Sign in to follow this  
Cowke

Riyale Press Conference: MAY 18 CELEBRATIONS BANNED

Recommended Posts

Cowke   

Dhagayso/Akhriso. Madaxweynaha S/Land Oo Caawa Shaaca Ka Qaaday Inay Joojiyeen Xafladii Xuska 18 May Ee Sanadkan 2010, Baaqna U Jeediyey Shacabka.

 

(Hadhwanaagnews) Monday, May 17, 2010

Dhagayso/Akhriso. Madaxweynaha S/Land Oo Caawa Shaaca Ka Qaaday Inay Joojiyeen Xafladii Xuska 18 May Ee Sanadkan 2010, Baaqna U Jeediyey Shacabka.

 

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa ugu baaqay Shacabka reer Somaliland inay si nabadgelyo ah uga qeybqaataan hawsha kaadhadh bedelka ee guud ahaan dalka oodhan ka socota, isla markaana waxa sheegay inaanay jirin xafladii 18 May ee sanadkan 2010 ee sida caadadu ahayd la xusi jiray 18-May, isaga oo ku sababeeyey hawsha kaadhadh bedelka codbixiyayaasha ee dalka Ka Socota.

 

Madaxweynuhu waxa sidaa ku sheegay mar uu caawa qasriga madaxtooyada kula hadlayey warbaahinta, isaga oo diiday in wax su’aal ah la weydiiyo. Inkasta oo muuqaalka madaxweynuhu aad u qurxoona, isla markaana ay ka muuqatay farxad iyo yididiilo.

 

Madaxweynuhu waxa uu yidhi “Beri waa 18May 2010, xafladi ma jirto maadama ay dadkii diwaangelin ku jiraan, markaa waxaan jecelay inaan halkan dadka uga faa’iideyso oo aan hambalyo iyo kelmado dar-daaran ah uga gudbiyo” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

 

Md. Rayaale waxa uu hambalyo u direy shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, isaga oo ugu hambalyeeyey sanad-guurada 19aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland Xornimada dib ula soo noqotay 18 May 1991-kii, waxaanu yidhi “Maanta Ilaahay Fadligiisa nabad ayeynu ku naaloonaynaa, nidaam dawladnima uu inoo dhisan yahay waxkasta oo ka dhimanba, laakin aanay heysanin nidaam cida kale ee hareeraheena ah, gaar ahaan wadankii aynu ka go’anay ee Soomaaliya oo ay had iyo jeer beesha caalamku ay buun-buuniso ayeynu haysanaa ilaahayna waynu ugu mahad-naqynaa”

 

“Beesha caalamku had iyo jeer buun-buuniso ayaan maanta haysan, Illaahay ayaanu ugu mahadnaqaynaa waxaanay guushaasi ku timid wada jirka ummaddan xukuumad ahaan iyo dad ahaanba waad ogtihiin in marxalado kala duwan loo soo maray inuu dalkani qaran noqdo. Turaanturooyin badan buu soo maray fadliga Illaahay iyadoo hareeraheena waxa ka dhacaaya aad ogtihiin Illaahayna waxaan ka sii baryeyaa in uu inoogu sii wado nabadaasi iyo wanaagaasi.

 

Diiwaangelin ayaa dalka ka socota, diiwaangelinta horta waxaynu dooranay mid ka fiican doorashooyinkeeni hore oo qof kastaaba hal kaadh qaato.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Laakiin duruufaheenii diiwaangelintani duruufaheenii ayaa badan oo dad meel degan ma nihin dadkii shalay meel iska diiwaangeliyay xilligan halkii ma degana oo meel kale ayey joogaan. Toban bilood ayaa laga joogaa wakhtigii murankii hore ee diiwaangelintu dhacay oo ay ahayd in la sifeeyo oo ay natiijo sax ahi ka soo baxdo, waxa inoo muuqata inaan wax badani ka soo bixin. Laakiin lagama maarmaan ayay noqotay inay sidaasi ay tahay inaynu ku galo dadweynahana waxaan ku boorinayaa inay kaadhadhkooda qaataan. Illaahay haddii uu yidhaahdana wakhtiga doorashada la qabtay ay nabad ku codeeyaan sidii caadada inoo ahayd saddex doorasho ayaynu soo marnay.”

 

“Ninba ninka uu dooranayo warqad ayuu ugu ridayaa sanduuq looma baahna oo wax xasarad ahi dalkeena gudihiisa ay ka dhacdo Natiijada doorashada ka soo baxda ayuu noqonayaa go’aanka doorashadu haddii Illaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

 

Md. Rayaale waxa uu ugu baaqay Shacabka reer Somaliland inay gacan ka geystaan sidii ay dalka doorasho uga dhici lahayd, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Waxaan leeyahay dhamaan cid kasta oo Somaliland ah gudo iyo dibadda waxaan ku boorinayaa in gacan laga geysto sidii doorashada soo socota iyo diiwaangelintu u dhici lahayd, waxa ii muuqata oo isoo gaadhaya in dadku xoog kaadhadh bedelka u tagayn, halkan fariin ayaan uga gudbinayaa oo waxaan leeyahay shalayba waad isdiiwaangeliseene’e kaadhadhkiina qaata oo xuquuqda aad u leedihiin inaad codaysaan yaanay idinka lumine’e kaadhadhkiina qaata. Waxaan halkan ammaan uga soo gudbinayaa ciidamada qaranka oo horseed ka ah hirgelinta himiladda ummaddan oo ah inuu qarankani isu dhameystirmo oo la wada gaadho meel kasta, maanta nasiib wanaag meel kasta diiwangelintu way ka socotaa hambalyo iyo ammaan ayaan u gudbinayaa.”

 

“Waxyaabo badan oo qarankan u qabsoomay wuu jiraa, waxyaabo badan oo ka dhimanina way jiraan. Waxyaabahaasi inoo qabsoomay dedaal ayay ku qabsoomeen run ahaantii, dedaalkaasina wuu sii socon doonaa haddii Alle yidhaahdo waxaan rajaynayaa in halkaasi laga sii wado.”

 

“Somalland-na qaran dadkiisu walaalo yahay oo uu isjecel yahay oo uu isku kalsoon inay noqdaan ayaan u gudbinayaa shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba waxaanad iskugu xidhnaataan midnimada iyo qaranimadda Somaliland waa ta keliya ee aynu ku xaqiijinayno waxa duruufaha adag loo soo maray ee wali geedi-geeddii aynu ku jirno ee aanu inoo dhamaystirmin. Waxaan leeyahay ummadda Somaliland wax kasta oo khilaaf keenaya waa inaynu ka fogaano wixii isku soo keen dhaweynayana waa inaynu ku talaabsano.”ayuu yidhi Rayaale

 

Mar Rayaale la hadlayey Shacabka reer Somaliland ayaa waxa uu la socodsiiyey inay labadii xafladood ee 18 May iyo 26 June ay dib u dhaceen, isaga oo arrimahaana ka hadlayana waxa uu yidhi “Shacbi weynahana waxaan leeyahay horta labadii xafladoodba midina doorashadii ayaa ku beegan 26-kii June oo waliba konton guuradeenii ah, qaranku kolba wixii mudan ayuun buu sameeyaa. Qaranimadeena waa inaan ku xusno kalmado iyo fariinta wanaagsan ee aynu isku gudbinayno weeye, hawsha inoo taala ee muhiimka ahna waa inaynu qabsano weeye, dadweynahana waxaan fariinta ugu diray inay berri kuyuugoodii (safafkoodii) ay ku jiraan oo xilkooda dastuuriga ah ee hawsha badan gutaan, dad baa ka imanaya miyiga oo u imanaya inay codkooda bixiyaan oo ay kaadhkooda bedashaan si ay codkooda u bixiyaan.”

 

“Dad badan ayaa dedaal samaynaya waanan u mahadnaqayaa runtii waxaann u rajaynayaa ummadda reer Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaanba guul iyo horumar ayaan u rajaynayaa dardaarankayguna wuxuu yahay midnimadeenu inay Udub dhexaad inoo noqoto.Safaro ayaan soo maray beri dhawayd waxaan la kulmay Wasiirka Khaarajiga ee Faransiiska, waxa kale oo aan la kulmay la-taliyeyaasha madaxweynaha caalamku maalin uu maanta inooga dhow yahay inuu wax inagala qabto ma jirto, waana ay soo dhammaanaysaa inkiraaddii ahayd been fakatay runi ma gaadho, qolo goosatay ayaa la inaga dhigay waxaan ka goosanayna ma jirto ee markii aan midnimadii ku fashilanay baan dawladnimadeenii dib ula soo noqonay cid aan ka goosanay ma jirin inkiraaddii noocaas ahayd way soo ****gaabanaysaa, caalamku xaqiiqdii ayuu u soo dhawaanayaa.”ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Doorashadan maanta “Inshaalaahu nabad bay ku dhiciye’e waxaan ummadda u sheegayaa markey nabadda inoogu dhamaato haddii la sugayay muddo badan inay noqon doonto aqoonsiga Somaliland, oo uu kaabiga saaran yahay oo balamo badan aanu ka hayno caalamka mudadii aan joognayna fariintii meel walba waanu gaadhsiinay ilaa Carabtii inoogu fogayd ayay qaar badani waaqici fahmayaan waxaan la dafiri karin ayay noqotay, runtii oo aan laga talaabsan karin.”

 

 

 

“Waa suurtogal sidii shalay markii aan diiwaangelinta samaynaynay inuu cadowgu inagu soo maqan yahay mar kasta wuxuu ka fikirayaa inuu wax inoo geysto waa inaynu xukuumad, shacbi iyo ciidanba aynu feejignaan yeelanaa loo baahan yahay, waa laga yaabaa in la yidhaahdo wakthiga doorashada wax ha loo geysto sidii shalay ka dhacday madaxtooyada, safaaradii Itoobiya iyo xafiiskii UNDP waa suurtogal, Illaahay fadligii iyo ummadda oo isku tiirsan ayaynu kaga gudubnay. Waxaan shacbiga u sheegayaa inay feejignaadaan wixii ay dareemaan ee nabadeena dhib u geysanaya inay cida amniga ku shaqada leh inay mar kasta u soo gudbiyaan, indhaha boolisku wax ku arkaan waa dadweynaha, haddii aanu dadweynuhu booliska gacan siin waxay arkayaan ma jirto, gudaheena laftiisa wada nadiif ma aha waxa laga yaabaa inay qaar hurdaa inoo joogaan waayo qaar badan oo hore oo aynu qabanay way jireen iyo qaar maqan oo baxsi ku maqani way jiraan.”

 

 

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay doorashadaasi inoo socota waa doorashadii afraad waxaan odhan karaa waxaynu nahay qaangaadh waxaan aad iyo aad shacbiga ugu gudbinayaa in nabadeena, horumarkeena iyo dawladnimadeenaasi in Illaahay inoogu sii wado oo uu ina gaadhsiiyo waxaynu mudada dheer sugaynay waxa ka dhiman halkana waan ka ducaynaynaa wa bilaahi tawfiiq”

 

Mustafe-Janaale

 

Hadhwanaagnews.com/Office

 

Hargeysa/Somaliland

 

Email:Janaale94@gmail.com

 

Listen to the radio piece here

http://www.hadhwanaag.com/detail.asp?id=13209

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its not banned Just the holy day will not be celebrated like all the other years At beerta xoriyada because of the election preparations, which is understandable

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Its not banned Just the holy day will not be celebrated like all the other years At beerta xoriyada because of the election preparations, which is understandable

What do you mean Holy Day??? It's religious now???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this