General Duke Posted July 1, 2007 Madaxweynaha Soomaaliya C/llahi Yuusuf oo xalay ka qeyb galay munaasabadii lagu maamuuusayay 1-da July ee ka dhacday Villa Soomaliya (khudbad dheer oo uu halkaa ka jeediyay) xalay oo ku beegneyd gobanima qaadashadii koofurta Soomaaliya iyo Israacii waqooyiga iyo koofurta dalka ayaa waxaa xarunta madaxtooyada qaranka lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay 1-da July.Qudbadii Madaxweynaha halkaan ka dhageyso. xalay oo ku beegneyd gobanima qaadashadii koofurta Soomaaliya iyo Israacii waqooyiga iyo koofurta dalka ayaa waxaa xarunta madaxtooyada qaranka lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay 1-da July,waxaana munaasabaddaa kasoo qeyb galay madax aad u farabadan oo uu ugu horreeyay madaxweynaha Somaaliya, ku simaha ra'isul wasaaraha,wasiirro, ku xigeenno, mudanayaal baarlamaan,maamulka gobalka Banadir iyo dadweyne aad u farabadan. Munaasabaddan oo ahayd mid aad u qurxbadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobalka Banaadir,waxaana marka laga soo tago masuuliyiinta Soomaalida ah munaasabadda ka qeyb galay marti sharaf ajaanib ah oo lagu casuumay,ayna ka mid ahaayeen taliye yaasha ciidamada nabad ilaalinta Afrikaanka ee Jooga dalka Soomaaliya,kuwaas oo u riyaaqay qaabkii munaasabaddu u dhacday hambalyana u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabaddan awged. Munaasabadii xalay ayaa ku soo beegantay iyadoo magaalada Muddo in ka badan todobaad uu bandow saarnaa,hase ahaatee 1-da July awgeed jawigii magaaladu waa uu is badalay bandowgiina xalay oo keliya ayuu meesha ka baxay,iyadoo sidaasoo kalana bandowgii laga qaaday magaaloyin ay ka mid yihiin Baydhabo,Afgooye iyo Balcad oo munaasabado aad u ballaarani ay ka dheceen. Hobalalada waabari iyo Heegan ee dalka Soomaaliya ayaa xalay si weyn u madadaalinayay dhamaanba ka qeyb galayaashii munaasabaddii xalay,waxaana ay soo ban dhigeen heeso wadani ah iyo riwaayado ka tarjumaya qaranimada,waxaana hobalaldaa ka mid ahayd Seynab xaaji Cali baxsan oo madaxweynaha Soomaliya qudhiisu uu goobta ka sheegay in xalay oo kale calan saarkii 196-kii ay goob joog isla ahaayeen. Madaxweynaha Wadanka Soomaaliya C/llahi Yuusuf Axmed oo munaasabdii xalay khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in gobanimada la heysto aanay dheel dheel ku imaanin,waxaana uu xusay in dhiig farabadani uu u daatay gobanimada dhalinteeda ,hase ahaatee waxaa uu wax laga xumaado iyo calool xumo ku tilmaamay in dad aan garanayn dhibtii xornimada loosoo maray ay wax waliba qaseen. Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,isagoo sheegay in farxad weyn ay tahay in mar kale shacabka Soomaaliyeed ay munaasabaddan xusaan iyadoo dalka dowladi ay ka jirto,waxaana madaxweynuhu uu u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed in munaasaabaddan munaasabadeeda ay bash bash iyo baraare ku gaaraan. "Gobanima buuxda iyo dowladnimo caalamka oo dhan laga ictiraafay Soomaalidu way heleen,laakin iyaga ayaa hadana gacmohooda ku bur buriyay guushii ay halgamayaasha Soomaaliyeed dhaliyeen"ayuu yiri madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed Yuusuf oo sheegay in Soomaalida looga fadhiyo firkirka wax duminta in ay ka tagaan oo iminka wixii ka dambeeya ay wax dhisidda usoojeestaan. Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay arrimo faraabdan oo quseeya dalka Soomaaliya gaar ahaana rabshadha haatan ka jira magaalada Mqudisho,waxaana uu dhaleeceyn daran u jeediyay kuwa rabshadaha wada oo uu sheegay in danaha dalka iyo dadkaba aanay ka shaqeyneynin oo tooda uunay eeganayaan,laakin ay nasiib wanaag tahay in shacabku ay garteen oo ay iska qabanayaan. Waxaa madaxweynaha Soomaaliya uu nsadiibdarro ku tilmaamay in wali ay dalka Joogaan kuwo aan fahamsanayn waxa ay tahay Gobanimo oo taasina ay ku xanbareyso in ay fowdo u joog sii ahaadan. "Waxan jeclahay walaaleheen in aanu kula talino in ay fowdada ka haraan oo dowladoodana ay la shqeeyaan"ayuu yiri madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed Yuusuf oo xalay markii uu hadlayay ay ka muuqatay farxad aad u weyn oo aan la qiyaasi karin. dad farabadan oo xalay ka qeyb galay munaasabadii madaxtooyada ka dahcday aya mujinayay iyaguna sid ay ugu faraxsan yihiin in markii ugu horeysay muddo 16 sano ka badan ay dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay xarunta Villa Soomaaliya ku qabato munaasabadan qaran ee 1-da July. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 1, 2007 Madaxweynaha DFKMGS, oo sheegay inay Dowladiisa xukunka ku wareejin doono Nidaam Dimuqraadi ah oo waafaqsan Dastuurka Qaranka Mogadishu, Axad, Julaay 01, 2007 Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa hadalkaasi ka sheegay Munaasabadda 47-guuraddii ka soo wareegtay Is-raaca Goballadda Koonfurta iyo Waqqoyiga Somalia iyo Xornimadda dalka Somalia, oo xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee Magaalladda Muqdishu. Madaxweyne Yuusuf, waxa uu ka hadlay Halgankii dheeraa ee lo osoo maray Xornimadda dalka, isagoo ammaan u jeediyey dhamaman Halgamayaasha kaalinta wanaagsan ka soo qaatay Halgankii lagala horjeeday Gumeystayaashii Reer Yurub ee dalkka Somalia guimeysan jirtay., Madaxweyne C/llaahi Yuussuf, waxaa kaloo ka hadlay Barnaamijka Siyaasadda ee DFKMGS, wuxuuna xusay inay Dowladdu tahay mid ku timid si Dimuqraadi ah, isla markaana aay xukunka ku wareejin doonaan Nidaam Dimuqraadi ah. Madaxweyne Yuusuf, waxa kaloo uu khudbadiisa ku aadanayd 47-guuraddii ka soo wareegtay Maalinta Xornimadda iyo Israaca Goballadda Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia, waxa uu kaga hadlay kooxaha qaraxyaddaa iyo dilalka qorsheysan ka wada Magaalladda Muqdishu, wuxuuna sheegay inay ayaan-darro tahay in 67-saanno kadib inay jiraan dad Soomaali ah oo qaraxyo iyo dilal la beegsanayo Saraakiisha iyo dadka muhiimka u ah Ummadda Soomaal;iyeed. Madaxweynaha DFKMGS, waxa kaloo uu sheegay inay dowladda Federalka cagta marin doonto kooxaha doonaya inay carqalladeeyaan Nabadda iyo Midnimadda dalka Somalia, wuxuuna si gaar ah u sheegaay inaysan Taariikhda Somalia meelna uga bannaanayn shaqsiyaadka aan aaminsanayn Waddaanimadda, iyo Sharafta dadka iyo dalka Somalia. Munaasabadda 47-guuraddii ka soo wareegtay Israacii Goballadda Koonfurta iyo kuwa Waqooyiga Somalia ee xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee DFKMGS, Saraakiil ka tirsan Ciiddamadda Qaranka, Maamulka Gobalka Banaadir, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo marti Sharaf lagu casuumay Munaasabadaasi Qaran ee xalay lagu qatay Xarunta Villa Somalia ee Magaalladda Muqdishu. Waa markii ugu horreysay oo uu Madaxweyne Yuusuf kaga qeyb galo Munaasabadaasi Qaran Xarunta Villa Somalia, tan iyo markii xilka Madaxtinimadda loo magacabay sannadkii 2004-tii. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 1, 2007 “midnimada Soomaaliya waa muqadis ciddii ka hortimaadana foodaanu ku qaadaynaa” M/weyne Yuusuf (WYNET)Muqdisho:-M/weyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo xalay ka hadalyey xaflada lagu maamusayey 1-da Luulyo (Julay) oo ah markii Soomaaliya xornimadeeda mustacmarkii ama gumaystihii ka qaadatay, ayaa sheegay sida ay midnimada Soomaaliya Muqdis u tahay. Khubada M/weyanaha oo meelo badan taabanaysay ayuu sigaar ah diirada ugu saaray inay muhiim tahay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya aysana doonayn in la kala googooyo ay fooda ka qaadan doonaan ciddii arinta midnimada ka hortimaada. “midnimada Soomaaliya waa muqadis ciddii ka hortimaadana foodaanu ku qaadaynaa” ayuu yir M/weyne C/llaahi Yuusuf oo intaas raaciyey xornimada Soomaaliya laga soo maray howl adag dhiig badanimana uu u soo daatay. Mar uu iyana ka hadalay dhibaatada maanta Muqdisho taagan ayuu sheegay inaysan maanta jirin cid cid xoog ku haysan karta hase ahaatee loo baahan yahay in caqligu shqeeyo wixii qaldana wada hadal iyo nabad gelyo lagu dhameeyo. Dhowaan ayuu sheegay C/laahi Yuusuf inay loo gudbi doono nidaamka xisbiyada badan dadkuna ay dooran doonaan ciddii rabaan, waxaana taas lagu gaari karaa buu yiri in marka hore ammaanka aan sugno inaga oo wada jira. Waxaa iyana sidii caadadu ahaan jiray xalay saqdii dhexe laga sameeyey magaalada Muqdisho calansaarkii iyadoo ammaanka ay sugayeen ciidanka Booliiska Soomaalida oo ay weheliyeen kuwa midowga Africa. Xafladaan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa u ekayd mid lagu sasuuxan karay waayo waayo iyo waqtigii nabada la ahaa,waxaana guud ahaan muuqanaysay rajo laga qabo in dalku nabad ku soo laabto oo laga guuro nimaad la,aanta. Xarunta wararka Waayaha.net Waayahanet@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 1, 2007 Yusuf oo wadahal ugu baaqey kooxaha dagalamaya 1 Jul 1, 2007 - 1:58:56 AM Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ugu baaqay kooxaha ka horjeeda hadafka dowladda Federaalka ah in ay yimaadaan miiska wada hadalka kana soo qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan furmi doona si ay ugu sheegtaan waxa ay tabanayaan oo ay ka tirsanayaan dowladda Soomaaliyeed ee dalka ka dhalatay. “Waxaan ugu baaqeynaa kuwa fidnada wada iney miiska wada hadalka yimaadaan, ayna joojiyaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo dad aan waxba galabsan, aqoonyahanada iyo saraakiisha iyo waxgaradka” ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo xalay khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda lagu xusayey kowda Luulyo oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia. Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in hadii wada hadal iyo baaq nabadeed ay dhegaha ka fureystaan kooxaha qaska wada ay dowladda iyo shacbigaba ku qasban yihiin iney ka hortagaan kuwa diidan dowladnimada magacey doonaan ha sheegtaane ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay in qof dad Muslim ah oo waxba galabsan in la laayo ku kacaya aysan sheegan Karin iney yihiin Muslimiin waayo shareecadda Islaamka iyo mida caalamiga ah ayaa qabta in aan waxba loo geysan cid aan waxba kuu dhimin. Madaxwaynaha ayaa horay u sheegay in aysan shirka ka soo qayb gali karin kooxo siyaasadeed halka kooxaha ka soo horjeeda DF ay shuruudo ku xireen in ay wadhadal la galaan xukuumada. Md. Cabdullaahi Yuusuf ayaa shacbiga Somaliyeed ugu baaqay munaasabada Kowda Luulyo teeda xigta iney ku gaaraan nabad iyo badhaadhe ayna gacmaha is qabsadaan shacbiga si ay ugu guntadaan dib u dhiska dalkooda oo mudo ku jiray dagaale sokeeye iyo burbur. Gabagabadii munaasabadaas oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay labada gole ee dowladda, Maamulka gobolka Banaadir, marti sharaf qaar ka tirsan halgamayaashii SYL, Fannaaniinta Waaberi, kuwa Heegan, Barbaarta gaashaaman iyo ciidamada Baanbeyda Muusikada oo halkaasi ka garaacayey heesihii xornimo doonka taasoo ay ilaa waagu ka baryo halkaasi ka socotay kuna soo gabagabowday jawi degan. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 2, 2007 Qudbadii uu ka jeediyay munaasabada 1-da Luuliyo madaxweyne Yuusufaudio Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 2, 2007 Qudbadii uu ka jeediyay munaasabda 1-da Luuliyo Maxamed Dheere audio Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 2, 2007 Qudbadii Ra’isul wasaaraha uu kaga hadlayay munaasabada 1-da Luuliyo isaga oo ku sugan Mareykanka audio Quote Share this post Link to post Share on other sites