Jacaylbaro Posted December 24, 2009 Hargeysa (Somalilandpress)- Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiisinkoodu yahay aagga degmada Kala-baydh ee gobolka Sool, ayaa gacanta ku dhigay Sarkaal lagu magacaabo Maxamed-waranle oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidanka Qaranka Somaliland, kaasoo sanadkii 2007-da ciidanka kala goostay baabuur Tikniko ah isaga oo ula galay dhinaca maamul-goboleedka Puntland. Sarkaalkan ayaa sida aanu ku helay warka xalay fiidkii ay ciidamadu ku qabteen isaga oo ku sii jeeda Tuulo lagu magacaabo Bookh oo ka tirsan deegaanada Hawdka Sare ee Killilka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya, isaga oo ka soo laabtay socdaal la sheegay inuu kaga yimi wadanka yimi wadanka Uganda. Maxamed-waranle ooh ore uga tirsanaan jiray ciidamada Qaranka Somaliland ee jiidda Bariga ayaa isla-markii gacanta lagu dhigayba waxa loo soo dhaadhiciyay dhinaca Magaalada Hargeysa. Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida Bariga, maaha markii u horaysay ee uu ka goosto Sarkaal, balse waa markii u horaysay ee ay gacanta dib ugu dhigaan sarkaal ka goostay ciidankooda. Dhinaca kale, Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa ku naf-waayay dhaawac ka soo gaadhay walxaha qarxa ka dib markii ay garaaceen iyaga oo ku sugan meel aan aad uga fogayn xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, goobtaas oo hore u ahaan jirtay mid ka mid ah fadhiisinada ciidanka Qaranka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 24, 2009 Good Job Somaliland forces .. .those traitors should be hunted down anytime anywhere. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted December 24, 2009 LoooooooooL@traitors. If you paid well, he wouldn't be treacherous Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 24, 2009 Guul ciidanka qarranka somaliland meel alaley meel ay joogan Quote Share this post Link to post Share on other sites
GAAROODI Posted December 24, 2009 che- last time i checked your child militia worked for food. you are in no position to tell us what to pay our troops. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 26, 2009 Payment or not ... he is in hand now and will face justice. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted December 28, 2009 Ninkii soo joog laga waayo, soo jiifso ayaa laga helaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 29, 2009 Aaaheeey ,,,, maantuu garanayaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted December 29, 2009 Mar hadduu gaariga lacatiisii bixiyo, waxa kale waa iska sheeko baraleey. Ninku gaari buu dhacay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 29, 2009 ,,,,, waana la mustafaynayaaye la soco ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites