Sign in to follow this  
General Duke

Police in Baidoa get ready: Pictures...

Recommended Posts

Madaxweyne Yusuf iyo Ra'iisul wasaare Geedi oo booqasho kusoo kala bixiyey dhismayaal la dayactirayo

 

kormeer_madaxweynaha.JPG

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaaliga Soomaaliya Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaaraha XFKMG ee Soomaaliya Md. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta usoo kuur galay xaaladaha dhismayaasha ka socda magaalada Baydhabo oo xarun kmg u ah dowlada dhexe.

 

 

kormeer_madaxweynaha_1.JPG

Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Prof. Geedi ayaa waxay socod lug ah ka bilaabeen xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda soomaaliya iyagoo ka bilaabay dhismayaal ka socday xarunta madaxtooyada waxay u gudbeen saldhiga Booliiska, Xabsiga dhexe iyo Qeybta halkaasoo warbixino ay ugu dhagaysteen dadkii hawlaha ka waday halkaasi iyagoo ku dhiiri galiyey in deg deg loo dhameeyo halka qaar la soo gaba gabeeyey.

 

kormeer_madaxweynaha_2.JPG

 

Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha ayaa waxay la kulmeen ciidamo Booliis ah oo laga keenay dalka Kenya magaalada Mombasa halkaasoo tababar ay kusoo qaateen mudo sedex bilood ah iyagoo warbixino uu halkaasi ka bixiyey Jeneraal Cali Madoobe oo taliyaha Booliiska Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale waxaa Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha meelihii ay kormeer kusoo kala bixiyeen ka mid ahaa Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo oo hawlo dayactir ah ay wado dowlada federaalka waxaana halkaasi warbixin kasiiyey wasiirka gadiidka cirka iyo dhulka Mudane Maxamed Ibraahin Nuur "Kiish Bur" iyo Wasiir k/xigeenka hawlaha guud Md. Indho buur, iyagoo isha soo wada mariyey dhamaan dhismaha uu ku fadhiyo garoonka diyaaradaha.

 

Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha ayaa booqashadooda waxaa ku wehliyey Gudoomiyaha Gobolka Bay Xaaji Maxamuud Barbaar iyo xubno kale oo dowlada ka tirsan iyadoo haatan dhismayaashaasi ay marayaan mid gabo gabo ah ayaa waxa la rajaynayaa inay dhawaan hawl gali doonaan.

 

 

Ciidamada lagu soo tababaray Mombasa Kenya

 

Dhismaha Qeybta Booliiska oo la dhamaystiray

 

 

 

Maxamed Cabdulle Xasan (SIIDI)

siidmohamed@hotmail.com

siidi@somaliweyn.com

 

Somaliweyn Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice pictures very nice pictures indeed.

 

Abduallhi Yusuf and his Government are really geting it together in Baidoa I see.

 

great news!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this