Sign in to follow this  
General Duke

Dhoobley: Al Shabaab we fought and chased out ONLF militias in Juba's

Recommended Posts

"Jubada hose waxan kula dirirnay ONLF"

16 Dec 16, 2009 - 12:55:37 PM

 

Mas'uul sare oo ka tirsan maamulka Al-shabaab ee Jubooyinka ayaa sheegay in ciidankii ay kula dagaalameen Jubbada Hoose aysan ahayn Xisbul Islaam, balse ay ahaayeen ONLF, isagoo sheegay inay ka hortageen in gobolada lagu faafiyo fikirka Ethiopia.

 

Sh. C/raxiim Cali Muudey oo mas'uuliyad sare ka haya maamulka Jubooyinka ayaa hadalkan ka sheegay Magaalada Dhoobley isagoo sheegay in Sh. Axmed Madoobe uu watay ciidamo ONLF ah iyo kuwo ka goostay Xisbul Islam.

 

"Gobolka Jubada hoose waxaan ku dagaalanay ONLF oo u adeegaysay Ethiopia, waana ku guulaysanay inaan gobolka oo dhan ka saarno, waxaana cidii doonaysa aan ugu baaqaynaa inay ku noolaan karto iyadoo aan ka mid ahayn ONLF" ayuu yiri Sh. C/raxiim Muudey.

 

Mar la weydiiyay in Sh. Axmed Madoobe uu ka mid ahaa Xisbul Islam ayuu taas gaashaanka ku dhuftay, wuxuuna sheegay inuu ahaa mas'uul ka tirsan ONLF oo isqarinayay, ayna ka ******** arintaas sirdoonkooda.

 

"Ax'ed Madoobe, waa run waan kula dagaalanay Gobolka, balse ma ahayn Xisbul Islam ee wuxuu ahaa nin ku dhex dhuumanaya, mana jirto wax dagaal ah oo naga dhexeeya inaga iyo Xisbul Islam" ayuu yiri Sh. C/raxiim Mudey oo intaas ku daray:

 

"Xisbul Islam iyo inaga waxaa naga dhexeeya calam jihaadi ah oo aan ku doonayno inaan dalka uga abaabulno dowlad Islaami ah, mana jirto wax dagaal ah oo naga dhexeeya" ayuu yiri mas'uulkan.

 

Hogaamiyaha Xisbul Islam Sh. Xasan Daahir Aweys oo saxaafada horay ula hadlay ayaa sheegay in Sh. Axmed Max'ed Islam [Madoobe] uu saraakiisha ururka ka mid yahay, isagoo sheegay in dagaalka lagu hayo uu yahay mid sharci-daro ah.

 

Dhanka kale; Sh. C/raxiim Muudey ayaa sheegay in ururkooda Al-shabaab uusan doonayn xiligan inuu weeraro ku qaado dalka Kenya, isagoo beeniyay inay bixiyeen amar ah in la burburiyo calaamadaha lagu muujinayo xadka u dhexeeya Kenya iyo Somalia.

 

Waa markii ugu horeysay oo Ururka Al-shabaab uu sheego inuu dagaal toos ah la galay jabhadda ONLF oo dagaal kula jirta ciidamada Ethiopia, sidii ay uga xoreyn lahayd Gobolka Somalidu dagto ee dalka Ethiopia.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

It is good for ONLF Public relations. Defeat or no defeat, it means they are fighting extremists.

 

The ONLF leadership made the brave decision to confront this thugs inside Somaligalbeed where they were routed, as they diluted the aim of the struggle.

 

Everybody knows Alshabab is beating clan militia in Jubooyinka but not ONLF.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

That will be corrected. But you will have to contribute towards that direction than get pleasure from the suffering of your brothers injecting yourself 'a sub' identity than what you really are.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I am not going to support the ONLF at the expense of other Somali's in Western Somalia, also the ONLF have yet to articulate a vision that one can support, running around like headless chickens and killing on the most part other Somali's is not something to cheer about.

 

Change the name, and articulate a vision for the whole Somali's in those regions and then my support will be there, no question.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this