Cowke Posted July 14, 2010 Wasiirka Ganacsiga Puntland oo Ganacsatada Ku Waaniyey inay Ganacsiga Dalkooda Ku Kalsoonaadaan (Garowe) RBC : Wasiirka Wasaradda Ganacsiga Puntland Xasan Faarax Jaamac ayaa sheegay in gancsatada Puntland looga baahan yahay in ay kor u qadaan ganacsigooda gudaha dalka ka soo baxa oo aysan u hanqaltaagin kan dibadda uga yimaada . Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la hormariyo ganacsiga gudaha dalka oo aan la sugin kan banaanka Dalka uga yimaada waxuuna tilmaamay hadii tilaabadaa la qaado in uu hor mar gaarayo ganacisga dalka wax ka soo baxa . Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in wax soo saarka dalka si kor loogu qaado ganacsiga gudaha la xoojiyaa waxuna ugu baaqay ganacsatada in ay arintaa xooga saaraan . Wasiirka ayaa dhinac kale ugu yeeray Ganacsatada in ay gacan ka agaystaan dhinac amniga oo uu sheegay in uu yahay muhiim waxuuna ugu baaqay in arintaa ay xooga saaraan maadama hadii amaan jirin uusan ganacsi jiri doonin. Hadalka wasiirka ayaa ahaa mid uu ka sii daayay xili uu soo xirayay kulan ganacsatada Puntland uga socday Magalada Garowe waxuuna sheegay in looga baahan yahay cid kasta in amaniga gacan ka gaysato oo aysan cidna ku halayn. Waa markii ugu horaysay ee Wasiirka ganacsga iyo warshadaha Puntland oo ganacsatada ugu baaqay in kor u qadaan ganacsiga guda dalka si kor ugu kaco wax soo saarka Dalka oo u muuqda mid yaraaday wixii ka danbeeyay bur burkii dalka ku dhacay RC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase. Quote Share this post Link to post Share on other sites