XOG-ogaal Posted March 30, 2007 Xukuumadda Washington, ayaa waxa ay ugu baaqdey dhinacyada ku dagaalamaya Caasimadda Somalia,in ay xabadda Joojiyaan oo lagu dhameeyo wax waliba wada hadal. Safiirka Mareykanka u fadhiya waddanka Kenya Mecheal Reneberher Safiirka Mareykanka u fadhiya waddanka Kenya Mecheal Reneberher oo Shabelle la soo xariirey maanta ayaa waxa uu sheegey in ay tahay in dagaalka la joojiyo. Mr Renebergher ayaa waxaa uu sheegey in mareykanku uu aad uga walaacsanyahay dagaallada ka soo cusboonaadey waddanka Somalia gaar ahaan Muqdisho. Waxaa uu Mr Renebergher ku baaqey in la joojiyo sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalada. “ Waxaan aad ugu walaacsannahay dagaaladaaa Muqdisho ka dhacaaya hadda,waxaana ku boorineynaa dhamaan dhinacyada in ay joojiyaan dagaalada,una hogaansamaan dhabaha nabadda,iyadoo dagaallada soconayaana ay yihiin musiibo,xilli ay soconayaan in la qabto shir weyne dib u heshiisiineed ee la isugu keeno dhinacyada is qilaafsan,loona dhiso dowladd wax tar leh,dabcan dagaalladan soconaayana waxaa ay caqabad ku yihiin hanaankaasi, sidaa darted waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada si sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan nabad loo soo celiyo.”. Mecheal Renebergher ayaa waxaa uu sidoo kale sheegey in Mareykanku uu si weyn ugu lug leeyahay Somalia si loo helo waddan Degan oo xasilloon. Hadalka Mr Reneberghre safiirka Mareykanka u fadhiya waddanka Kenya ayaa waxaa uu ku soo beegmey xilli dagaallo ay ka dhacayaan maalintii labaada Magaalada Muqdisho,kaa soo ay isaga soo horjeedaan ciidamadaEthiopia iyo kooxo ka soo horjeeda kaasoo ay ku dhinteen dad aad u fara badan oo rayida Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted March 30, 2007 ^^Waa khaa'in warki. This is partly an American hatched war. His is dishonesty at its peak. Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted March 30, 2007 Laba wajiile maraykan, waan ka waalacsannahay kulahaa. Yagaaba soodiray. Quote Share this post Link to post Share on other sites