Sign in to follow this  
Cowke

Galmudug:Inaad Deriskayaga duqaysaan Idiinkama yeelayno Maalindanbe

Recommended Posts

Cowke   

Gaalkacyo:"Inaad Deriskayaga duqaysaan Idiinkama yeelayno Maalindanbe"Midkamid ah Nabadoonada Mudug oo Galmudug Canbaareeyey.

 

24. maj 2010

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Qaarkamid ah Malayshiyaad kasoo jeeda Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa shalay aroornimadii hore isku dayey inay joojiyaan shaqada Garoonka weyn ee magaalada Gaalkacyo kadib markii ay dhowr hubka rasaasta waaweyn ah ku soo garaaceen garoonka Diyaaradaha ee magaalada Gaalkacy,Hubkan markii uu dhacay oo ay garoonka fadhiday Diyaarad yar oo nooca qaadka ka keena Wadanka Kenya ayaa waxay keentay in Hub ka waaweyn midkii lasoo tuuray ay ku jawaabaan Ciidanka Daraawiishta ee Puntland,walow aysan labada hub wax khasaaro ah gaysan hadana waxay baqdin ku abuurtay dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

 

Qaarkamid ah Nabadoonada Koonfurta Gaalkacyo ayaa canbaareyn & eedeyn u jeediyey malayshiyaadka Koonfurta gaalkacyo kadib markii ay dhowr jeer oo hore hub ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo,waxayna sheegeen in tilaabooyinka noocan oo kale ah aysan derisnimada ku wanaagsanayn isla markaasna ay khasaaro naf & maalba keeni karto maadaama ay Ciidanak Puntland markasta ku jawaabaan hub ka khatar badan midka koonfurta gaalkacyo laga soo tuuro.

 

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah Odayaasha koonfurta gaalkacyo ayaa sheegey inay ka xunyihiin tilaabooyinka Noocan oo kale ah,wuxuuna sheegey in saraakiisha ciidamada ee Maamulka Galmudug ay markasta sheegeen inay malayshiyaad hubka kala carareen,waxaana uu warkaas ku tilmaamay mid aan xaqiiq ahayn oo wax loogu dhimayo derisnimada & Walaaltinimada dadka wada daga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

"Waxaanu ka xunahay falalka ay ku dhaqmaan ciidanka Galmudug,waa kuwo foolxun markastana saraakiishoodu waxay sheegaan inay ciidanku hub iska rideen,waa arin aanan la yeeli karin waayo Taliyuhu hadii uusan ciidankiisa amri karin waa inuu iska dhaafo xilkan uu sheeganayo,wiilasha hubka ridayana waxaan u sheegaynaa in aanu u dulqaadan doonin maalin danbe in deriskayaga la'iska duqeeyo,waayo khasaaradu anaga ayey nagu soo laabanaysaa,cidii wax qabtana waa inay afka ka sheegato"ayuu yiri Cali Diiriye Aloore.

 

Hadalka Nabadoonkan ayaa imaanaya xili ay dhowr jeer oo hore soo noqnoqdeen falalka noocan oo kale ah oo ka dhasha Hub laga soo tuuro koonfurta magaalada Gaalkacyo taas oo hadhow khasaaro u keenta dad badan oo anan waxba galabsan,waxaana ay Mas'uuliyiinta labada maamul dhowr jeer ku baaqeen in la joojiyo falalka noocan oo kale ah oo derisnimada wax u dhimi kara.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this