Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Irony an SSDF comander or a Siyad Barre Guard choice for PM

Recommended Posts

Halkee mareysaa xulashada Ra'isal wasaraha Somalia?

12 Oct 12, 2010 - 12:38:10 PM

 

Kadib markii uu iscasiley Ra'isal wasaarihii Somalia Cumar Cabdirashid Cali Sharma'arke ayaa waxaa Madaxweyne Sheekh Shariif weli go'aan ka gaarin qofkii qaban lahaa xilkaan.

 

Waxaa xusul duub xoogan ka socdaa magaalada Muqdisho gaar ahaan gudaha Villa Somalia iyadoo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in xubnaha loogu hadal heyn badan yahay ayu ugu cadcad yihiin Xuseen Khaliif Xaaji Jamac iyo Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

 

1- Xuseen khaliif Xaaji Jaamac

2- Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini

 

Xuseen Khaliif Xaaji Jamac oo ka baxey dugsiga sare ee Cumar Samatar [Galkacayo] sanadkii 1977 ayaa noqdey sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska isagoo markii dambe ku biirey ururkii SSDF 1981.

 

Mr. Xuseen Khaliif ayaa u baqooley dalka Canada markii ay burburtey ururkii SSDF isagoo halkaas ku qaatey waxbarasho dheeraad ah.

 

Musharaxaan ku jira xubnaha saaran miiska Madaxweynaha DFKMG ah Sheekh Shariif ayaa waxbarashada uu ku qaatey dalka Canada kadib u shaqeeyey Bangiga Islaamka oo saldhigiisu yahay wadanka Sucuudiga.

 

Dhinaca kale waxaa wararku sheegayaan in liiska kala doorashada uu kusoo harey ninka la yiraahdo Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

 

Diini ayaa xogahaan hayno haysan jirey xiligii Xukuumada Maxamad Siyaad Barre ka talineysay wadanka Somalia xeradii ciidamada ee la oran jirey 77 isaga oo markii dambe xukumey ciidamadii Madaxtooyada Marxuum Siyaad.

 

Magalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo looga arinsanayo qofka qabanaya xilkaan iyadoo shirarka xildhibaanada iyo siyaasiyiin kale la galayaan Madaxweyne Sheekh Shariif.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this