Sign in to follow this  
ANWAR

Garoowe: Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Bada Puntland oo lugu wareejinayoTFG

Recommended Posts

ANWAR   

Garoowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawlada Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha Puntland oo kulan yeeshay ayaa waxa ay isku raaceen in ciidamada Puntland ee Daraawiishta iyo kuwa Badda ay la wareegto dawlada Soomaaliya.

 

Qodobadan oo kamid ah heshiis lugu soo bandhigay Magaalada Garoowe ayaa waxaa lugu sheegay sababaha arintan ,markii ay dawlada Soomaaliya aragtay danaha Umada Soomaaliyeed markii la arkay dastuurka Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Dastuurka dawlada Soomaaliya wuxuu sheegayaa in aysan dawlad gobaleedyadu ay leeyihiin oo kaliya Boolis iyo Asluub ,isla markaana dawlada Dhexe leedahay Awooda Milateri ee dalka Soomaaliya.

 

Maamulka Puntland oo ay ciidamada daraawiishtu u ahaayeen Milateri halka kuwa Baddana sugayeen amaanka xeebaha Puntland ,ayaa waxaa ay ku sugnaan doonaan Puntland ayadoo dawlada Soomaaliya ay siineyso amarada iyo meeshii ay doonto oo ay qaadaneyso.

 

Lawareegitaanka ciidamada Maamul gobaleedka Puntland ee ay la wareegtay dawlada Soomaaliya ayaa waxaad muuda talaabo horay loo qaaday.

 

Waxaa qoraalkan lugu sheegay in ciidamadan ayagoo jooga deegaanadooda ay dawlada Soomaaliya siineyso Mushaaro iyo qalabyada ay ku hawlgalayaan,balse waxaa lasheegay in wixii ka danbeeya shalay ay ka mid noqonayaan ciidamada dawlada Soomaaliya.

 

Dawlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa waxa ay dadaal xoogan ugu jirtaa ciidamo fara badan oo ka mid noqda ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ,kuwaas oo kala wareega ciidamada Shisheeye sugida amaanka Soomaaliya.

 

Qoraalka waxaa sidoo kale ku xusnaa in ay Puntland kor uqaado tayada ciidamada Boolis iyo Asluubta oo lasheegay in ay yihiin kuwa sida tooska ah hoos yimaada Madaxda Puntland lagana doonayo tayeynta kuwaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa kalo jidha in warar naga so gaaraya xaga mugdishu eey sheegayaan in ciidamada ka amar qaato Maxamed dheere ay sheegeen in eeynan ku qanacsaneen talabooyinka iyo nidaaamka madaxweyn c/yusuf(wayeelka).

 

Yaabka-Yaabkiis

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this