Sign in to follow this  
Cowke

Bossaso: SBC TV 9th Anniversary Party. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Sanadguurada 9aad SBC xafladeeda oo maanta kadhacday magaalada Boosaaso

 

Xafladan oo ahayd sanadguurada 9aad ee SBC waqtigii ka soo wareegatay yagleelida warbaahinta sbc ayaa maanta lagu qabtey xarunta shirarka Gamber house ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.

 

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas,uuliyiin ka kala socday puntland hay,adaha ururada ganacsatada iyo masuuliyiinta warbaahinada ka howl gala puntland Kuwaasoo inta badan ka hadlay xafladaasi.

 

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay ku simaha agaasimaha SBC Maxamed Deeq Cabdalla oo ka warbixiyay howlaha ay shacabka ku soo kordhisay warbaahinta SBC Iyo Waliba intii ay hawada ku jirtay oo uu sheegay in ay awooda saarayeen arimaha bulshada Diiniga iyo amniga taasoo suuragalisay in idaacadu ay yeelato dhegeystayaal iyo mujtamac balaaran.

 

Cali Cabdi Awaare oo ah mulkiilaha warbaahinta SBC ayaa isna ka hadlay xaflada oo Sheegay in la balaarin doono warbaahinta SBC intii aan la gaarin sanadguurada 10aad Isagoo sidoo kale sheegay in nabada ay tahay mid astaan u ah warbaahinta SBC sidoo kalena uu uga mahad celiyay dhamaan shirkadaha ganacsiga gaar ahaan shirkada isgaarsiinta Golis qaybtii ay ka qaadatay SBC.

 

Faarax xaaji mire oo ka mid ah masuuliyiinta isgaarsiinta Golis ayaa isna ka mid ahaa masuuliyiintii u bogaadiyay SBC oo sidoo kale ku sheegay hadalkii xaflada in ay sii kordhinayaan wadashaqaynta warbaahinta SBC.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi hadaladooda ku aadan Hambalyeenta SBC International Ka soo jeediyay kusimaha Tv-ga ETN Boosaaso, Faarax Cadeec Warsame iyo Agaasimaha guud ee Warbaahinta Daljir Axmed Tallman, waxayna ka wada sinaayeen ka hadalka daruufta adag ee ay ku shaqeeyaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed, iyagoo dalbaday in gacan laga siiyo shaqadooda.

 

Gudoomiyaha rugta ganacsiga puntland Maxamuud Xayir Ibraahin oo isna ka qayb galay Xaflada SBC ayaa ku baraarujiyay ganacsatada in ay labo jibaaraan wadashaqayna ay la leeyihiin warbaahinada si ay u suurta gasho horumar dhinac walba leh.

 

Dr Xerow iyo Cabdiqaadir Saciid Shiino oo iyagana ka mid ah mas,uuliyiinta jaamacadaha Muqdisho iyo Bariga Afrika ayaa ku nuuxnuuxsaday in la kordhiyo Barnaamijyada waxbarasho ee ka baxa SBC iyo waliba kuwa diiniga.

 

Ugu danbayntii waxaa soo xiray xaflada sanadguurada SBC gudoomiyaha Gobolka Bari Sh Cabdixaafid Cali Yuusuf oo isagu si gooni ah farta ugu fiiqay in uu ahaa intii uu xilkan qaban gudoomiyaha barnaamijka kadiska SBC taasna ay tahay wadashaqaynta uu la wadaago warbaahinada waxuuna kula dardaarmay howlwadeenada SBC in ay dadka u Gudbiyaan barnaamijyo iyo warar waxtar u ah dadka ayna iska fogeeyaan wixii dhib u keeni kara bulshada ay u adeegayaan.

 

Maxamed Cali Iimaan

SBC International- Boosaaso

 

PIC_9.jpg

 

PIC_7_1.jpg

 

PIC_11.jpg

 

PIC_1_8.jpg

 

PIC_2_8.jpg

 

PIC_8403.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this