Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Alleged Terrorists Arrested in Burco

Recommended Posts

Burco(iftinnews)04/10/2010 Ciidanka amaanka gobolka Togdheer ayaa hawlgal balaadhan oo ay xalay ilaa maanta ka sameeyeen magaaladda burco waxay ku soo qabqabteen Tiro ahaanba 8 nin oo looga shakisan yahay inay gacan saar la leeyihiin kooxda hubaysan ee Al-shabab .

 

Guddoomiyaha gobolka Togdheer oo shirkaasi jaraa,id oo uu saxaafadda kula hadlay Xarunta gobolka ee magaaladda Burco waxa ayaa ugu horaynba u mahadnaqay ciidanka amaanka gobolka Togdheer waxanna uu sheegay inay ciidanku ku guulaysteen qabashadda rag looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyiin Urur diimeedka Hubaysan ee Al-shabab isagoo sheegay in aaanay jirin wax dhibaato ah oo ka Dhashay arrintaas .

 

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ciidamadda amaanka ee magaaladda burco laga dareemayay feeginaan dheeri ah kaasi oo lagu arkayay magaaladda Burco habeenkii iyagoo baadhitaan ku samaynaya Gaadiidka yar yar iyo waa waynba .

 

Ragan ayaa sidda ay Ilo xog ogaali sheegayaa waxaa ku jira wiil dhalinyaro ah oo reer koonfureed halka ay Todobadda kalenna kasoo jeedaan gobolkan Togdheer

 

Dhankalenna waxa kaloo uu guddoomiyaha gobolka Togdheer ka hadlay Raashin caawimo ah kaasi oo wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaliland ugu deeqday goboladda Somaliland oo saamigii ay uu lahaa gobolka Togdheer manta loo qaybiyay Cusbitaalka waalidda magaaladda burco ee maandhaaye iyo Cusbitaalka guud ee magaaladda burco iyo waliba jeelka wayn ee magaaladda .

 

Guddoomiyaha gobolka Togdheer waxa kale oo uu sheegay inay dadkan ay soo qabqabteen ay baadhitaan ku samayn doonaan siddoo kalenna waxaa warar hoose sheegayaa inay ciidanka amaanka ee gobolka Togdheer Gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa inkastoo uu Hogaanka ciidanka booliska Gobolka Togdheer ka cudur daartay inuu faahfaahin ka bixiyo mar aanu isku Daynay inaanu Arrintaasi wax ka waydiino.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco( HWN) Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer waxa saaka illa xalay hawlgalo ay ciidanka Bileyska Gobolku sameeyeen lagu qabqabtay 8 Nin oo lagu tuhusanyahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha konfurta somaliya ka dagaalama ee AL-SHABAB, 8da nin oo hadda ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Burco ayaa la sheegay in Baadhitaanka ka dib la sheegi doono wixii lagu helay arrikoodana ay hadda gacanta ku hayaan CID du.

 

Badhsaabka Gobolka Togdheer oo saaka shir jaraaid oo sadex Geesood ah ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey Tirada la qabtay ee ciidanka Bileysku gacanta ku hayaan, waxaana Guddomiyaha Gobolka Yasin Muxumed Cabdi uu ka warbixiyey hawlaha ay ciidanka Bileysku wadaan oo uu sheegay inay ay bilaabeen kadib markii dhowaan 2 jawaan oo ay ka buuxan walxaha qarxa laga helay meel ka mid ah koonayasha Magaalada Burco oo lagu aasay, waxaanu sheegay in bileysku iyagoo arrimahaas daba jooga ay soo qabteen 8da nin ee saaka illa xalay la qabtay.

 

Badhsaabka gobolka oo saxafaddu wax ka waydiisay Goorta ay caddayn doonan danbiga nimankan iyo in la marin doono jidka saxda ah maxkamad la hor keeni dono iyo inkale waxa uu ku jawaabay Guddomiyuhu "hawshoodi waxa hadda gacanta ku haya CID da, haddii danbi lagu helona maxkamadda ayaa la hor geyn doona oo wixii sharciya ayaa la marin doonaa, sida ugu dhakhsaha baddanna arrinkooda waa loo dhammaynayaa" ayu Guddomiyuhu.

 

Kooxahan saaka illa xalay laga qabtay magaalada Burco oo sida badhasaabku sheegay isugu jiray kuwo somaliland u dhashay iyo konfur ka yimi oogobo ganacsi ku leh magaalada Burco ayaa qab qabshadooda si weyn looga dareemay Gebi ahaanba magaalada Burco, waxaana aagagii laga qabqabtay kooxahaasi saaka ay dadka oo dhami is weydiinayeen qabqabashada raggaasi lagu tuhmay inay gobolka iyo dalka ka wadeen kharbudaad dhinaca nabadgelyada ah.

 

Hadaba shirkan jaraaid ee Guddomiyuhu saxaafadda u qabtay ayaa wuxu dhinaca kale kaga hadlay kulan ballaadhan oo uu la yeeshay inta badan Hay’adaha ama NGO yada Local ka ah ee ka hawlgala Gobolka, waxaanu uu ku sheegay kulankoodasi inay kaga wada hadleen ka qayb qaadashada maalinta ololaha nadaafadda Somaliland oo madaxweynuhu ku dhawaaqay shalay, taas oo ku beegan 5ta Sebtember oo ah maalinta Berri ah, waxaanu sheegay Guddomiyuhu inay ay isla afgarteen dhammanba NGO yada ay kulmeen ka wada shaqynta nadaafadda Deeganka, waxaana uu sheegay Guddomiyuhu in berri dhammaan ay fasax yihiin shaqaalaha iyo goobaha shaqada ee Dawladdu, loona wada guntanayo shicib iyo dawladba sidii olole ballaadhan loogu qaadi lahaa nadaafadda Gobolka, waxanu sheegay in Guddiga Hogaaminaysa hawsha berri ah ee ololaha loogu qaadayo nadaafadda uu Guddomiye u yahay Duqa Degmada Burco Maxamud Axmed Xasan Dhegolaab.

 

Dhinaca kale waxa uu Guddomiyaha Gobolku raashin mucaawanooyin ah oo wasaaradda Diinta iyo awqaaftu ay soo gaadhsiisay maamulka Gobolka ku wareejiyey Cisbitaalka Guud iyo Cisbitalka dadka waalan ee Maandhaye iyo weliba jeelka weyn ee Burco, waxaana lagu wareejiyey laba gaadhi oo xamuul ah 3daasimeelood, iyadoo ay kala ahaayeen 1740 Kiish oo isugu jira Bariis,Daqiiq iyo Sonkor, 154 kartoon oo caano ah, 138 kartoon oo saliid ah, iyo 600 kartoon oo basto ah, waxa uu Guddomiyhu ku wareejiyey dhammaan ba raashinkaas mid walba Maamulkiisi iyo masuuliyiintisa, isagoo sheegay Badhasaabku in ay yihiin raashin mucaawano ah oo wasaaradda Diinta iyo awqaftu ay soo gaadhsiisay.

 

Magaalada Burco oo ku jirtay maalmahan u danbeeyey damaashadka iyo u diyaar garowga ciidul fidriga ay inaga xigaan dhowrka maalmood ee keli ahi, ayaa sas ka qaaday saaka hawlgalada Bileyska ee lagu soo qabqabtay ragga la tuhunsanyahay, iyadoo dhinaca kale ay ololaha nadaafadda ee berrri laga fulinayo Gobolka oo madaxweynuhu ku dhawaaqay aad ugu riyaaqeen shacabka Burco, oo aan hore u lahayn maalin olole nadaafadeed oo qoondaysan ama u gaar ah dalka, dhinaca kale waxa iyaguna wasaaradda diinta iyo awqaafta aad ugu mahadnaqay maamulayaasha iyo madaxda Cisbitaalada maandhaye iyo cisbitaalka Guud iyo weliba taliyaha ciidnka asluubta ee Gobolka ahna madaxa jeelka weyn ee Burco, waxaanay sheegeen in wakhtigii loo baahna ay wasaaraddu ku soo beegtay mucaawanadeeda.

 

Ugu danbayntii Badhasaabka Gobolka ay warbaahinta Baaq uga diray dhammanba shacabka Gobolka iyo kuwa somaliland oo dhannba, isla markaasna ku baraarujiyey inay feejignaadan feejigona u yeeshaan cid kasta oo ay ka shakiyaan, waaxanu ku ammaanay dadaalka ay marwalba shacabku ugu jiraan ilaalinta amnigooda, isagoo sheegay in wada shaqayntu wa xbadan oo faaido ah leedahay in sidaas mar walba loo wada shaqeeyaana ay aad u wanaagsantahay si loo wada badbaado waxna lo wada qabsado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this