Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 27, 2007 The last editorial cartoon by Amiin Caamir needs that famous soundtrack from The Good, The Bad and The Ugly's one of its film scores. Dharara dhararan dhararaaaaaaaaaaan Dhiriri dhii dhiid dhiiiiiiiin We have both the 'ugly' and the 'bad' in that political cartoon. Kalint Istuud's the 'good' is missing, though. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted September 29, 2007 Baarlamaanka oo soo hadal qaaday khilaafka madaxweynaha & raísul wasaaraha & xildhibaan si gaar ah uga warbixiyey waxa uu ku saleysan yahay khilaafka labada masuul Xildhibaanada baarlamaanka ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa labadii cisho ee u danbeeyey isla soo qaaday qodobka ku saabsan khilaaf muddooyinkii u danbeeyey la hadal haye inuu u dhexeeyo madaxweynaha dowladda federaalka & raísul wasaarihiisa, waxeyna dooda xildhibaanadu ku biyo shubatay in arrintaasi ay soo eegaan, kana soo talo bixiyaan qaabka loo wajahayo guddiyo madax looga dhigay guddoomiyaha baarlamaanka. Xildhibaanada qaar ayaa muujiyey in khilaafka madaxdu ku saabsan yahay arrimo siyaasadeed & dhaqaale, isla markaana qodobka ugu weyn ee ay isku haystaani ay tahay arrinta la xiriiro shidaalka laga baarayo Puntland, oo madaxweynuhuna doonayo in qaraarkaas la laalo, halka raisul wasaaruhu u ololeynayo in baarlamaanku ka doodo, kana soo saaro goáamo ad-adag, iyadoo socdaalkii la filayey in raísul wasaaruhu ku tago Puntland loo baajiyey sababo la xiriiro madaxweyne Cadde oo diiday booqashada Geeddi. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in madaxweynaha & raísul wasaaraha ay ku socdaan labo wado oo is diidan, wuxuuna sheegay in madaxweynuhu doonayo in uu ka taqaluso Geeddi, isla markaana u sheego baarlamaanka in dhinaciisa ay kaga soo dhammaatay Geeddi, iyaguna ay goáan ka gaaraan, halka Geeddi uu ku guuleystay in uu kalsooni ka helo inta ugu badan xildhibaanada baarlamaanka. “Geeddi wuxuu la heshiiyey dhammaan xildhibaanada beesha ****** ee ku jira baarlamaanka, wuxuuna ku guuleystay in uu taageero buuxda ka helo xubnihii hogaamiye kooxeedyada la oran jiray ee baarlamaanka ku jiray, C/llaahi Yuusuf wuxuu doonayey isagoo adeegsanaya garsoorka in uu xilka ka qaado Geeddi, taasina ma dhicin, marka haddii baarlamaanku uu soo gaaro khilaafaadka siyaasadeed waxaan u wajaheynaa sida uu axdigu qabo, waxaadna moodnaa in weli ay qarinayaan C/llaahi Yuusuf & Geeddi” ayuu yiri xildhibaankaas. C/fataax Aweys Xuseen-E-mail: diinle66@hotmail.com Xafiiska wararka ee , Qaahira Masar dayniilecom@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted September 29, 2007 to resolve this problem, i say let them play a Russian rulet game and lets see who blows his head first. good deal. Quote Share this post Link to post Share on other sites