa mar kasta oo wax wanaagsani inoo soo socdaba, inay qaar Argagixiso ah oo u shaqeeya dad aynaan inagu garanaynin oo daneehan ka soo horjeedaa inay mujtamaceena ku dhex jiraan baa muuqanaysa”Ayuu intaas raaciyay Madaxweyne Rayaale. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas raaciyay oo uu yidhi “Dadweynaha waxaan u sheegayaa inay ka feejignaadaan oo fiiro gaar ah loo yeesho,arrinta ugu weyn ee aan doonayo in aan halkan kaga hadlaa waa taas”. “Safarna waan u baxayaa Itoobiya marka u horeysa meelo kalena inaan uga sii gudbo ayaa inshaalaahu laga yaabaa”Ayuu intaas raaciyay. Madaxweynaha Somaliland waxa ka cudur daartay in aanu maanta wax su’aalo ah ka jawaabayn, waxana uu yidhi “Su’aalo maanta kama jawaabayo ee wa salaamu calaykum”. Madaxweyne Rayaale oo ay socdaalkiisa ku weheliyaan Wasiirada Arrimaha Dibada, Mudane C/Laahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Hawlaha Guud, Md Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka madaxtooyada, Md Nuur Aamin Ismaaciil iyo Xoghaynta gaarka ah ee Madaxweynaha Md Daahir Cali Iid, lama sheegin socdaalkoodu mudada uu qaadanayo iyuo dalalka kale ee laga yaabo inuu u sii dhaafo Itoobiya. Waxa dhabada diyaaradaha ee Magaalada hargeysa Ku sii sagootiyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka dalka, waxana uu madaarka salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 17, 2008 The President of Somaliland, Mudane Dahir Rayale Kahin and a high level delegation today departed for the Gulf region. Prior to his departure for the Arabian peninsula, President Rayale gave a press conference at the Presidency in Hargeisa, in which he commented on the recent attempt to kidnap a foreign aid worker in Sanag. Speaking to the press, Mudane Rayale stated "firstly, I would like to comment on the deplorable attempt to abduct a guest of Somaliland,and I would like to extend my congratulations to the Somaliland Defence Forces, our Police Force and the people of the area whose bravery and ingenuity managed to foil this criminal enterprise. Initial reports indicate that the planning for this heinous crime originated in a place called Ubuc, which is located under the Bosaso administration, but these terrorist include people of all nationalities,and they will not succeed in Somaliland" President Rayale concluded his brief remarks by stating that "We must remain vigilant in Somaliland, and to this end, I urge the people of Somaliland to be aware of those whose aim is to derail our peace, democracy and independence" President Rayale is expected to transit in Ethiopia prior to his departure for several countries in the Arabian Gulf. Accompanying the President are, the Somaliland Foreign Minister, Mudane Abdillahi Mohamed Duale, the Public Works Minister, Mudane Saeed Sulub Mohamed, the Minister for the Presidency, Mudane Nur Amin Ismail and the President's private secretary, Mudane Dahir Ali Id. The President and his delegation were given a send off at Egal International Airport, by the Vice-President of Somaliland, Mudane Ahmed Yusuf Yasin, Cabinet ministers, members of the Somaliland parliament and members of the general public. Prior to his departure, President Rayale took the salute from the Somaliland Defence Forces. Omar Mohamed Farah Qarannews Hargeisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 17, 2008 Qasab miyaa in Adisababa lasii maro markii lasii socdo, haddana lasoo maro marka lasoo noqonaayo? Mise Masterka meeshaas ku sugan has to be briefed every detail loo soo sheego? Daallo Airlines ama Jubba Airways, who directly u fly gareeyo to many of those Khaliijka countries la iskuma aaminaayo mee ka tahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 17, 2008 Addis is the Main city of the AU ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 17, 2008 His going there everytime he goes out of Soomaaliya has nothing to do with Midowga Afrika's headquarters. Ma anaa igu cabee? Heck, adi naftirkaaga maa isku cabeysid. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 17, 2008 who told you it has nothing to do with AU ?? ,,, are you his trips planner ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites