Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Daa'uud Diiriye for President ??

Recommended Posts

daauud.jpg

 

Siyaasiga awoodda ku lahaa maamulka dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya Daa'uud Diiriye Cali oo muddo ku soo jiray siyaasadda deegaankaasi ayaa loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo kilinka shanaad ee Soomaalida, ka dib markii fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen xubnaha xisbiga talada kilinka haya ee SPDP yeesheen lagu ansixiyey cod aqlabiyad ah, hadaba fikrado noocee ah ayay daa'uud ka qabaan siyaasiyiinta gobolkaasi?.

 

Ugu horayn waxaa la isku wada raacsan yahay in Daa'uud uu yahay nin ay aad isugu dhow yihiin hogaanka xisbiga talada itoobiya haya ee EPRDF, waxana uu yahay nin hantay kalsoonida xukuumadda federaalka Itoobiya, isagoo gobolka Soomaalida ka hayey jagada Hogaanka Siyaasadda.

 

Siyaasiga ama madaxweynaha Cusub ee Kilinka Daa'uud waxaa lagu sheegaa inuu yahay nin aan aad u furfurnayn oo aan la fahmi karin, aad looga cabsado gudaha wadanka, aan lagu aqoonin hanti lunsasho & laaluush raadin midna, si hoose wax uga gudba oo aan fagaarayaasha ka iclaamin waxa uu maagan yahay.

 

Daa'uud waxa ay ku eedaynayaan kooxaha ka soo horjeeda siyaasadihiisa inuu aad ugu dabeecado dhow yahay saraakiisha sare ee Xisbiga EPRDF inkastoo taas uusan eed u arki karin isagu, halka sidoo kalena ay saarayaan mas'uuliyadda ku saabsan ka saaritaankii xidigta shan geesta laga saaray calanka kilinka shanaad ee Soomaalida.

 

Dhanka muuqaalka waa nin gaaban, oo bar yar laakiin lagu tilmaamay inuu siyaasad ahaan qoto dheer yahay, waxaana la leeyahay guushan maanta waxaa u sahashay ka dib markii xukuumadda Adis-ababa ay ka hor qaatday turunturooyinkii horyaallay oo ay ka mid ahayd raggii uu aad uga baqayey inay siyaasad ahaan jagadaasi ku cidhiidhyaan loo magacaabay jagooyin kale.

 

Siyaasiga Bashiir Cabdilaahi ayaa lagu magacaabay gudoomiyaha Xisbiga talada kilinka haya, halka Axmed Shidde isna laga tuuryeeyey meel ka fog siyaasadda kilinka oo laga dhigay wakiilka itoobiya u qaabilsan arimaha Baanka Adduunka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this