General Duke Posted October 28, 2008 Faafaahin ku saabsan khasaaraha kale ee ka dhashay qarixii lagu dilay Nuuriye cali Faarax. Nuuriye Cali Faarax iyo 3 ruux oo kale ayaa ku dhintay qarax miino oo saaka barqadii lagula eegtay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha hoose. Wararka ayaa sheegaya in dadka qaraxaas kula dhintay nuuriye uu ku jiray darawalkiisii,iyadoo ku xigeenka 1-aad ee guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose maxamed Maxamuud Cilmi uu isna dhaawac darani kasoo gaadhey qaraxaas miino. Maliishiyooyin aad u farabadan oo ah kuwii Nuuriye uu taliyaha u ahaa ayaa loosoo daad gureeyay magaalada Marka waxaana ay fariisimo ka sameysteen wadooyinka magaalada oo dhan. Wali ma jirto cid sheegatay qaraxa lagu dilay Nuuriye oo ahaa mid loo adeegsaday miinada Remuut-ka laga hago. Nuuriye ayaa noqonaya sarkaalkii ugu horeeyay ee horay u taageersanaa maliishiyada shabaabiyiinta oo lagu dilo qarax miino. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 28, 2008 Nuuriye Cali Faarax oo la dilay Marka, Somaliya (Calanka.com) 28-Oktober-08 Mid ka mid ah taliye xigeenadii booliska gobolka Sh/hoose ee xilka laga xayuubiyay dhawaan Nuuriye Cali Faarax ayaa goordhaweyd waxa uu ku geeriyooday qarax lala beegsaday gaari uu saarnaa, kaasoo ka dhacay gudaha magaalada Marka. Marxuum Nuuriye ayaa goor sii horeysay waxaa isaga iyo taliyihii boosliska gobolka Sh/hoose Cali Ganey laga qaaday xilkii ey ka hayeen boliska, iyagoo lagu eedeeyay in ey xiriir la leeyihiin kooxaha kasoo horjeeda dowladda ee ku sugan deegaanada Sh/hoose. Nuuriye Faarax iyo Cali Ganey ayaa jawaab caro leh ka muujiyay xilkii laga xayuubiyay ee boolisnimo, waxaana ey hanjabaadyo iyo eedeymo ku aadan xilka laga owgiis u direen taliyayaasha ka sareeyay ee go`aankii xil ka qaadistoodu kasoo baxay. Magaalada Marka ayaa iminka xaaladeedu kacsantahay, mana la oga ilaa iyo iminka cida sida rasmiga ah uga dambeysa dilka Nuuriye Cali Faarax. Qaraxan lala beegsaday Nuuriye Faarax ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay rag kale oo la socday. Wixii kusoo kordha isha ku hay Calanka Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 29, 2008 Gudoomiye ku xigeenkii G/Sh/hoose oo Maanta ku geeriyooday Muqdisho Gudoomiye kuxigeenka gobolka Sh/hoose ahaana Kusimaha Gobolka Sh/hoose Max’ed Max’ud Cilmi oo shalayto ku dhaawacmay qaraxmiino oo ka dhacay magaalada Marka Ee Xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa la keenay Magaalada Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaana isbitalka Uganda’s-ka ee ay kuleeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa ku geeriyooday isbitalkaas Uganda’s-ka Ee Magaalada Muqdisho . Gudoomiye ku xigeenka Max’ed Max’ud Cilmi ayaa shalayto waxaa uu ku soo dhawacmay qarax ay kooxo aan la aqono kula soo beegsadeen asaga iyo taliye ku xigeenkii ciidanka Police-ka Gobolka Sh/hoose Mowliid Cali Faarax kaas oo shalayto asaga halkaasi ku geeriyooday gudoomiye ku xigeenkuna dhaawacii ka soogaaray uu Muqdisho ugu dhintay . Gudoomiyekuxigeenka ayaa weli waxaa uu yaalaa meedkiisii gudaha Isbitalka Ugandas-ka ay ku leeyihin magaalada Muqdisho waxaana gaaray isbitalka saraakiil ka tirsan DFKMG ah Ee Soomaaliya iyo gudooomiyaha Gobolka Sh/hoose Max’ed Sh/C/qaadir Max’ud oo Muqdisho Howlo shaqo u jooga sida uu sheegay waxuuna iminka ku sugan yahay isbitalka Ugands-ka Magaalada Muqdisho si ay Meedkiisa halkasi uga soo qadaan iyagoo haatan aan la ogeyn halka meedkiisa Lagu aasidoono, Masuuliyiintana waa ay ka gaabsanayaan su’aalo kusaabsan arintaas oo la weydiiyo . Dhanka kale howlgalkii saakay ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ay ka wadeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa soo gabagaboobay waxayna u muuqdaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMG ah Ee Soomaaliya in ay isaga baxeen Degaanadii ay Howlgalada ka sameynayeen . Xaalada Dhaqdhaqaaqa Dadweynaha iyo Ganacsiga ayaa waxay ku soo labteen si toosa waxayna bilaabeen in ay dadku isukalagooshaan ayadoo aan la ogeyn Howlgalkii ay ciidamada Sameeyeen wax ay ku soo qabqabteen. Max’ed Xuseen Gentleman SBCInternational- Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites