Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed No doubt Al Shabaab are terrorists

Recommended Posts

Sheikh Shariif;”Shaki kuma jirto in Al-Shabaab ay tahay Argagaxiiso”

 

March 4, 2010Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta Shir Jira’id uu ku qabtay magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ka hadlay arimo ay ka mid tahay go’aanka ay dhowaan Dowladda Ingiriiska ka qaadatay Xarakadda Al-Shabaab ee ku aadan in ay ku darayso Liiska Argagaxiisada Caalamka.

 

Waxaana uu sheegay in go’aankaas ay tahay mid Dowladda Ingiriiska ay lasoo daahday isla markaana aysan shaki ku jirin in Xarakadda Al-Shabaab ay tahay Urur Argagaxiiso ah.

 

”Go’aanka ay Dowladda Ingiriiska ka qaadatay Al-Shabaab waa mid ay lasoo daahday,shakina kuma jirto in ay ka mid tahay Ururada Argagaxiisada Caalamka”,ayuu yiri.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in usoo dhoweynaayo talaabadaas isla markaana sheegay ay Dowladda Britain ay kala garab geli doonaan,waxaana u ugu baaqay in ay ansixiso.

 

Sheikh Shariif ayaa Xoogaga Mucaaradka ee kasoo horjeeda Dowladiisa ugu baaqay in ay joojiyaan dagaaladda ay wadaan isla markaana heshiis lasoo galaan Dowladiisa.

 

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli Dowladda Britain ay dhowaan ku dhawaaqday in ay xayiraad kusoo rogayso Xarakadda Al-Shabaab kaas oo ku aadan in ay ku darayso liiska Argagaxiisada Caalamka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif "Shaki kuma jiro in Shabaab Argagixiso tahay, Tallaabada Ingiriisku waa mid lala soo daahay"

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay tallaabada Dowladda Ingiriiska ku mamnuucay Ururka Alshabaab oo horay Mareykanku ugu daray Liiska Argagixisada.

 

Shirka jaraa'id ee Madaxweyne Shariif oo Warbaahinta Muqdisho u qabtay oo ahaa mid dhinacyo badan taabanayay ayaa waxaa uu sheegay in tallaabada Dowladda Ingiriiska ku mamnuucay Shabaab uu yahay mid lala soo daahay, isagoo ku booriyay dalalka kale in ay qaataan tallaabadaas mid la mid ah.

 

"Shaki kuma jiro in Shabaab ay argagixiso tahay, tallaabada Ingiriiska waxay aheyd mid lala soo daahay, dalalka kalena waxaa ku wargelineynaa in ay qaataan tallaabadaas mid la mid ah"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

 

Mar uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam ayuu ugu baaqay in ay khilaafkooda xaliyaan, isla markaana ay qaataan Nabada lana midoobaan Dowladda KMG.

 

Shariif ayaa gacan midig u taagay Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, isagoo ugu baaqay in ay nabada qaataan, isla markaana ay shacabka ka joojiyaan, dilka cabsi gelinta iyo boobka ay ku hayaan hantidooda sida uu hadalka u dhigay.

 

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale codkiisa ku biiriyay lamanayaasha Ingiriiska ee u afduuban Burcad badeedka, isagoo ugu baaqay in ay sii daayaan, si shuruud la'aan ah, waxaana uu qeyla dhaan xoogan ka muujiyay falalka burcad badeednimada ee wali sii baahaya.

 

Shirka jaraa'id ee Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, xilli todobaadka soo socda lagu wado inuu booqashadiisa u horeysay ku tago dalka Ingiriiska, halkaasoo kula kulmi doono Mas'uuliyiin ka tirsan iyo Soomaalida ku dhaqan.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this