Sign in to follow this  
Sharif_seylaci

BURCO UU DAAD QAADAY

Recommended Posts

News Roobab Shan Saacdood ka da'aayay magaalda Burco oo khasaare u gaystay...

 

 

Roobab Laxaad leh oo ka da'aayay mudo Shan sacadood Magaladda Burco ayaa khasare u geystay Qaar kamid ah xaafadaha Burco isla markaana Xayiray isku socdka magaalada iyo Ganacsiga Magaaladda Daadad xoog leh oo ka soo rogmaday Roobkaasi ayaa barakiciyay in ka badan Kun qooys kadib markii ay Goobihi ay ku noolaayen isku rogtay Biyo fadhiisin waxa kale oo dadadkani ay khasare u geysteen jidka Laamiga ah ee Gadiidku maraayen Gaar ahaan Wadada ka timaada Dhinaca Berbera Ku xigeenka Duqa Magaaladda Burco Md Baashe Muuse oo shir Jaraa'id galabta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka waramay Khasaaraha iyo Dhibaatada ay Roobabkani gaysteen waxana uu yidhi:-

 

" Juqraafi ahaan Burco waa dhul siman Dhinaca Galbeedka ku leh taag biyo Shub Roobabkani ma lahayeen waxa dabaylo ah ee waxa ka soo rogmaa Daadad Xoog leh oo khasaare Gaystay sidaa Darteed Goobaha khasaaruhu sida weyn u gaadhay waxa kamid ah

1. Xaafada Jeelka Debadiisa

2. Xaafadaha Saylada Xoolaha ilaa Hodan

3. Bariga Magaaladda

4. Ina Jabiye

 

Waxa kale oo jira Gaadid Badan oo Biyuhu Qaaden qaarna Aasmeen iyo Labo qof oo la sheegay in Toga Burco oo soo rogmaday la tagay balse aan la xaqiijin Rag, Dumar iyo caruur waxay yihiin.

 

Waxa kale oo ku baro kacay ilaa kun Qoys Kala badh Guryaha Magaalada waxa Afafka uga galay biyo

 

Md Baashe waxa uu intaas ku Daray in Xaafadaha Khasaaruhu gaadhay ay ahayeen kuwii danyartu Daganaayen oo Guryahoodu ahayeen Sandaqado iyo Aqal Soomaaliyo hasa yeeshe ay Daadadku kala tageen dhamaan Wixii agab ahaa ee Guryahaa u yaalay sida darteed ay meel cidlo ah wadhan yihiin iyagoona haysan hooy, weel iyo cunto.

 

Waxa kale oo uu sheegay Md Baashe Muuse in Mooskii weyna ee Biyaha Ka celin jiray Magaaladda ay roobabkii burburiyeen taasina sababtay in daadadku soo galaan magaaladda waxana uu Moyer ku Xigeenku ugu Baaqay Xukuumada iyo Haayadaha Samofalka inay Gurmada Degdeg ah la soo gaadhan Dadkan Khasaaraha roobabku u geysteen sidoo kale waxa uu Ganaacsatada iyo Shacabka Burco ka codsaday inay Gurmada Gaadhsiiyan Walaalohooda Roobabku barakiciyeen.

 

waxana uu Hadalkiisa ku soo Koobay Md Baashe in In Dhibaatadan ay gaysteen roobabku ay u saari doonan Gudi Golaha Deeganka ah iyo Odayaasha Magaaladda ah.

 

Roobabkan ayaa ah kuwii ugu weynaa ee in mudo ah ka da'a Magaaladda Burco isla markaan ay Roobabkii dayrtu wali Bilow yihiin

 

Togdheernews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Burco has never seen Rains of this magnitude, But on the plus side Burco will be rahmad and green for Eid so its mansha allah.

 

 

dad9.JPG

 

 

dad11.JPG

 

 

dad.JPG

 

 

dad1.JPG

 

 

 

dad13.JPG

 

 

dad4.JPG

 

 

dad6.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Sxb, reermiyigu they do not like that sort of rains. They prefer the small rains that do not wash the soil of nutrients and grass seeds.

 

Anyways, its better than nothing. Hope the damage is limited and there is no lost of life and livelihood.

 

 

Qudhac

I know sxb, its is just unreal. Thankfully we do not have crocs in those dry rivers. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Title-ka markaan aqriyey waxaa durbadiiba niyadayda ku soo dhacay maxkamadahii. Waxaan is iri toloow daadkii maxkamadaha aay sheegayeen goormuu durba halkaa gaaray! mise waa daadki daadka ahaa ee aanu naqiinay ka hor kan "daadkii" maxkamadaha sheegtaan intuusan soo if bixin. :D:D

 

Anyway, Burco waa magaalo kheyr badan, magaalo weyn, magaalo soomalinimadu ku weyn tahay weeye markaa maasha'Allah and many more raxmaat to come, insha'Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Qudhac:

Thats not Togdheer, thats the famous bashiir school, on the outskirts of Burco.

Waraa Qurac, mahubtaa meeshan inay Burco tahay? Macalinka sawirkaas Mississippi waaye noh ee inaga galee abtigis. Qof webi Shabelle ku ag dhashay oo biyaha midabkooda kala kasaa baa rabtaa inad qaldid. ;)

 

Hope reer Burco recover by Eid inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^lol, what are you up to now Ayoub. Don't start, it won't stop.

 

Anyways, horaa loo yidhi nimcowalba nusqaan leh.Markaa hadaynan jiray wax dhimasho ama khasaaro oo aad usii wayni, waa in lagu shukri naqaa raxmada Alleh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this