me Posted September 4, 2007 Degmada Dhuusa -Mareeb Oo Saaka Ku Waaberiisatay Cutubyo Ciidamada EThiopia Ah. Warkii 04-Sep-2007 iyo Qormadii: yaasiin faytin Cutubyo Ka tirsan ciidamada xukuumada ethiopia oo saaran gawaarida gaashaaman ayaa saaka waaberigii ku ruqaansaday degmada dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka gal-guduud iyagoo ka kicitimay degmada gurey-ceel ee isla gobolkasi . Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada dhuusa mareeb ayaa saaka waxay ku waaberiisteen ciidamada xabashida oo wata baaburtooda dagaalka oo ay saaran yihiin ciidamo badani iyadoo argagax ku ridey dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegankasi . Lama garanayo sababta keentay inay ciidamada ethiopia ay u tagaan deegaankaasi iyadoo aysan jirin cid ka hadashay sababta dhabta ah ee ka dambaysa tegitankooda ,ciidamada oo xiligoodii hore ku sugnaa degmada gurey ceel ee isla gobolkaasi . Warar iskhilaafsan ayaa kasoo baxaya tegitaanka ciidamada ethiopia ay u tageen degmada dhuusa mareeb oo dadka qaarkiis qabaan inay ciidamada ethiopia ay cagta dhgigayaan meel kasta oo wadanka soomaaliya ah halka dadka qarkiisna qabaan inay halkaasi ka jiraan asbuucyadii ugu dambeeyey dhibaatooyin amaan daro . Info@afnugaal.com Afnugaal News Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted September 4, 2007 Inch by inch step by step. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted September 5, 2007 Mr. me, What critical suggestion should you bring forward to the table to rescue our country and regain our dignity back? Quote Share this post Link to post Share on other sites