Sign in to follow this  
General Duke

Galgala: Puntland forces capture weapons, mines, documents

Recommended Posts

puntlandgalgala.jpgWar Deg Deg ah:Qaraxyo lagu aasay Laamiga Boosaaso oo ay Ciidamada Amaanku soosaareen.

10. august 2010

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Ciidamada Amaanka ee gobolka Bari ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa soo saarista Miinooyin waaweyn oo ah nooca gacanta lagu hago kuwaas oo lagu daadshey meelo kamid ah Laamiga weyn ee Boosaaso,waxaana ay ciidanku sheegeen in qaar badan oo kamid ah ay soosaareen.

Miinooyinkan oo lasheegey in intoodabadan xalay habeenimo lagu aasay Dhinacyada wadada Laamiga ah ee Boosaaso ayaa ciidamada Amaanku ay sheegeen in qaarkamid ah lagu aasay meel aanan waxbada u jirin Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis xarunteeda ugu weyn Puntland.

 

Sarkaal katirsan Ciidanka Amaanka ee gobolka Bari ayaa goordhaweyd APL u sheegey in ugu yaraan 3-miino oo ah nooca loogu tala galay Taangiyada in loo dhigo halkaas ay kasoo saareen,Waxaana uu Sarkaalkani sidoo kale sheegey in Ciidamadu ay weli baadi goobayaan qaarkamid ah Miinooyinkaas oo la tuhunsanyahay in meelo kale ay ku xabaalanyihiin ama lagu aasay.

 

Sidoo kale Taliyahani wuxuu sheegey in Ciidamada Amaanku ay xogtan heleen goordhow oo saaka ah,waxaana uu sheegey in ay baaritaano halkaas ka bilaabeen,waxaana uu wadada miinooyinka lagu aasay ku sheegey mida ugu isticmaalka badan Saraakiisha & madaxda dawlada.

 

Guud ahaan Laamiga Weyn ee Boosaaso ayaa imika xiran,Waxaana ay Ciidamadu joojiyeen Isticmaalka goobo horleh oo laga shakisanyahay,Wixii war ah oo kasoo kordha APl kala soco.

Cabdiqani Xayir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galgala:D/Puntland oo baartay Aqalkii Hogaamiye Atam ee Galgala...(Warbixin).

10. august 2010

 

APL

 

Galgala:(Allpuntland)-Ciidamada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa Baaritaano adag ku sameeyey meelo kamid ah Tuulada Galgala ee gobolka Bari kadib markii mudo 24-saac kahor ah ay dawladu lawareegtay gacan ku haynta Deegaanka Galgala oo mudo dheer ay Dawladu ku haminaysay.

 

Ciidamada Puntland oo noocyo badan isugujira ayaa lasheegey in saacadihii lasoo dhaafay ay ku gedaamnaayeen Guriga qaarkamid ah Saraakiishii Malayshiyaadka Tabacsan Alshabaab ee deegaankaas gacanta ku hayey maalmihii lasoo dhaafay,waxaana guryahaas kamid ah Gurigii uu tuulada Galgala ka degaan Hogaamiye Maxamed Siciid Atam hogaamiyihii ciidanka taabacsan Alshabaab ee ay dawlada Puntland dagaalameen labdii cisho ee lasoo dhaafay.

 

Goobjooge deris dhow la ah guriga Hogaamiye Atam ayaa APL u sheegey in xalay ilaa saaka gurgaas baaritaano adag ay kasocdeen,waxaana uu intaas ku daray in Saraakiil badani ay gudaha guriga galeen dabadeedna ay soo saareen hub badan & qalab kamid ah Walxaha Qarxa & Alaabo kale oo badan kuwaas oo uu sheegey inay ciidamadu qaateen.

 

Taliye sare oo katirsan Ciidanka Daraawiishta ee dawlada Puntland laguna magacaabo Gol,Cabdulaahi Cumar ayaa midkamid ah Idaacadaha ka howlgala deegaanada Puntland u sheegey in Hub & Walxaha qarxa ay kasoo saareen guriga Hogaamiyaha,waxaana uu intaas ku daray in Weli Baaritaanadu ay socdaan.

 

"Waxaanu baarney Gurigii ninkii Wiila waali jiray uu Galgala ka degenaa...Waxaanu kasoo saarnay 12 qarax oo meesha ku diyaarsanaa kuwaas oo ahaa kuwo lagu qarxiyo gacanta ,Matoor weyn oo alxanka lagu sameeyo & qoraalo muhiim ah,dhamaantoodna waxaanu ugudbinay Saraakiisha naga saraysay"Ayuu yiri Sarkaalkan oo si kooban uga hadlay Baaritaankan ay sameeyeen.

 

Dhinaca kale Ciidamo katirsan kuwa Puntland oo lug ah ayaa weli daba socda islamarkaasna baacsanaya koox yar oo habeen hore ka baxday Deegaanka Galgala oo lasheegey inuu horboodayey Hogaamiye Atam,waxaana ciidamadani lasheegey inaysan weli gacanta kusoo dhigin Sarkaalkan & Saraakiil lasocotay balse ay weli dabajoogaan,mana jiro wax dagaal ah oo labada dhinac weli dhexmaray.

 

Cabdiqani Xayir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso Oo Lagu Qabtay Waxyaabaha Qarxa.

 

Posted by Ali on August 10th, 2010

Boosaaso(Puntlandi.Com);- Ciidamada Amaan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa ku guulaystay in ay soo saran Pam nooca gacanta lagu farsameeyo oo lagu aasay wada Laamigaa.

 

Taliye Xigeenka Policka Puntland Gen. Maxamed Siciid (Jaqanaf) iyo Duqa magaalada Boosaaso oo booqday goobta Pamka lagu aasay ayaa warbaahinta u sheegay in Pamkan loogu talagalay in lagu waxyeeleyo dadka shacabkaa iyo Madaxda Dawlada Puntland balse ciidamada ka hortageen.

 

Taliyaha ayaa sheegay in Pamkan uu ahaa nooca gacanta lagu sameeyo qasaara badana gaysankara hadii uu qarxo’waxaana uu intaa raaciyay in isku goob lagu farsameeyay qaraxyadii maalintii shalay lagu qabtay Degmada Galgala oo Dagaal ku dhaxmaray Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyo ka soo horjeeday.

 

Duqa Magaalada Boosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa umahad celiyay Ciidamada Amaaka ee ku guulaystay fashilinta Mishinkan iyo shacabka ku soo wargaliyay waxaana uu sheegay hadii shacabka iyo ciidamada wada shaqeeyan in laga guulaysanyo kooxaha fidna wadayaasha.

 

Qabashada Qaraxan ayaa ku soo adaysa iyadoo dagaal xoogan la’la galay koxo Dawlada ku tilmaantay in ay xiriir la’leeyihiin Alshabaab balse iyga beeniyeen.

 

Ali Ahmed Abdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this