Jacaylbaro Posted October 26, 2008 Siyaasiga awoodda ku lahaa maamulka dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya Daa'uud Diiriye Cali oo muddo ku soo jiray siyaasadda deegaankaasi ayaa loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo kilinka shanaad ee Soomaalida, ka dib markii fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen xubnaha xisbiga talada kilinka haya ee SPDP yeesheen lagu ansixiyey cod aqlabiyad ah, hadaba fikrado noocee ah ayay daa'uud ka qabaan siyaasiyiinta gobolkaasi?. Ugu horayn waxaa la isku wada raacsan yahay in Daa'uud uu yahay nin ay aad isugu dhow yihiin hogaanka xisbiga talada itoobiya haya ee EPRDF, waxana uu yahay nin hantay kalsoonida xukuumadda federaalka Itoobiya, isagoo gobolka Soomaalida ka hayey jagada Hogaanka Siyaasadda. Siyaasiga ama madaxweynaha Cusub ee Kilinka Daa'uud waxaa lagu sheegaa inuu yahay nin aan aad u furfurnayn oo aan la fahmi karin, aad looga cabsado gudaha wadanka, aan lagu aqoonin hanti lunsasho & laaluush raadin midna, si hoose wax uga gudba oo aan fagaarayaasha ka iclaamin waxa uu maagan yahay. Daa'uud waxa ay ku eedaynayaan kooxaha ka soo horjeeda siyaasadihiisa inuu aad ugu dabeecado dhow yahay saraakiisha sare ee Xisbiga EPRDF inkastoo taas uusan eed u arki karin isagu, halka sidoo kalena ay saarayaan mas'uuliyadda ku saabsan ka saaritaankii xidigta shan geesta laga saaray calanka kilinka shanaad ee Soomaalida. Dhanka muuqaalka waa nin gaaban, oo bar yar laakiin lagu tilmaamay inuu siyaasad ahaan qoto dheer yahay, waxaana la leeyahay guushan maanta waxaa u sahashay ka dib markii xukuumadda Adis-ababa ay ka hor qaatday turunturooyinkii horyaallay oo ay ka mid ahayd raggii uu aad uga baqayey inay siyaasad ahaan jagadaasi ku cidhiidhyaan loo magacaabay jagooyin kale. Siyaasiga Bashiir Cabdilaahi ayaa lagu magacaabay gudoomiyaha Xisbiga talada kilinka haya, halka Axmed Shidde isna laga tuuryeeyey meel ka fog siyaasadda kilinka oo laga dhigay wakiilka itoobiya u qaabilsan arimaha Baanka Adduunka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted October 26, 2008 He looks very young. Desperate Meles reshuffles Kilil5 deck, Kilil6 soon to follow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 26, 2008 looooooooooooooool@Kilil6 .... Quote Share this post Link to post Share on other sites