Sign in to follow this  
Jacaylbaro

This Is How the Islamic Scholars Supposed to Act

Recommended Posts

Culimaa-u-diinka Somaliland Oo Shahaado Sharafeedyo Ku Maamuusay Komiishanka Doorashooyinka Somaliland

 

 

Hargeysa(HWN):- Culimaa-u-diinka Somaliland ayaa habeen hore waxay Shahaado Sharafeedyo ku maamuuseen Guddida doorashooyinka Somaliland, kadib markii si sharaf iyo xushmad leh oo indhaha caalamka soo jiidatay ay ku soo khatimeen doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dalka Ka Dhacday 26 June 2010.

 

Hadaba Shabaakda Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa Munaasibadii loo sameeyey gudoonsiinta Shahaado sharafeedyadan oo ka dhacday Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa waxay idinka diyaarisa Barnaamij gaar ah, kaas oo uu daadaheynayo, isla markaana oo isku soo duba riday Wariye Cali Axmed Cawaale [Caano-dhame]

 

 

LISTEN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culimada Somaliland oo shahaado-sharafyo ku maamuusay guddiga doorashooyinka qaranka

 

 

Hargeysa, (Somaliland.org)- Culimada diinta ee Somaliland, ayaa shahaadooyin iyo bilado ku maamuusay xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

 

Munaasibad shahaado-sharafyadaa lagu gudoonsiiyay todobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka iyo la taliyahooda dhinaca sharciga oo xalay lagu qabtay hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Siyaasiyiin, Salaadiin iyo marti sharaf kale.

 

Ugu horeyn Sheekh Xasan Cabdisalaan oo hadal ka jeediyay munaasibadaa, waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay Culimo ahaan ku maamuuseen. “Ujeeda xafladani waxay ku saabsan tahay in la maamuuso Komishanka Qaranka hawsha fiican ee ay qabteen, Ilaahayna ku garab galay, waayo umada Somaliland iyo caalamkuba way mahadiyeen waxa ay qabteen, taasoo ahayd hawshii koobaad ee ay qabteen, Ilaahayna u fududeeyay. Markaa waxay Culimada Somaliland garatay inay shahaadooyin iyo biladaba ku maamuusaan Komishanka Qaranka, taasna waxa aanu ku sababaynay, inaan lagala masuugin ‘waad mahadsan tihiin,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, “Waxa aanu sharaf iyo bogaadin u haynaa Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee muujiyay masuuliyada weyn…. Waxa kaloo aanu halkan uga ducaynaynaa Madaxweynaha la doortay, waxananu leenahay Ilahay xilkaas ha kuu fududeeyo.”

 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamed Aadan iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo iyaguna hadalo kooban ka jeediyay halkaas, waxay Culimada uga mahadceliyeen munaasibadaa ay soo qabanqaabiyeen, waxayna Komishanka Doorashooyinka u amaaneen siday hawsha u maamuleen.

 

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu Komishanka kula dardaarmay in amaanta iyo maamuuska loo muujiyay aanay isku halayn, isla markaana ay dedaalkoodaa wanaagsan sii wadaan.

 

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ahayd shaqsiyaadkii munaasibadaa ka hadlay, ayaa sheegtay in xubnaha Komishanku yididiilo fiican ku abuureen bulshada Somaliland markii ay hawsha Doorashada suurtogeliyeen. Sidoo kale, waxay amaantay codbixiyeyaashii doorashada gaar ahaan haweenka oo ay xustay inay si wayn doorashada ugu soo baxeen.

 

Guddoomiyaha KomishankaDoorashooyinka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaa Guddigooda lagu maamuusay, waxa uu ku mahadceliyay Culimada shahaado-sharafyada u gartay, wuxuuna amaanay hawlwadeenadii doorashada, dadweynihii habka nabadgelyada ah ku codeeyay iyo qaab hufan oo uu sheegay in xisbiyada tartamay doorashada uga qaybgaleen.

 

Ugu dambayn, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo hadal ka jeediyay xafladaas, waxa uu sheegay in xubnaha Komishanku ay sumcad wanaagsani u geli doonto taariikhda Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Somaliland biggest islamic guy is godane and he doesn't say that and that's all that matters. You will never see fuad shangole bad mouth puntland thats for sure :cool:

 

PS: your people are really are gulliple and actually believe in this shan malin shaykh baan ku noqda attitude of hamar and hence why godane is always bad mouthing somaliland icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Godane is not an Islamic scholar if u think so ..... he is just a blood thirsty vampire hiding behind Islam ....

 

so spare your nonsense ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this