General Duke Posted July 19, 2007 Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Ciidanka Booliska Itoobiya Ku Xanibeen Xuduudkooda Degmada Wajaale Wajaale(Geeska)- Ciidanka Booliska Federaalka Itoobiya ee ku sugan xuduudka degmada Wajaale ee dhinaca Itoobiya, ayaa shalay hor istaagay saddex Wasiir iyo laba Badhasaab oo ka socday xukuumadda Somaliland, kuwaas oo doonayay inay u gudbaan gudaha dalka Itoobiya. Masuuliyiintan xukuumadda Somaliland ka socotay oo kala ahaa Wasiirada Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Xidhiidhka Goleyaasha Md. Cabdi Xasan Buuni, Madaxtooyada Md. Nuur Aamin Ismaaciil iyo labada Badhasaab ee Hargeysa iyo Awdal Cali Xasan Maxamuud iyo Maxamuud C/laahi Ciro, waxa ujeedada socdaalkoodu ahaa inay magaalada Harar ee Itoobiya kaga qayb gallaan xuska sannad guurada 1000aad ee ka soo wareegtay markii la dhisay ama la aasaasay magaaladaas Harar, taas oo la sheegay in lagu casuumay. Wasiiradaas iyo labada Badhasaab oo ay weheliyeen ilaaladooda gaarka ah iyo darawaliintoodu, waxa sida la sheegay hor istaagay taliyaha Booliska Federaalka ee degmada Wajaale ee dawladda Itoobiya, kaas oo sheegay inaan isaga la siin wax amar ah oo lagu farayo in madaxdaas Somaliland u gudbaan dhinaca Itoobiya. Sida wararku sheegayaan masuuliyiintaas Somaliland iyo masuuliyiinta Itoobiya ee Wajaale, markii ay isku fahmi waayeen hadalkii, waxa ay weftigii Somaliand dib ugu soo noqdeen dhinaca Somaliland ee degmada Wajaale, iyaga oo degay Hoteel Hase yeeshe sida warku sheegay waxa arrinta markii dambe soo farogeliyay masuuliyiin ka tirsan Itoobiya oo amar ka soo bixiyay dhinaca magaalada Addis Ababa, kuwaas oo ciidankooda Wajaale ku amray in masuuliyintaas loo fasaxo inay u gudbaan gudaha Itoobiya, waxaanay saddexdii wasiir iyo labadii Badhasaaba markii dambe ilaa magaalada Harar ku tageen baabuurtoodii gaarka ahayd iyo ilaaladoodii la socotay. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Cadaani, oo wefttigaas ka soo saaray warsaxaafadeed kooban, ayaan soo hadal qaadin xanibaada ciidanka Booliska Itoobiya ku sameeyeen weftigaas, waxase uu si kooban u yidhi, “Wafti balaadhan oo ka socda JSL ayaa maanta [shalay] u ambabaxay kilalka Harargi ee dalka Ethiopia ama (Herer State) caasimada ay u tahay magaalada Herer. Waftigaas oo ka kooban Wasiiro iyo saraakil sare oo ka tirsan JSL waxaa ka mida. · Wasiirka Madaxtooyada Nuur Amiin Ismaacil. · Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil). · Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni. · Badhasaabka MaroodiJeex Cali Xasan Maxamuud (Cali Asad). · Badhasaabka Awdal Maxamuud C/laahi Ciro. Waxaanay Waftigaasi ka qayb gali donaan Xuska iyo dabaaldaga loo samayn doono sanad guuradii ka soo wareegtay qarnigii 10aad ama kun sanadood markii la dhisay magaalada Herer.” Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 19, 2007 3 Wasiir, Xildhibaano, 2 Badhasaab, Oo Lagu Fadeexadeeyay Wajaale (Wajaale}18.7-7 Ciidanka Booliska Dowlada Itoobiya ee ku sugan xuduudka degmada Wajaale ee dhinaca Itoobiya, ayaa hor istaagay seddex Wasiir oo uu wasiirkii maaliyada ku jiro iyo laba Badhasaab oo ka socday maamulka hargeisa Kuwaas oo doonayay in ay u gudbaan gudaha dalka Itoobiya...................................................... Masuuliyiintan maamulka hargeisa ka socotay oo kala ahaa Wasiirada Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Xidhiidhka Goleyaasha Cabdi Xasan Buuni, Madaxtooyada Nuur Aamin Ismaaciil iyo labada Badhasaab ee Maroodi Jeex iyo Hargeysa Cali Xasan Maxamuud iyo Maxamuud C/laahi Cirro. Madaxdan ayaa ujeedada safarkooda lagu sheegay in uu ahaa in ay magaalada Harar ee Itoobiya kaga qayb galaan xuska sannad guurada 1000 aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay magaaladaas. Taas oo la sheegay in lagu casuumay madaxdaas. Wasiiradaas iyo labada Badhasaab oo ay weheliyeen ilaaladooda gaarka ah iyo darawaliintoodu, waxa sida la sheegay hor istaagay taliyaha Booliska Federaalka ee degmada Wajaale ee dawladda Itoobiya. Kaas oo sheegay inaan isaga la siin wax amar ah oo lagu farayo in madaxdaas inay u gudbaan dhinaca Itoobiya. Sida wararku sheegayaan masuuliyiintaas maamulka hargeisa iyo masuuliyiinta Itoobiya ee Wajaale, markii ay isku fahmi waayeen hadalkii, waxa ay weftigii reer hargeisa dib ugu soo noqdeen dhinaca ee degmada Wajaale, iyaga oo degay Hoteel. Wararka na soo gaadhayaa ayaa intaas ku daraya in arrinta markii dambe ay soo farogeliyeen masuuliyiin ka tirsan Itoobiya oo amar ka soo bixiyay dhinaca magaalada Addis Ababa. Kuwaas oo ciidankooda Wajaale ku amray in masuuliyintaas loo fasaxo inay u gudbaan gudaha Itoobiya. Widhwidh Online News Desk..Media Center Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 19, 2007 Even Ethiopia their dear "allies" do not recognise these clowns. Quote Share this post Link to post Share on other sites