Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ahmed H Ali Adami Meets with Somaliland Diaspora

Recommended Posts

Jaaliyada Somaliland ee gobolada Westmidlandka,khaas ahaan magaalada Birmingham ayaa maanta kulan kula yeeshay Hotelka Hiltop(Ex Hilaac) siyaasiga caanka ah ee Axmed Xaaji Cali Cadami oo dhowaan ka yimid wadankii.Kulankaas oo ay soo qabanqaabiyeen madaxda xisbiga Kulmiye ee magaalada Birmingham,ayaa waxa ka soo qayb galay dad aad u badan oo u sameeyey soo dhoweyn heer sare ah ruug cadaaga siyaasiga weyn,ahaana gudoomiyihii hore ee Komishinka doorashooyinkii hore ee Somaliland.

 

Shirkaas ayaa ugu horeyn waxa furay wakiilka xisbiga Kulmiye ee gobolada West Midlanka Mudane Cabdoow Aayir,isagoo halkaa ka soo jeediyey ereyo soo dhoweyn ah,oo uu ku soo dhoweeyey Camadi magaalada Birmingham.

 

Waxaa isna sidoo kale hadalo kuwaas la mid ah oo soo dhoweyn ah jeediyey Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee gudiga fulinta ee xisbiga Kulmiye ee UK mudane Suldaan Siciid Kabadhe,isagoo ka sheekeeyey waxqabadkii Siyaasiga xisbiga Kulmiye ee Cadami,isagoo sheegay in Cadami ahaa gudoomiyihii ugu horeeyey ee Hirgeliya doorasho xor ah oo wadankeena ka dhacda,isla markaana baal dahab ah ka gelaya taariikhda Somaliland.

 

"Waxaan teegarsanahay go'aankii xisbiga Kulmiye ee ahaa in doorashada lagu galo diiwaangelinta natiijadeeda la hayo,waxaana canbaaraynaynaa go'aankii Komishinku ku laalay diiwaangelintii doorashada"sidaas waxaa yidhi Gudoomiye Suldaan oo sheegay in ay tahay arin khatar ah in la laawo hawlihii diiwaangelinta ee hawsha weyn loo galay.

 

Waxaa isna halkaa ka hadlay C/llaahi Maxamed Suldaan C/Salaan Suldaan Cali Shire,isagoo sidoo kale soo dhoweeyey gudoomiye Camdami,wuxuuna C/llaahi ka sheegay halkaas in la dhowro nabada iyo xasiloonida qaranka,wax walbana la waafajiyo sharciga wadanka,oo arimaha cakiran laga yeesho wadatashi guud oo ay yeeshaan dhamaan xisbiyada mucaaradka iyo dawladuba.

 

Waxaa intaas kadib mikrofoonka lagu soo dhoweeyey gudoomiyihii hore ee Komishinka doorashooyinka Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami,isagoo ugu horeryn ka waramay xaalada wadankii ku sugan yahay xag nabadgelyo,xag dhaqaale iyo weliba arimha cakiran ee wakhtigan taagan ee arimaha doorashooyinka oo gaadhay heerkii ugu sareeyey.

 

"Sidaad og tihiin waxaa Komishinka qaranku sheegeen in diiwaan gelinta lagu galo bilaa diiwaangelin,dawlada ama xisbiga UDUB-na ku raacdcay,wadankiina laga saaray gudoomioyihii hay'ada Inter Peace,iyo lana joojijiyey dhamaan hawlihii doorashooyinka ee qaranka u wadaan,arintaas oo ah arin khatar ku ah jiritaanka qaranka Somaliland,iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka"Sidaas waxaa yidhi gudoomiyihii hore ee doorashooyinka qaranka,oo ahaa ninkii ugu horeeyey ee ku guulaysta Somaliland inuu si nabad ah u hirgeliyo doorashooyin xor ah.

 

"Markan waa ka duwan tahay sidoo hore oo marnaba la aqbali maayo in wakhti danbe la kordhiyo,doorshooyin aan diiwaan gelin lahayna cidi geli mayso,dhamaan shacabka Somalilandna yeeli maayaan in la carqaladeeyo habsami u socodka doorashooyinka wadanka,waxaana leenahay ha laga noqdo go'aamadii lagu laalay diiwaangelinta,wadan kana yaan qas laga ridin"ayuu mar kale hadalkiisa raaciyey Cadami oo ka digay in la qaso wadanka.

 

Cadami ayaa sidoo kale eedayn u soo jeediyey madaxda Komishinka Qaranka ee uu hogaamiyo Jaamac Sweden,isagoo ku tilmaamay nin aan aqoon u lahayn hawlaha doorashooyinka,isla markaana ku guuldaraystay waajibkii qaranka ee muhiimka ahaa,iyadoo dhamaan wadamada aduunku ay isha ku hayaan waxa ka socda wadanka,ayna Somaliland ku qiimaynayaan hadba siday ka yeesho hawlaha sharciga iyo doorashooyinka la filayey inay dhacaan,balse hada u eeg kuwo shaki badan abuuray.

 

"Waxaan cadaynayaa mawqifka xisbiga Kulmiye ee ku aadan arimaha doorashooyinka,sida lagu sheegay qoraalada ay soo saareen xisbiyada mucaaradka ah oo dhami,waxaan taageersanahay inay dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah,oo u dhaca sidii lagu heshiiyey oo ahayd inay dhacaan 27 September,ayna codeeyaan dadkii is diiwaan geliyey oo tiradooda la hayo,oo intii la kari karay la kala safeeyey,balse marnaba ma dhici doonto inaan galo doorasho bilaa diiwaan gelin ah,waxaana arimahaas oo dhan u maraynaa shuruucda wadanka u taala,waana ka soo horjeednaa in wadanka laga abuuro nabadgelyo xumo iyo in la iska horkeeno beelaha reer Somaliland"ayuu yidhi mar kale Mr Cadami oo ka mid ah madaxda xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye.

 

Mr Cadami ayaa sheegay in loo diyaargaroobo doorasho xor ah oo diiwaangelin leh,oo ku qabsoonta wakhtigeedii,iyo sidii loo badbaadin lahaa dalkii hadii la isku dayo in la qaso.

 

Shirkaas ayaa sidoo kale waxaa hadalo qiimo badan ka soo jeediyey odayaal,waxgarad iyo aqoonyahamo ka kala yimid magaalooyinka gobolka West Midlanka.

 

Shirkaas oo ku dhacay jawi degan oo si fiican la isu waraystay ayaa waxa uu ku soo gebogeboobay jawi farxadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this