ANWAR Posted October 10, 2010 GALKACYO-Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo xariga looga jarayey jaamacadda Embssy University ee magaalada Galkacyo ayaa maanta lagu qabtey gudaha jaamacaadsi. Xafladan oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweynaha Galmudug, wasiiro prof, macalimiin iyo ardeyda kala duwan ee galmudug, ayaa waxaa xariga ka jarey madaxweyana maamulka Gal-mudug State Axmed Maxed Caalin oo ka hadley muhiimadda ay leedahay waxbarashada heerarkeeda kala duwan, isaga oo sheegay inay Farxad u tahay in gal-mudug ay yeelato ajaamacado badan. Madaxa jaamacadda Galkacyo University prof shirwac oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegey in dadka reer Gal-mudug ay sidan oo kale u dhiirigeliyaan kor u qaadida aqoonta, taasina ay u muuqato mid lagu faani karo, Ugu danbeytii waxaa halkaasi ka hadley madaxa Jaamacadda Mudug University Xuseen Salaad Wehliye oo isna ka sheekeeyay mar xaladaha kala duwan ee ay waxbarashada gal-mudug soo martey isaga oo alle ugu mahad celiyey in maanta ay yeesheen jaamacado kala duwan oo kor u qaada aqoonta dhalinta reer Gal-mudug, waxaana uu ka codsadey dhamaaan dadka Galmudug ee jooga gudaha iyo dibadda inay gacan ka geystaan dadaalka loogu jiro kobcinta aqoonta ee heer jaamacadeed Quote Share this post Link to post Share on other sites