Paragon Posted June 14, 2006 War deg deg ah:Maxaakiimta oo qabsadey degmada Mahadaay Jowhar- 14.June.2006 Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga ah ay qabsadeen degmada Mahadaay oo 22 KM dhanka qorax ka soo baxa ka xigta magaalada Jowhar. Degamada Mahadaay waxay maxkamaduhu weerareen ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay halkaasi isku urursanayaan deegaankaasi Maleeshiyaadka Max'ed Dheere oo saaka laga qabsadey degmada Jowhar. Qabsashada labadan degmo ee Gobolka Shabeelaha dhexe ay qabsadeen maleeshiyaadka Maxkamadaha ayaa waxay ka dhigaysaa in badi gobolkaasi ay iminka maamulaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga. Degmooyinka ku teedsan dhanka Xeebta ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ka maqan gacanta maleeshiyaadka Maxkamadaha oo isku balaarinaya Gobolada Banaadir iyo Shabeelooyinka. Axmed Xasan Mahad SBC Jowhar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted June 14, 2006 Let them go to Baydhabo now. Clean up that mess called TFG. Quote Share this post Link to post Share on other sites