General Duke Posted July 11, 2006 Madaxweyne Yusuf iyo Ra'iisul wasaare Geedi oo booqasho kusoo kala bixiyey dhismayaal la dayactirayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaaliga Soomaaliya Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaaraha XFKMG ee Soomaaliya Md. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta usoo kuur galay xaaladaha dhismayaasha ka socda magaalada Baydhabo oo xarun kmg u ah dowlada dhexe. Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Prof. Geedi ayaa waxay socod lug ah ka bilaabeen xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda soomaaliya iyagoo ka bilaabay dhismayaal ka socday xarunta madaxtooyada waxay u gudbeen saldhiga Booliiska, Xabsiga dhexe iyo Qeybta halkaasoo warbixino ay ugu dhagaysteen dadkii hawlaha ka waday halkaasi iyagoo ku dhiiri galiyey in deg deg loo dhameeyo halka qaar la soo gaba gabeeyey. Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha ayaa waxay la kulmeen ciidamo Booliis ah oo laga keenay dalka Kenya magaalada Mombasa halkaasoo tababar ay kusoo qaateen mudo sedex bilood ah iyagoo warbixino uu halkaasi ka bixiyey Jeneraal Cali Madoobe oo taliyaha Booliiska Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha meelihii ay kormeer kusoo kala bixiyeen ka mid ahaa Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo oo hawlo dayactir ah ay wado dowlada federaalka waxaana halkaasi warbixin kasiiyey wasiirka gadiidka cirka iyo dhulka Mudane Maxamed Ibraahin Nuur "Kiish Bur" iyo Wasiir k/xigeenka hawlaha guud Md. Indho buur, iyagoo isha soo wada mariyey dhamaan dhismaha uu ku fadhiyo garoonka diyaaradaha. Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha ayaa booqashadooda waxaa ku wehliyey Gudoomiyaha Gobolka Bay Xaaji Maxamuud Barbaar iyo xubno kale oo dowlada ka tirsan iyadoo haatan dhismayaashaasi ay marayaan mid gabo gabo ah ayaa waxa la rajaynayaa inay dhawaan hawl gali doonaan. Ciidamada lagu soo tababaray Mombasa Kenya Dhismaha Qeybta Booliiska oo la dhamaystiray Maxamed Cabdulle Xasan (SIIDI) siidmohamed@hotmail.com siidi@somaliweyn.com Somaliweyn Media Center Quote Share this post Link to post Share on other sites
raadamiir Posted July 11, 2006 Nice pictures very nice pictures indeed. Abduallhi Yusuf and his Government are really geting it together in Baidoa I see. great news! Quote Share this post Link to post Share on other sites